Coming Soon >>Real Madrid oo Gurigeeda loogu Qubeeyey & Barcelona oo Qarka u saaran Qaadista La Liga, * Ac Milan oo Inter Duugtay & Napoli oo Kaalinta 2-aad soo degtay,*Juventus oo Taageerayaasha Roma kala Dirtay * Manchester United oo Jeebka gashan rabta Premier-League & Arsenal oo ka yaabsatay Taageerayaasheeda, `* Kooxda OSC Lille oo qaadi rabta Horyaalka France, Aaway Lyon & Marseille?,* Borussia Dortmund oo isku diyaarisay Dabaal Dega Horyaalka Germany, Aaway B.Munchen & B. Liverkusen? ,*Fc Twente oo kala wareegtay Psv Eindhofen Hogaanka Horyaalka Holland, * iyo Wararkii ugu dambeeyey ee World Sport News.(Halkaan ka Daawo Kulamadii ugu adkaa ee Horyaalada)
Horyaalada Caalamka kuwooda ugu caasan ayaa wexeey marayaan halkii ugu xiisaha badneed maadama la galay xiligii la soo gaba gabeeyn lahaa. Hadaba Faaqidaada Horyaalada www.xiriiriye.com qeeybta 1-aad waxaanu idinkugu heeynaa warar kaan Top News-ka ah iyo halka eey Kooxaha Horyaalada isla marayaan !!
Hadaanu ku hormarno Horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga oo la ciyaaray kulankiisii 31-aad Kooxda Ac Milan ayaa Hawada ka qarisay oo Duugtay kooxda eey Dariska yihiin ee Inter Milan. Ac Milan wexeey Inter kaga badisay 3-0 wexeeyna Natiijadaas ka dhigeeysaa 4-0 lagu suul daaray Sanadkaan kooxda Inter maadaama wajigii kulankii hore oo ka dhacay Guriga Inter 0-1 looga soo badiyey. Goolasha Kooxda Ac Milan waxaa u kala saxiixay weeraryahanka Qaranka Brazil Alex Pato oo labo Gool ka xareeyey Inter halka goolka 3-aad oo Rigoore ahaa uu dhaliyey Antonio Cassano oo Dhamaadkii ciyaarta Ac Milan Rooso ka qaatay.
Waxaa sidoo kale Inter Rooso laga Laqsiiyey Daqiiqadii 54-aad Ciyaaryahan Cristian Chivu. Ciyaarta markii eey dhamaatay ka dib Skysport waxa uu wareeysi la yeeashay Macalimiinta labada kooxood ee Ac Milan & Inter Milan Massimo Allegri iyo Leonardo.
Milan-Coach Massimo Allegri waxa uu yiri sidan : " Hadaan Inter garaacnay ma ahan inaan seexano oo is dhiibno maxaa yeelay Horyaalka Talyaaniga 7-kulan oo Nadiif ah ayaa ka hartay waxaana loo baahan yahay sidii aan 7-daas kulan u guuleeysan leheen ayuu yiri Massimo Allegri oo 43-jir ah.
Inter-Coach Leonardo ayaa dhankiisa sidan yiri : " Ciyaartooyda Inter horay ayaan ugu sheegay oo waxaan iri is dajiya kana saara Niyada koobka Champions League wexeeyna dhamaantood niyada ku hayaan ciyaarta Championka & Kulanka Schalke, hadii nalaga badiyey Horyaalka Talyaaniga ma ahan inaan ka harnay Tartankii Horyaalka ee waxaan leeyahay 7-kulan oo hartay ma ahan wax sahlan ayuu yiri Xiddigii iyo Tababarihii hore ee kooxda Ac milan Leonardo oo hada Naadiga Inter Tababare u ah.
Halkaan ka Daawo Ciyaartii Ac Milan Vs Inter Milan 3-0 >>> http://www.youtube.com/watch?v=CPiRYnvXilE.
Kooxda Napoli oo ka faaideeysatay Guuldarada dhabarka loo saaray Inter Milan ayaa wexeey soo degtay Kaalinta 2-aad ee Serie A.
SSC Napoli oo SS Lazio ku garaacday Maanta 4-3 wexeey noqoneeysaa kooxda cusub ee ugaarsiga ku heeyso Ac Milan maadaama eey Horyaalka Talyaaniga Kaalintiisa 2-aad soo cariirsatay halka Inter loo tuuray Kaalinta 3-aad.
