Barnaamishka Xogta hoose & Xiriiriye : Dardaarankii ugu dambeeyey ee Cecs Fabregas & Samir Nasri Qeeybtii 1-aad iyo Qeeybtii 2-aad !!!!
Barnaamishka Xogta hoose & Xiriiriye.com waxa uu soo bixi doonaa Isbuucii hal mar waxaana kaga hadli doonaa Sirta qarsoon ee Ciyaartooyda Caalamka.
Markii eey Arsenal ka tagayeen maxeey Fikrad ahaan isku dhaafsadeen Laacibiinta kala ah Cecs Fabregas & Samir Nasri?? !!!!
QEEYBTII 1-AAD
Samir Nasri " Sidee u aragtaa inaan Arsenal ka tagno?
Cecs Fabregas " Ma ahan arin wanaagsan laakiin sabab ayaa jirta.
Samir Nasri " Waa maxay sababta Jaceeyl aad Fc Barcelona u qabto miyaa?
Cecs Fabregas " Maya Saaxiiboow Jaceyl aan Barcelona u qabo ma ahan ee meesha waxaa taal Abaar & xanuun Koob la ´aaneed.
Samir Nasri " Runta sheeg Saaxiiboow Ciyaartooyda kaleba Xanuun koob la´aaneed weey heeysaa.
Cecs Fabregas " aniga marka ma Ciyaartooyda kale baan la mid ahay soo Laacib weeyn ma ihi?
Samir Nasri "Gartay, laakiin amaa dhanka Fc Barcelona abaar kale oo Koob la´aan ah ka soo qaadaa?
Cecs Fabregas " Habaar maad biloowday Saaxiib?.
Samir Nasri " Intaas kaftan ayeey iga eheed , waxaan ku iri ma la socotaa aniga Dhibka & Cabsida weeyn ee i heeysata?
Cecs Fabregas " Maya, waa maxay dhibka & Cabsida ku heeysata?
Samir Nasri " Saaxiiboow adiga weey kuu dhacatay oo koox ka baxsan horyaalka England ayaad aadeysaa laakiin aniga waxaan u tagyaa Man City.
Cecs Fabregas " Haye, waa maxay laakiin hadaad u tagto Man City dhibka aad ka cabsaneeyso.
Samir Nasri " Waxaa hubaal ah Saaxiiboow ineey Taageerayaasha Arsenal buuq & Rabsho ila daba kici doonaan anigana ma jecli Caayda & Qeeylada faraha badan oo Kubada ayaa iga Taraaraxdo waxaana iga dhumo Koontaroolka.
Cecs Fabregas " waan gartay, maad aadid kooxaha horyaalka Talyaaniga?
Samir Nasri "Ma jecli Horyaal Difaac uun la ciyaaro.
Cecs Fabregas " Ma rabtaa ineey Taageerayaasha Arsenal buuqa iyo Rabshada kaa yareeyaan?
Samir Nasri " Haa Saaxiiboow.
Cecs Fabregas " Mar kaste oo Telefishinada lagaa wareeysto Arsenal amaan si eey Taageerayaasha Arsenal xumaantaada u iloobaan.
Samir Nasri "Taas macquul ma ahan saaxiiboow maxaa yeelay waxaaba igu direeysaa Taageerayaasha Man City mana dhicin weli Xiddig Naadiga uu la joogo ma ahane mid kale amaan la daba kacay.
Cecs Fabregas "Intaas ka badan aniga Fikrad aad Buuqa qeeylada Taageerayaasha Arsenal iskaga yareeyso kuuma haayo laakiin waxaa ku dhihi lahaa Suuf ama Coowska garoonka dhegaha gasho ka dib inteey doonaan ha qeeyliyeen iyaga ayaa daali doona.
Samir Nasri " Saaxiiboow kaftan ayeey kaaga cadahay anigana dhibka taagan ayaan kaala hadlay laakiin waxaa kuu rajeenayaa Taageere cabsan oo Real Madrid ah inuu Madaxa Dhalo kaaga jabso.
Cecs Fabregas "Haye Habaar miyaad biloowday?
