|
Faalo : Juventus oo Taariikh ahaan ka adag kooxda Inter, Maxaad kala socotaa inta Jeer oo eey Kulmeen ? *Ku biiri Aqoontaada Sport. , iyo war bixin Fc Barcelona oo Iskoorkii Guusha laga Jabshay* Soomaalida mexeey u yaqaanaan Nuuca Goolka uu Barcelona u dhaliyey David Villa? (Halkaan ka Daawo Faaqidaada Qeeybtii 2-aad ee Horyaalada) . |
Kulan ka tirsan Horyaalka Talyaaniga oo aad loo wada sugaayo ayaa caawa waxa uu dhex mari doonaa kooxaha waa weeyn ee Juventus oo ka socoto Magaalada Torino iyo Inter oo ka socoto Magaalada Milano. Kulankaan oo loo yaqaan ?Derby d'Italia" ayaa magacaas waxa uu baxay sanadkii 1967 intii ka horeysayna waxaa horyaalka Talyaaniga Qab qableyaal ka ahaa kooxaha Juventus iyo Ac Milan, xiligii eey Inter Awooda kooxahaas camal soo yeelatayna waxaa baxay magacaas ?Derby d'Italia" .
Hadaanu eegno dhanka Awooda labadaan kooxood ee inta Taariikhda la ogyahay ayaa waxaa Awood badan Kooxda Juventus waxaana inta badan la garaacaa kooxda Inter Milan in kastoo kooxda Juventus xiliyadii ugu dambeeyey ilaa marka laga soo bilaabo Fadeexadii la magac baxday ama looga yaqaan dalka Talyaaniga ?Calciopoli-Scandals" awoodeedii Ciyaareed hoos u dhacday.
Xiligaas oo 2006 eheed ayaa waxaa kooxda Juventus lagu qabtay ineey Alabiitare Laaluush siisay waxaana laga xayuubiyey 2-horyaal oo mid gacanta laga saaray kooxda Inter oo waqtigaas kaalinta 2-aad ku jiray waxaana sidoo kale Juventus loo diray Horyaalka Talyaaniga Qeeybtiisa 2-aad ee Serie B-ga inkastoo isla markiiba hal sano ka dib eey dib uga soo baxday halkii lagu ganaaxay kuna soo laabatay heeka 1-aad ee Serie A-ga.
Taariikhda inta ogyahay oo eey wada kulmeen labadaan Kooxood waxaa 95-Jeer badisay Juventus wexeey Bareejo ku kala baxeen 53-Jeer halka Inter Milan eey 67-Jeer guuleeysatay. Natiijada kulamadaas ayaa ahaa dhamaan marka la isku daro intii Jeer oo eey is arkeen sida Copa Italy, Serie A , Ciyaar saaxiibitinimo iyo Champions League.
Labadaan kooxood ayaa Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-ga oo kaliyah wexeey ku kala bexeen ama u kala badiyeen sidan : >> 81-Jeer Juventus ayaa badisay, 46-Jeer Bareejo ayeey wada galeen halka kooxda Inter eey 56-Jeer guusha ku raacday. Halkaas waxaa kaaga cad in kooxda Juventus dhan kasta uga awood badneey xiliyadii hore kooxda Inter.
Boss-ka kooxda Inter Massimo Moratti oo galabta u waramayey Tv-ga Skysport qeeybtiisa Italy ayaa waxa uu sheegay in kulankaan uu yahay mid adag oo wax kasta laga filan karo maadaama kooxda Juventus gurigeeda ku dheeleeso Interna Safar ku tahay Magaalada Torino. Hadalka Massimo Moratti ayaa waxaa laga dareemay cabsi iyo in kooxda Juventus oo Gurigeeda dhibcaha looga soo xayuubsado eey noqon doonto mid si weeyn looga soo shaqeeyey. Halkaan ka Daawo mid ka mid ah kulamadii adkaa ee ugu dambeeyey oo dhex mara labada kooxood xiligii uu Inter hogaaminaayey Rugcadaa Jose Morinho : http://www.youtube.com/watch?v=uZSxmi6qMQQ
Kooxahaan ayaa waxaa ka maqnaan doona kulanka caawa labo weeraryahan oo eey ku kala dhaartaan kuwaas oo kala ah , Inter waxaa ka dhaawacmay weeraryahanka Qaranka Argentina Diego Alberto Milito halka Juventus uu dhaawac mudo dheer qaatay uu uga maqnaan doono Weeraryahanka Qaranta Italy Fabio Quaglierella .
*** Kooxda Fc Barcelona oo Hogaamiye Kooxeed ka ah Horyaalka La Liga ee dalka Spain ayaa waxaa laga jabiyey Iskoorkii eey ku faani jirtay mudooyinkaan dambe.
Fc Barcelona ayaa kulankeedii ugu dambeeyey ee Horyaalka Spain waxaa Isbaaro la la yaabay u dhigatay kooxda Xanjada ku noqotay ee Sporting Gijon oo 1-1 ku qabatay.
Fc Barcelona ayaa Iskoor 16-Guul oo xiriir ah wadatay waxaana Filimkaas sheekadiisa soo xiray oo riyadii Barca daaqada kala baxay Ciyaaryahan David Barral oo daqiiqadii 16-aad goolka ka xareeyey Fc Barcelona. David Villa ayaa dhamaadkii ciyaarta waxaa uu dhaliyey goolka Bareejada oo ahaa mid aad u qurux badan gaar ahaan nuuca eey Soomalida u taqaan Sarmada ama Jafta oo inta badan laga dul qaado marka eey goolhayaasha kibirka & qeeylada badan banaanka uga soo baxaan halkii loogu tala galay ineey goosha ka taagnaadaan. Halkaan ka Daawo Ciyaarta : http://www.youtube.com/watch?v=7RisQMRsqsg&feature=related .
Kooxda Real Madrid ayaa lagu wadaa ineey ka faaideeysato Qabashada loo qabtay Fc Barcelona in kastoo kooxda Real Madrid qudheeda u safri doonto kooxda eey sida weey uga cabsato ee ka dhisan magaalada Barcelona waa Espanyol Barcelona. Kooxaha kale ee Horyaalka La Liga ayaa sidaan ku kala baxay :
| 12.02. |
18:00 |
Atletico Madrid |
1:2 |
FC Valencia |
| 12.02. |
20:00 |
Sporting Gijon |
1:1 |
FC Barcelona |
| 12.02. |
22:00 |
Racing Santander |
3:2 |
FC Sevilla |
| 13.02. |
17:00 |
UD Levante |
1:0 |
UD Almeria |
| 13.02. |
17:00 |
FC Malaga |
2:2 |
FC Getafe |
| 13.02. |
17:00 |
Hercules Alicante |
2:1 |
Real Zaragoza |
| 13.02. |
17:00 |
Real Sociedad |
1:0 |
CA Osasuna |
| 13.02. |
19:00 |
Deportivo La Coruna |
ma dhicin |
FC Villarreal |
| 13.02. |
21:00 |
Espanyol Barcelona |
ma dhicin |
Real Madrid |
| 14.02. |
21:00 |
RCD Mallorca |
ma dhicin |
Athletic Bilbao
|
Haduu alle idmo Filo goor dhaw Barnaamishka La Yaab Sport oo maanta aan idiin kugu heeyno Qiso Mucjiso xambaarsan !
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com