Ciyaartii maanta ee Napoli vs Lazio waxaa Halyeeygii garoonka noqday Weeraryahanka Qaranka Uruguay Edison Cavani oo Daqiiqadihii (62./82./88.) u saxiixay kooxdiisa Napoli 3-gool oo xiriir ah wuxuuna ka dhigay goolashiisa Hoyaalka Talyaaniga ee xili Ciyaareedkaan 25-gool oo eey wada leeyihiin weeraryahanka kooxda Udinese Antonio di Natale .
Halkaan ka Daawo Napoli Vs SS Lazio 4-3 >>> http://www.youtube.com/watch?v=Kkuo-eUH2bQ.
Kooxaha Serie A ayaa maanta Sidan ku kala baxay marka laga reebo milan Vs Inter (3-0) iyo Brescia Vs Bologna (3-1) oo shalay wada ciyaaray :
|
| Napoli |
Vs Lazio |
4:3 |
| Catania |
Vs Palermo |
4:0 |
| Cesena |
Vs Fiorentina |
2:2 |
| Parma |
Vs Bari |
1:2 |
| Chievo Verona |
Vs Sampdoria Genoa |
0:0 |
| FC Genoa |
Vs Cagliari |
0:1 |
| Lecce |
Udinese |
2:0 |
Kulankii kooxaha AS ROMA VS JUVENTUS ayaa waxaa gurigeeda lagu qararamsaday kooxda As Roma. Juventus wexeey 0-2 ku soo garaacday Roma waxaana 2-.gool u kala saxiixay Xiddiga qaranka Serbia Milo Krasic iyo weeraryahanka mudooyinkaan dambe soo jiitay indhaha caalamka ee Matri . Ciyaarta As Roma Vs Juventus oo eey Garoonka Olympiastadium soo xaadireen 65.000 oo Taageere ayaa waxaa la arkay Taageerayaashii As Roma oo sii qul qulaayo markii uu kooxdooda goolkii 2-aad ka xareeyey daqiiqadii 74-aad Xiddiga kacsan ee Qaranka Talyaaniga iyo kooxda Juventus Alessandro Matri.
Halkaan ka
Daawo Roma Vs Juventus >>> http://www.youtube.com/watch?v=YXqNs3M9sxc. HORYAALKA SERIE A WAXAA LOOGU KALA HOREEYAA SIDAN:
|
|
|
| 1 |
AC Milan |
31 |
19 |
8 |
4 |
54:22 |
32 |
65 |
| 2 |
SSC Napoli |
31 |
19 |
5 |
7 |
50:30 |
20 |
62 |
| 3 |
Inter Milan |
31 |
18 |
6 |
7 |
56:35 |
21 |
60 |
| 4 |
Udinese Calcio |
31 |
17 |
5 |
9 |
56:32 |
24 |
56 |
| 5 |
Lazio |
31 |
16 |
6 |
9 |
39:29 |
10 |
54 |
| 6 |
AS Roma |
30 |
14 |
8 |
8 |
47:41 |
6 |
50 |
| 7 |
Juventus |
30 |
12 |
9 |
9 |
45:38 |
7 |
48 |
| 8 |
US Palermo |
31 |
13 |
4 |
14 |
45:50 |
-5 |
43 |
| 9 |
AC Fiorentina |
31 |
10 |
12 |
9 |
37:33 |
4 |
42 |
| 10 |
Cagliari Calcio |
31 |
12 |
6 |
13 |
37:36 |
1 |
42 |
| 11 |
FC Bologna |
31 |
11 |
10 |
10 |
34:40 |
-6 |
40 |
| 12 |
CFC Genua |
31 |
10 |
9 |
12 |
29:34 |
-5 |
39 |
| 13 |
AC Chievo |
31 |
8 |
12 |
11 |
30:32 |
-2 |
36 |
| 14 |
Catania Calcio |
31 |
9 |
8 |
14 |
29:40 |
-11 |
35 |
| 15 |
Sampdoria |
31 |
7 |
11 |
13 |
25:34 |
-9 |
32 |
| 16 |
FC Parma |
31 |
7 |
11 |
13 |
30:43 |
-13 |
32 |
| 17 |
US Lecce |
31 |
8 |
7 |
16 |
33:52 |
-19 |
31 |
| 18 |
AC Cesena |
31 |
7 |
9 |
15 |
27:43 |
-16 |
30 |
| 19 |
Brescia Calcio |
31 |
7 |
8 |
16 |
27:39 |
-12 |
29 |
| 20 |
AS Bari |
31 |
4 |
8 |
19 |
19:46 |
-27 |
20 |
*** Horyaalka La Liga ee dalka Spain waxaa lama arag iyo lama maqal lagu dhigay Kooxda Galaktikos Real Madrid oo ku faani jirtay dhanka Awooda ee Gurigeeda Santiago Bernabeu. Real Madrid waxaa gurigeeda dhagaha uga tuntay kooxda Gijon waxaana goolka ka xareeyey daqiiqadii 79-aad De las Cuevas.