Samir Nasri " War waa iga Kaftan, Waxaan ku iri Fc Barcelona ameey Binji kugu cabtaa dhawaan?
Cecs Fabregas "Saaxiiboow kaalay maxaad Habaarka iila daba joogtaa mar aad tiraahdo Taageere Real ayaa madaxa ku fujin doono iyo mar aad Binji oo aan Addunka ugu necbahay ii saadaaliso.
Samir Nasri " Maya habaar igama ahan ee waxaan is iri Fc Barcelona Laacibiin badan ayeey heeysataa ee ameey saxiibkaa Cesc Fabrigas Binji ku cabtaa.
Cecs Fabregas "Aniga marka ma Boolo ayaan ahay Boolada ama ciyaartooyda booskooda ka soo bixi waaya ayaa Binji lagu cabaa.
Samir Nasri " Maya laakiin Sxb Barca waa Naadi weeyn hadii aad dhaawacanto ama Jil Jileec eey kaa dareemaan filimkaaga Eey ayaa cunay.
Cecs Fabregas " Dhaawac waa wax qoran laakiin ma dhici doonto in Booskeeyga eey Balaayo kale gasho.
QEEYBTII 2-AAD BY:TELEFOON
Samir Nasri " Waan ku salaamay Saaxiib Caafimaadka ka waran waxa kula hadlaya waa saaxiibkaa Nasri.
Cecs Fabregas " Waaw, Saaxiib waan kaa qaaday,weli ma nooshahay?
Samir Nasri " Saaxiib ma nooshahay waa maxay , maxaad ii dileeysaa adba waad nooshahaye?
Cecs Fabregas " war waxaan kala jeeday ma iska qancisay Taageerayaashii kugu kacsanaa?
Samir Nasri " Kaalay Fabregas oo maxaad kaligeey dhibaato korka iiga saareeysaa Taageerayaasha Arsenal adba weey kugu kacsan yihiin laakiin waxaad iiga wanaagsan tahay waxaad u tagtay koox ka baxsan Horyaalka Ingiriiska.
Cecs Fabregas " waa runtaa buuq iyo Qeeylo kan Taageerayaasha Real Madrid ayaa iigu sokeeyo.
Samir Nasri "Saaxiib waxaan ku weeydiiyey malaga yaabaa inaan Champions League isku soo aadno?
Cecs Fabregas "Saaxiib war ma heeysid , isku aad iyo soo bixitaan ayeey kaaga cadahay kooxdana Cabsi ayaa ka dhex taagan.
Samir Nasri " Cabsi sidee ah?
Cecs Fabregas " War waxaa la yiri Champions League ma ogolo ineey difaacato kooxdii sanadkaas ka hor horay u heeysatay waxaana iska qasaarinay fursado badan oo aan u maleenay inuu yahay Habaarkaas.
Samir Nasri " Dhib ma lahan anaga ayaa qaadeeyno, Yacni Man City ayaa jeebka ku ridan doonto.
Cecs Fabregas " kkkk Saaxiib Nasri Riyo ayaa ku jirtaa Napoli ayaa gurigiina 1-1 la dhaafi weeyseen Bayer Munchen iyo Villarreal-na weey idiin dhiman yihiin ,xaajadiina ma wanaagsana duqa.
Samir Nasri " horta saaxiib waxaan ku weeydiiyey Ac Milan ma ahan ee yaa kaloo isku Guruub tihiin?
Cecs Fabregas "war kuwo aan waligeey maqal oo Ruush Gaajo ka yimid laguna magacaabo BATE Borisov iyo kuwo ka socda Czech Republic oo Viktoria Plzen la yiraah.
Samir Nasri " Ifka Kooxahaas yar yar wax ka xun ma leh hadeey Guryahooda kugu helaan..Saaxiib Cecs Fabregas Qeeyr ayaan kuu dhaafay kulanti dambe.
Cecs Fabregas" Mahadsanid, sidoo kale Nabad ayaan kuu dhaafay Masuul sare Samir Nasri.
Qeeybtii 3-aad iyo 4-aad oo aad u xiiso badan ka filo www.xiriiriye.com Kaftanka Nasri iyo Fabregas.
By. Cumar Sii Sii