Barcelona Vs Sevilla oo Super-Cup dheelaya, Ciyaartooyda Labada Koox oo hanjabaad hawada isku mariyey & Laacib Messi oo ka gaabsaday inuu Ciyaarta ka hor hadlo. (inta ka Akhri sida eey Labada kooxood u kala badiyeen Taariikhda)
Kooxda weeyn ee aruursatay Laacibiintii soo qaaday World Cup 2010 waa Fc Barcelona oo heeysata Horyaalka dalka Spain iyo Kooxda Sevilla oo ku guuleeysatay Cup-ka Spain ayaa kulmaya habeen dambe oo sabdi ah 14.8.10 saacadu markeey tahay 21:30 xiliga qaarada Yurub.
Ciyaartooyda labadaan Kooxood ayaa maanta Wareeysiyo laga qaaday waxa eey hawada isku mariyeen Hanjabaad iyo erayo aan loo bogin.
Luis Fabiano oo weerarka uga Ciyaara Kooxda Fc Sevilla ayaa u faanay Ciyaaryahan Zlatan Ibrahimovic oo uu ku sheegay inuusan u qalmin sida David villa inuu Barcelona ama kooxaha waa weeyn u ciyaaro.
Luis Fabiano ayaa ku eedeeyey Zlatan Ibrahimovic in uu yahay Nin isku dhejiya kubada oo aan u quurin saaxiibadiis inuu si deg deg ah ugu baaso.
Sidoo kale Laacibka eey Kooxda Real Madrid aad u dooneyso ee Koobka Addunka la soo qaaday Xulka Spain una dheela Kooxda Sevilla Alvaro Negredo ayaa ku eedeyey difaacyada eey ku dhaarato Kooxda Barcelona waa Carles Puyol iyo Pique ineey ciyaartooyda gadaal uga dheg dhegaan ama si qiyaano ah u Jilaafeeyaan.
Ugu dambeeytii wareeysiyadaan oo uu soo ban dhigay Tv-ga xaga Sportiga ugu codka dheer dalka Spain wwiTV.com: Sports TV ayaa waxa uu wareysiga ku soo xiray Hanjabaad ka timid Laacib Renato oo yiri Barcelona Ciyaartooyda eey heeysato weey ku yar yihiin ee habeen dambe ha soo aruursato kuwo ka sii badan inta eey hada aruursatay maxaa yeelay habeen dambe waxaa noo balan ah Maslaxa garoonka. Dhanka kale Laacib Lionel Messi ayaa diiday inuu u jawaabo Ciyaartooyda fc Sevilla, Messi ayaa yiri sidan : ( Marabo inaan ka hadlo ciyaar aan waqtigeedii la gaarin, waligeeyna kama hor hadlin ciyaar aan weli la dheelin)
Hanjabaada ka timid Kooxda Sevilla ayaa loo aaneynayaa in eey ula jeedaan Ciyaartooyda Barcelona waa eey daalan yihiin maadaama dhamaan eey ku maqnaayeen Fasax iyo weliba iyaga oo Kulankii saaxiibtinimo ee Mexico vs Spain 1-1 dirqi Bareejo ku helay dhamaadii daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray kulan kaas saaxiibtinimo.
Dadka reer Spain ayaa u codeeyey ineey ku dhamaan doonto Ciyaartaan 2-1 oo Sevilla guusha ku raaci doonto maadaama eey Jabhad yihiin kooxda Sevilla inta badana dhuunta u gala kooxaha waa weeyn.
Kooxaha Barcelona Vs Sevilla ayaa kulmay inta Taariikhda la ogyahay 134 waxaana 70-jeer badisay Barcelona halka Sevilla eey 35-Jeer dhibcaha ka xayuubsatay Barcelona. 29-Jeer waxa eey galeen labada Kooxood Bareejo.