Guuldaro kooxda kooxda Real Madrid waxaa Laacibiinteeda ugu dambeeysay 30-kii bishii Janaayo 2011 xiligaas oo eey kooxda Osasuna si lama filaan ah kaga soo badisay 1-0. Laakiin Balaayo wexeey ka dhacday kulankaan hada looga badiyey Gurigooda Ciyaartooydaan ku fadhisa Malaayiinta Lacagta ah.
Guuldaradaan wexeey kooxda Real Madrid u sababtay 3-Arimood oo kala ah sidan : 1-Wexeey ka quusatay Rajadii Horyaalka La Liga iyo ineey soo qabato kooxda eey ifka ugu neceb tahay ee Fc Barcelona. 2-wexeey Iskoor Caalami ah ka jabiyeen Macalin Jose Morinho oo ku faani jiray dhanka Awooda guryaha maxaa yeelay laga soo bilaabo 23-dii Bishii Febraayo Sanadkii 2002 Mr. Jose Morinho kooxihii uu Tababaraha u soo noqday weli loogama badin Gurigiisa waxaana Guuldaro Gurigiisa ah ugu dambeeysay inta Taariikhda la ogyahay oo aan Sportiga Qalinka ka daba watay 23-dii Bishii Febraayo Sanadkii 2002 xiligaas oo uu Tababare u ahaa kooxda Fc Porto ee horyaalka Portugal waxaana Guriga Porto Garoonka lagu magacaabo Estadio do Dragao oo eey fadhiyeen Taageerayaal lagu sheegay 50.399 Qof Fc Porto 2-3 kaga badisay kooxdii martida u eheed ee Beira Mar .
Arinta 3-aad ee kooxda Real Madrid Guuldaradaan dhibaato uga imaan karto ayaa wexeey tahay sidan: Waxaa soo haweeysan kara kooxaha kale ee yar yar maadaama kooxda Gijon tustay in Gurigeeda lagu garaaci karo koox eey u ciyaaraan Laacibiinta Caalamka ugu magaca dheer oo weliba ugu caansan kuwaas oo ka kala socda ama laga soo xulay Qaramo caan ah.
Jose Morinho oo Guuldaradii Real Madrid ka dib wareeysi siiyey Canal Plus waxa uu yiri sidan : " Maanta meesha waxba kuma aanan heeyn anaga ayaa is qasaarinay waxaana la yaabay sida eey uga faaideeysatay fursadii eey heshay kooxda Gijon, Horyaalka inaan soo qabano Fc Barcelona waa hadii uu Nasiibka noo hiiliyo ayuu yiri Real Couch oo 9-Sano ka dib markii ugu horeeysay Gurigiisa lagu tumay.
Waxaa sidoo kale Canal Plus u waramay Difaaca Qaranka Spain & kooxda Real Madrid Sergio Ramos oo sheegay ineey wax kaste sameeyeen balse Goosha eey diiday wuxuuna xusay isaga oo murugeeysay in kooxdii Jaanis sidaas u badan iska qasaarisa ugu dambeenta iyada laga xareen doono Gool aan waqti badan loo halgamin !!
Halkaan ka Daawo Ciyaartii Real Madrid Vs Gijon >>> http://www.youtube.com/watch?v=ku7p5nKAlDU. Dhanka kale kooxda Fc Barcelona ayaa guriga Villarreal oo sanadkaan kacsandeed 0-1 uga soo badisay.
Barca waxaa goolka u saxiixay Difaaceeda Gerard Pique Daqiiqadii 67-aad wexeeyna Real Madrid ka kormartay 8-Dhibcood .
Halkaan ka Daawo Villarreal Vs Barcelona >>> http://www.youtube.com/watch?v=rBKFaR5FV6c&feature=related . Dhanka kale Ciyaaryahan Roberto Soldado oo ayaantaan kacsan waxa uu kooxdiisa Valencia u dhaliyey 4-gool oo xiriir ah xili eey aadeen guriga kooxda Gitafe. Valencia oo Gitafe kaga soo badisay 2-4 ayaa waxaa goolasha u wada saxiixay Roberto Soldado Daqiiqadihii 46., 64., 66. iyo 77-aad. Halkaan ka Daawo >>>
http://www.youtube.com/watch?v=w-KZ-hdjFII.
Fiiro Gaar ah : Horyaalka Spain waxaa ka dhiman ama ka hartay 8-Kulan oo kaliyah !
