Facebooka oo Booliiska u Sahlay in ay Soo Qabtaan Dhalinyaro Tuugo ah oo dhac u geysatay meel Suuq ah (Halkaan ka Daawo Sida Loo Soo Qabtay).
Dhalinyaro tuugo ah oo dhac u geysatay meel suuq ah ayaa waxaa la sheegay inay Booliisku si sahlan ku soo qabteen ka dib markii ay Sawiradooda galiyeen boga Facebook iyagoo isku Sawiryy lacagtii ay soo dhaceen taas oo keentay inay Booliisku ogaadaan ka dibna ay xabsiga dhigaan.
Dhalinyaradaan oo saacado ka dib markii suuqaas ay ka dhaceen Lacag kor u dhaafeesa ilaa iyo 8,000 oo doolar iyo waliba baakado Sigaar ah ayeey dhalinyaradaas oo ka koobneyd ilaa 4 ruux waxay galiyeen boga Facebook Sawiro iyaga oo Lacgtaas kaashka ah gacanta ku heysta taas oo keentay in mid ka mid ah qoyska dhalinyaradaas wax dhacday ay arkaan sawiradaas ka dibna ay arintaas ku wargaliyaan Booliiska oo baaritaan ka dib soo qabtay 3 ka mid ah dhalinyaradaas wax dhacday .
Sawirada iyo Cadeeymaha la soo helay ayaa u badnaa Sawiro ay u direen Gabdho si ay u shukaansadaan maadaama Lacagta ay ugu faaneen iyaga oo iska dhigaya Raga Gaangiistarada loo yaqaan .
Da´da Dhalinyaradaan uu Fudeedka qaaday ayaa waxaa lagu sheegay 14-jir ilaa 17-jir wexeeyna hada sugayaan Maxkamadii dambigooda qaadi leheed.
Halkaan ka Daawo sida ay wax u dhceen >>> http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=N7aTbnso4Ts