Horyaalka La Liga waxaa Isbuucaan lagu kala baxay sidan:
| 02.04. |
18:00 |
Real Madrid |
0:1 |
Sporting Gijon |
| 02.04. |
20:00 |
FC Getafe |
2:4 |
FC Valencia |
| 02.04. |
22:00 |
FC Villarreal |
0:1 |
FC Barcelona |
| 03.04. |
17:00 |
Deportivo La Coruna |
2:1 |
RCD Mallorca |
| 03.04. |
17:00 |
UD Levante |
3:1 |
FC Malaga |
| 03.04. |
17:00 |
Espanyol Barcelona |
1:2 |
Racing Santander |
| 03.04. |
17:00 |
Real Sociedad |
1:3 |
Hercules Alicante |
| 03.04. |
19:00 |
FC Sevilla |
3:1 |
Real Zaragoza |
| 03.04. |
21:00 |
CA Osasuna |
weli |
Atletico Madrid |
| 04.04. |
21:00 |
UD Almeria |
weli |
Athletic Bilbao |
Horyaalka Spain waxaa loo kala horeeyaa Qaabkaan :
| 1 |
FC Barcelona |
30 |
26 |
3 |
1 |
82:15 |
67 |
81 |
| 2 |
Real Madrid |
30 |
23 |
4 |
3 |
69:22 |
47 |
73 |
| 3 |
FC Valencia |
30 |
17 |
6 |
7 |
46:35 |
11 |
57 |
| 4 |
FC Villarreal |
30 |
16 |
6 |
8 |
48:31 |
17 |
54 |
| 5 |
FC Sevilla |
30 |
13 |
6 |
11 |
46:44 |
2 |
45 |
| 6 |
Espanyol Barcelona |
30 |
14 |
1 |
15 |
38:43 |
-5 |
43 |
| 7 |
Athletic Bilbao |
29 |
13 |
3 |
13 |
44:41 |
3 |
42 |
| 8 |
Atletico Madrid |
29 |
11 |
6 |
12 |
42:39 |
3 |
39 |
| 9 |
UD Levante |
30 |
11 |
5 |
14 |
33:40 |
-7 |
38 |
| 10 |
RCD Mallorca |
30 |
11 |
5 |
14 |
31:40 |
-9 |
38 |
| 11 |
Racing Santander |
30 |
9 |
9 |
12 |
30:44 |
-14 |
36 |
| 12 |
CA Osasuna |
29 |
9 |
8 |
12 |
34:33 |
1 |
35 |
| 13 |
Sporting Gijon |
30 |
8 |
11 |
11 |
28:35 |
-7 |
35 |
| 14 |
Real Sociedad |
30 |
11 |
2 |
17 |
40:51 |
-11 |
35 |
| 15 |
FC Getafe |
30 |
9 |
7 |
14 |
41:49 |
-8 |
34 |
| 16 |
Deportivo La Coruna |
30 |
8 |
10 |
12 |
25:40 |
-15 |
34 |
| 17 |
Real Zaragoza |
30 |
7 |
9 |
14 |
29:43 |
-14 |
30 |
| 18 |
Hercules Alicante |
30 |
8 |
5 |
17 |
28:48 |
-20 |
29 |
| 19 |
FC Malaga |
30 |
8 |
5 |
17 |
39:62 |
-23 |
29 |
| 20 |
UD Almeria |
29 |
5 |
11 |
13 |
30:48 |
-18 |
26 |
*** Horyaalka Bundesliga ee dalka Germany waxaa qarka u saaran ineey qaado kooxdii la Qarxin rabay isbuucaan ee Brussia Dortmund. Horyaalka Jarmalka oo la ciyaaray kulankiisii 28-aad ayaa ciyaartii kululeed ee dhexmartay kooxda Dortmund oo hogaanka heeysa iyo Hannover oo kaalinta 3-aad ku jirtay balse hada loo tuuray kaalinta 4-aad ka dib markii lagu garaacay4-1.
Halkaan ka Daawo Ciyaartii Dortmund Vs Hannover iyo Taageerayaasha ugu xoogan kuna waalan dhanka ciyaarta kubada cagta oo noqday Taageerayaasha B.Dormund >>> http://www.youtube.com/watch?v=SDXMbhMQR1U.
Kooxaha Bayern Munchen iyo Bayer Liverkusen oo sanadkaan soo qaban la Dortmund ayaa min 1-0 ku soo badiyey kulamadii eey soo ciyaareen Isbuucaan .
Horyaalka Germany waxaa Isbuucaan lagu kala baxay sidan :
| Jimce, 1. April: |
| St. Pauli |
Schalke |
Qanad & Dagaal. |
| Sabdi, 2. April: |
| Dortmund |
Hannover |
4:1 |
| Kaiserslautern |
Leverkusen |
0:1 |
| Bayern München |
Mönchengladbach |
1:0 |
| Mainz |
Freiburg |
1:1 |
| Bremen |
Stuttgart |
1:1 |
| Hoffenheim |
Hamburger SV |
0:0 |
| Axad, 3. April: |
| Köln |
Nürnberg |
1:0 |
| Wolfsburg |
Frankfurt |
1:1 |
Horyaalka Bundesliga waxaa loo kala horeeyaa qaabkaan :
| 1. |
Borussia Dortmund |
28 |
20 |
5 |
3 |
58:17 |
65 |
| 2. |
Bayer 04 Leverkusen |
28 |
17 |
7 |
4 |
57:34 |
58 |
| 3. |
FC Bayern München |
28 |
15 |
6 |
7 |
60:34 |
51 |
| 4. |
Hannover 96 |
28 |
16 |
2 |
10 |
40:40 |
50 |
| 5. |
1. FSV Mainz 05 |
28 |
14 |
3 |
11 |
43:35 |
45 |
| 6. |
1. FC Nürnberg |
28 |
12 |
6 |
10 |
42:37 |
42 |
| 7. |
Hamburger SV |
28 |
12 |
5 |
11 |
43:44 |
41 |
| 8. |
SC Freiburg |
28 |
11 |
5 |
12 |
35:39 |
38 |
| 9. |
1899 Hoffenheim |
28 |
9 |
10 |
9 |
42:39 |
37 |
| 10. |
1. FC Köln |
28 |
10 |
5 |
13 |
38:49 |
35 |
| 11. |
FC Schalke 04 |
27 |
9 |
6 |
12 |
31:33 |
33 |
| 12. |
Werder Bremen |
28 |
8 |
9 |
11 |
38:54 |
33 |
| 13. |
Eintracht Frankfurt |
28 |
9 |
5 |
14 |
28:38 |
32 |
| 14. |
1. FC Kaiserslautern |
28 |
8 |
7 |
13 |
36:44 |
31 |
| 15. |
VfB Stuttgart |
28 |
8 |
6 |
14 |
47:50 |
30 |
| 16. |
VfL Wolfsburg |
28 |
6 |
10 |
12 |
32:41 |
28 |
| 17. |
FC St. Pauli |
27 |
8 |
4 |
15 |
29:47 |
28 |
| 18. |
Borussia Mönchengladbach |
28 |
6 |
5 |
17 |
38:62 |
23 |
*** Horyaalka Faransiiska oo la ciyaaray kulankiisi 29-aad ayaa waxaa qarka u saaran ineey qaado kooxda xili ciyaareedkaan kacsan ee OSC Lille. Kooxaha ugu Tunka Weeyn Horyaalka France sida Lyon & Olympique Marseille ayaa maalmihii ugu dambeeyey Bareejooyin ka bixi waayey. Kulamadii ugu dambeeyey ee shalay iyo Maanta Horyaalka France waxaa lagu kala baxay sidan.
| 02.04. |
19:00 |
AC Arles-Avignon |
0:2 |
AS Monaco |
| 02.04. |
19:00 |
FC Sochaux |
2:1 |
Stade Brest |
| 02.04. |
19:00 |
Stade Rennes |
0:0 |
AJ Auxerre |
| 02.04. |
19:00 |
Paris St. Germain |
0:0 |
FC Lorient |
| 02.04. |
19:00 |
AS Nancy |
0:0 |
Girondins Bordeaux |
| 02.04. |
19:00 |
OSC Lille |
3:1 |
SM Caen |
| 02.04. |
21:00 |
FC Toulouse |
0:1 |
HSC Montpellier |
| 03.04. |
17:00 |
OGC Nizza |
2:2 |
Olympique Lyon |
| 03.04. |
17:00 |
AS St. Etienne |
1:1 |
FC Valenciennes |
| 03.04. |
21:00 |
RC Lens |
0-1 |
Olympique Marseille |
Horyaalka France waxaa loo kala horeeyaa sidan :
| 1 |
OSC Lille |
29 |
16 |
10 |
3 |
52:28 |
24 |
58 |
| 2 |
Olympique Marseille |
28 |
14 |
9 |
5 |
41:24 |
17 |
51 |
| 3 |
Stade Rennes |
29 |
14 |
9 |
6 |
32:21 |
11 |
51 |
| 4 |
Olympique Lyon |
29 |
13 |
11 |
5 |
49:28 |
21 |
50 |
| 5 |
Paris St. Germain |
29 |
12 |
10 |
7 |
42:30 |
12 |
46 |
| 6 |
HSC Montpellier |
29 |
11 |
9 |
9 |
25:30 |
-5 |
42 |
| 7 |
AS St. Etienne |
29 |
10 |
10 |
9 |
36:34 |
2 |
40 |
| 8 |
Girondins Bordeaux |
29 |
9 |
12 |
8 |
37:34 |
3 |
39 |
| 9 |
FC Lorient |
29 |
10 |
9 |
10 |
35:34 |
1 |
39 |
| 10 |
FC Sochaux |
29 |
11 |
5 |
13 |
42:36 |
6 |
38 |
| 11 |
FC Toulouse |
29 |
11 |
4 |
14 |
29:31 |
-2 |
37 |
| 12 |
AS Nancy |
29 |
10 |
6 |
13 |
30:41 |
-11 |
36 |
| 13 |
Stade Brest |
29 |
9 |
8 |
12 |
29:34 |
-5 |
35 |
| 14 |
SM Caen |
29 |
9 |
8 |
12 |
32:41 |
-9 |
35 |
| 15 |
OGC Nizza |
29 |
8 |
11 |
10 |
21:30 |
-9 |
35 |
| 16 |
FC Valenciennes |
29 |
7 |
13 |
9 |
34:32 |
2 |
34 |
| 17 |
AJ Auxerre |
29 |
6 |
15 |
8 |
32:34 |
-2 |
33 |
| 18 |
AS Monaco |
29 |
6 |
14 |
9 |
28:29 |
-1 |
32 |
| 19 |
RC Lens |
28 |
6 |
10 |
12 |
28:42 |
-14 |
28 |
| 20 |
AC Arles-Avignon |
29 |
1 |
9 |
19 |
16:57 |
-41 |
12 |
**** Horyaalka Holland oo la dheelay kulankiisii 29-aad ayaa waxaa ciyaar adag Jilbaha isku laabay kooxaha isku heeysta sanadkaan Horyaalnimada Niederland kuwaas oo kala ah Twente Enschede Vs PSV Eindhofen.
Kooxda Twente Enschede wexeey 2-0 kaga badisay oo ka Bililiqeeystay Hogaankii Horyaalka Holland kooxda PSV Eindhofen.
Labada Gool waxaa kooxda Twente u wada dhaliyey Ciyaaryahan Theo Janssen oo ka soo jeeda magaalada Soomalida badan eey degan tahay ee Arnhem.
Halkaan ka Daawo jawigii garoonka & Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=ILrUKd09Z1A . Horyaalka Holland waxaa Isbuucaan lagu kala baxay sidan :
| 02.04. |
18:45 |
Twente Enschede |
2:0 |
PSV Eindhoven |
| 02.04. |
19:45 |
De Graafschap |
1:3 |
NAC Breda |
| 02.04. |
19:45 |
SC Heerenveen |
2:3 |
Excels. Rotterdam |
| 02.04. |
19:45 |
Willem II Tilburg |
4:5 |
Roda JC Kerkrade |
| 02.04. |
20:45 |
Feyenoord |
0:1 |
AZ Alkmaar |
| 03.04. |
12:30 |
Vitesse Arnheim |
2:1 |
NEC Nijmegen |
| 03.04. |
12:30 |
FC Utrecht |
2:3 |
ADO Den Haag |
| 03.04. |
14:30 |
Ajax Amsterdam |
3:0 |
Heracles Almelo |
| 03.04. |
14:30 |
FC Groningen |
3:2 |
VVV-Venlo |
*** Horyaalka Holland waxaa ka hartay 5-kulan oo kaliyah waxaana loo kala horyaa Qaabkaan :
| 1 |
Twente Enschede |
29 |
19 |
6 |
4 |
56:28 |
28 |
63 |
| 2 |
PSV Eindhoven |
29 |
18 |
7 |
4 |
72:28 |
44 |
61 |
| 3 |
Ajax Amsterdam |
29 |
17 |
7 |
5 |
59:26 |
33 |
58 |
| 4 |
AZ Alkmaar |
29 |
15 |
7 |
7 |
44:34 |
10 |
52 |
| 5 |
ADO Den Haag |
29 |
15 |
6 |
8 |
57:42 |
15 |
51 |
| 6 |
FC Groningen |
29 |
15 |
5 |
9 |
57:45 |
12 |
50 |
| 7 |
Roda JC Kerkrade |
29 |
12 |
11 |
6 |
54:41 |
13 |
47 |
| 8 |
FC Utrecht |
29 |
11 |
8 |
10 |
45:38 |
7 |
41 |
| 9 |
Heracles Almelo |
29 |
10 |
7 |
12 |
52:51 |
1 |
37 |
| 10 |
NEC Nijmegen |
29 |
8 |
12 |
9 |
45:49 |
-4 |
36 |
| 11 |
NAC Breda |
29 |
11 |
4 |
14 |
39:50 |
-11 |
36 |
| 12 |
SC Heerenveen |
29 |
9 |
8 |
12 |
52:48 |
4 |
35 |
| 13 |
Feyenoord |
29 |
9 |
7 |
13 |
37:48 |
-11 |
34 |
| 14 |
De Graafschap |
29 |
8 |
9 |
12 |
28:48 |
-20 |
33 |
| 15 |
Vitesse Arnheim |
29 |
8 |
8 |
13 |
36:49 |
-13 |
32 |
| 16 |
Excels. Rotterdam |
29 |
7 |
4 |
18 |
35:59 |
-24 |
25 |
| 17 |
VVV-Venlo |
29 |
5 |
2 |
22 |
25:61 |
-36 |
17 |
| 18 |
Willem II Tilburg |
29 |
2 |
6 |
21 |
32:80 |
-48 |
12 |
Horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League ayaa waxa uu gaaray xili kala bax ah . Kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee ManU ayaa Guul muhiim ah gaartay ka dib markii eey 2-4 kaga soo badiyeen guri kale kooxda West Ham United oo uu Tababare u yahay Avram Grant . Goolasha Man Utd waxaa 3-ka mid ah u saxiixay Wayne Rooney kan 4-aadna waxaa sii raacsaday xiddiga Mexico Javier Hernandez.
Goolasha Wayne Rooney ilaa hada ka dhaliyey Premier League ayaa wexeey noqdeen 101-Gool. Kooxaha daba yaacaayey Man Utd oo kala ah Fc Arsenal iyo Fc Chelsea ayaa Bareejo lagu qabtay waxaana bareega u qabtay kooxaha kala ah Stoke City iyo Blackburn Rovers.
Kooxda Fc Arsenal oo Taagerayaal xoogan ku leh Caalamka marka laga reebo kooxaha Fc Barcelona , Juventus & Real Madrid ayaa waxaa si weeyn ugu wareersan Taageerayaasheeda oo ku arkay Naadigooda cudur mudo 6-sano ah Daawadiisa la waayey.
Fc Arsenal oo heeysatay Ciyaartooy adag ayaa xili ciyaareed-kasta marka la gaaro dhamaadkiisa ama kala baxa waxaa ka tagto Korantada iyo Awoodii eey leheed.
Cudurkaan cusub ee haleelay Fc Arsenal ayaa Maamulka kooxdaas wexeey ku rajo weeynaayeen Xili ciyaareedkaan in Kooxda Arsenal Waji Cusub la soo baxdo oo marka la gaaro xiliyadii eey Korantada ka tagi jirtay dardar cusub lagu arko si loo qanciyo Taageerayaasha Naadiga ee daadsan Dunida Dacaladeeda gaar ahaan kuwa ugu badan oo Qaarada Africa No1 ka galay.
Xiriiriye.com oo Horay u shaaciyey in la gaaray xiligii eey korantada ka tagi jirtay kooxda Arsenal ayaa warkaas waxa uu xaqiiqadiisa ka xanaajiyey Taageerayaasha kooxda Arsenal in kastoo anaga aanu aruurino Wararka saxda ah ee Taariikhda mudan .
Fc Arsenal oo looga fadhiyey ineey The Premier League dardar cusub la soo baxdo maadaama Man Utd & Fc Chelsea ku mashquulsan yihiin Uefa Champions League ayaa Dardar eey la soo baxda iska daayee wexeey gashay Jiifkii lagu yaqaanay xili ciyaareedyadii ugu dambeeyey kaas oo ah
Qawda maqashii Bareejo-na raadi . Arsenal waxaa gurigeeda bareejo 0-0 ah ku qabatay kooxda Blackburn Rovers waxeeyna Bareejadaas si weeyn uga farxisay Wiilasha Shayaadiinta cas cas (ManU) oo ka cabsi qabay ineey The Gunners ku soo kacsato inta ManU ku mashquulsan tahay koobka The Uefa Champions League.
Dhanka Kooxda Fc Chelsea warkeeda waa cad yahay oo waa sidan :
(Waan Jiifaa, Horyaalka anaa heeysto, Lacagna waan qabnaa, Waxna ha ii sheegin!). Fc Chelsea wexeey Bareejo 1-1 ah ku kala bexeen kooxda Stoke City waxaana goolka u dhaliyey Ciyaaryahan Didier Drogba oo ku mashquulsan Dagaalada ka socda Ivory Coast sida uu sheegay Tv-ga Chelsea.
Man City wexeey 5-gool oo naxariis daro ah ku sagootisay Kooxda Sunderland wexeeyna kaalinta 3-aad kala wareegtay Chelsea oo Jiif ku jirto sida aan soo sheegnay. Fc Liverpool waxaa lagu soo ciqaabay guri kale oo waxaa 2-1 ku soo garaacday kooxda West Bromwich.
Horyaalka England waxaa Isbuucaan la isku macsalaameeyey sidan :
|
| West Ham - Man United |
2:4 |
| Wigan - Tottenham |
0:0 |
| West Brom - Liverpool |
2:1 |
| Stoke City - Chelsea |
1:1 |
| Newcastle - Wolves |
4:1 |
| FC Everton - Villa |
2:2 |
| Birmingham - Bolton |
2:1 |
| Arsenal - Blackburn |
0:0 |
| Fulham - Blackpool |
3:0 |
| Man City - Sunderland |
5:0 |
Horyaalka The Premier League wexeey kooxaha Dhibcaha u soo kala shaqeeysteen qaabkaan hoos ku qoran:
| 1 |
Manchester United |
31 |
19 |
9 |
3 |
68:32 |
36 |
66 |
| 2 |
FC Arsenal |
30 |
17 |
8 |
5 |
59:29 |
30 |
59 |
| 3 |
Manchester City |
31 |
16 |
8 |
7 |
50:27 |
23 |
56 |
| 4 |
FC Chelsea |
30 |
16 |
7 |
7 |
54:25 |
29 |
55 |
| 5 |
Tottenham Hotspur |
30 |
13 |
11 |
6 |
41:34 |
7 |
50 |
| 6 |
FC Liverpool |
31 |
13 |
6 |
12 |
42:38 |
4 |
45 |
| 7 |
FC Everton |
31 |
9 |
14 |
8 |
42:41 |
1 |
41 |
| 8 |
Bolton Wanderers |
31 |
10 |
10 |
11 |
43:43 |
0 |
40 |
| 9 |
Newcastle United |
31 |
10 |
9 |
12 |
48:46 |
2 |
39 |
| 10 |
FC Fulham |
31 |
8 |
14 |
9 |
36:33 |
3 |
38 |
| 11 |
Stoke City |
31 |
11 |
5 |
15 |
37:39 |
-2 |
38 |
| 12 |
AFC Sunderland |
31 |
9 |
11 |
11 |
33:42 |
-9 |
38 |
| 13 |
West Bromwich |
31 |
9 |
9 |
13 |
43:57 |
-14 |
36 |
| 14 |
Blackburn Rovers |
31 |
9 |
7 |
15 |
39:51 |
-12 |
34 |
| 15 |
Birmingham City |
30 |
7 |
13 |
10 |
30:42 |
-12 |
34 |
| 16 |
Aston Villa |
31 |
8 |
10 |
13 |
39:53 |
-14 |
34 |
| 17 |
FC Blackpool |
31 |
9 |
6 |
16 |
45:63 |
-18 |
33 |
| 18 |
West Ham United |
31 |
7 |
11 |
13 |
38:53 |
-15 |
32 |
| 19 |
Wolverhampton |
31 |
9 |
5 |
17 |
36:53 |
-17 |
32 |
| 20 |
Wigan Athletic |
31 |
6 |
13 |
12 |
29:51 |
-22 |
31 |
*** Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport wexeey sheegayaan sidan : *** Fc Porto oo qaaday Horyaalka Dalka Portugal ka dib markii eey 1-2 guri kale ku soo garaacday kooxda heeysata horyaalka Portugal kuna jirtay kaalinta 2-aad ee Horyaalka dalkaas waa Benfica Lisbon. Fc Porto wexeey u noqoneeysaa markeedii 25 oo eey qaadaan Horyaalka Bortuqiiska.
*** Kooxda Parma ee Horyaalka Talyaaniga ayaa iska ceeyrisay Macalinkoodii Mr.Pasquale Marino .
Sababta Tababare Pasquale Marino loo ceeyriyey ayaa lagu sheegay ka dib markii Parma eey gurigeeda 1-2 ku garaacday kooxda Horyaalka Talyaaniga dhanka ugu hooseeyso ka hogaamineeyso ee As Bari.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
|
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
| | | | |