 |
|
 |
faalo2 |
 |

Drogba oo Taariikhda Chelsea Vs Arsenal wax ka badalay, Lacagtii Man City oo Kaalinta 2-aad soo caga dhigatay, Barcelona oo is qasaarisay, Real Madrid oo soo Rogaal celisay & Milan oo Dabaal deg ku jirta ( Halkaan ka Daawo kulamadii ugu adkaa ee Horyaalada) Qeeybtii 2-aad ee Faaqidaada Horyaalada ayaanu halkaan idinkugu heeynaa maadaama Qeeybtii 1-aad maalintii Sabtida aheeyd idiin soo gudbinay qaabkii eey kooxaha ku kala baxeen.
Ciyaar aad u xiiso badan oo la wada sugaayey ayaa waxa eey ka dhacdey garoonka Stamford Bridge ee guriga Chelsea, ciyaartaan ayaa waxaa fooda isku daray Kooxaha Chelsea vs Arsenal oo mar kasta isku heeysta cida looga dambeen lahaa u Talinta xaga kubada cagta ee magaalada London. Ciyaartaan ayaa waxeey ka mid ahayd Premier League kulakiisii 7-aad . Arsenal ayaa Taariikh ahaan wexeey horay uga adkaan jirtay Fc Chelsea balse taas waxaa ka diiday oo kulamadii ugu dambeeyey Cagtiisa wax ku tusay Didier Drogba oo iska bartay kooxda Arsenal kana dhaliya goolal markasta maadama uu yaqaano sida looga dhex dhuunto Difaaca birta ah ee Arsenal. Kooxda Horyaalka Ingiriiska hogaamintiisa horboodeyso waa FC Chelsea ayaa waxaa Gool farxad geliyey Taageerayaashooda u saxiixay Xamaaligooda eey sida weeyn ugu tashtaan Didier Drogba daqiiqadii 39-aad ee Ciyaarta Qeybteedii hore. Halkaan ka Daawo : http://www.youtube.com/watch?v=QvgmuXi4wM0. Markii la isku soo laabtay Kambiyadii Dambe ee ciyaarta ayaa waxa la filayey in kooxda Arsenal iska soo gudo Goolka. Balse ma dhicin Riyadaas oo iyada ayaa loo labeeyey waxaana dhaliyey goolka quusitaanka daafaca reer Brazil Alex mar eey ciyaarta ka dhiman tahay 5-daqiiqo oo kaliyah. Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay Chelsea 2-0 Arsenal. Waxa kaloo la dheelay kulamadii harsanaa ee horyaalka England maadaama kuwii dhacay Sabtida aan horay uga faaloonay. kooxda Lacagta ku nool ee Man City ayaa soo degtay kaalinta 2-aad ee Horyaalka Ingiriiska. Man City ayaa 2-1 ku suul daartay Newcastle waxaana goolasha u kala saxiixay weeraryahan Carlos Tevez oo Rigoore dhaliyey & Johnson . Kulamdii Axada dhacay ayaa sidatan lagu kala baxay:
Manchester City 2-1 Newcastle United Liverpool 1-2 Blackpool Chelsea 2-0 Arsenal Points 1 Chelsea 18 2 Manchester City 14 3 Manchester United 13 4 Arsenal 11 5 Tottenham Hotspur 11 6 West Bromwich 11 7 Stoke City 10 8 Aston Villa 10 9 Blackpool 10 10 Fulhan 9 11 Sunderland 8 12 Bolton Wanderers 8 13 Blackburn Rovers 8 14 Wigan Athlantic 8 15 Newcastle United 7 16 Birmgham City 7 17 Everton 6 18 Liverpool 6 19 Wolverhampton 5 20 West Ham 5 Dhanka horyaalka Spain haddii aanu fiirino. Kooxda Barcelona ayaa Hal dhibic ka badan ka qaadan weeysey kooxda kale ee ka dhisan isla dalka Spain mallorca. Kulankaan ayaa waxa lagu ciyaarayey guriga Barcelona ee garoonka Nou Camp. Ciyaarta ayaa waxa eey ku soo dhammaatay Barcelona 1-1 Mallorca. Goolka ayaa waxa ku hormartay Barcelona waxaana u saxiixay laacibkooda Leo Messi daqiiqadii 21-aad ee inta aan la gaarin kaambiyada dambe ee ciyaarta ayaa la bareejeeyey waxana goolka bareejada u dhaliyey Mallorca Nsue daqiiqadii 43-aad. Ciyaarta ayaa waxa eey ku soo idlaatay 1-1 waxaana fursado badan oo qaali ah ka qasaariyey FC Barcelona laacib Messi. Halkaan ka Daawo : http://www.youtube.com/watch?v=d2vyCrRoRUs. Dhanka kale Kooxda uu xifaaltanka weeyn kala dhexeeyo Barcelona ee Real Madrid ayaa ku durdurisay kooxda taagta daran ee Deportivo La Coruna 6-1. Real Madrid waxaa goolasha u kala saxiixay Ciyaaryahanka eey ugu magacdareen Halgame Cristiano Ronaldo oo dhaliyey 2-gool, xiddiga Qaranka Germany ee dhawaan eey soo iibsadeen Mesut Özil ayaa isna dhaliyey gool ,di Maria ayaa ku darsaday, waxaa sii raacsaday Gonzalo Higuain,iyo gool uu kooxdiisa Deportivo ka dhaliyey Castro. Halkaan ka Daawo dhamaan goolashii kooxda Real Madrid oo xiliyadaan dambe soo Rogaal celisay: http://www.youtube.com/watch?v=foo0tdQalww&feature=related Kulamadii kale ee Horyaalka Primera Division-ka Spain ayaa kooxa waxa eey isku macsalaameyeen sidan:
Almeria 1-1 Malaga Getafe 3-0 Hercules Osasuna 1-1 Levante Sevilla 3-1 Atletico Madrid Villarreal 2-0 Racing Santander Bercelona 1-1 Mallorca Real Madrid 6-1 Deportivo Points 1 Valencia 16 2 Villareal 15 3 Real Madrid 14 4 Bercelona 13 5 Sevilla 11 6 Getafe 11 7 Atlentico de Madrid 10 8 Espanyol 10 9 Real Maloorca 9 10 Malaga 8 11 Athletic de Bilbao 7 12 Hercules 7 13 Real Sociedad 7 14 Almeria 7 15 Osasuna 6 16 Sporting Gijon 5 17 Levante 5 18 Real Racing Santander 4 19 Deportivo La Coruna 3 20 Real Zaragoza 3 Horyaalka Italy ee Serie A-ga oo sandkaan u muuqda mid Inter tafaha lagu dhegan yahay ayaa la ciyaaray kulankiisii 6-aad waxaa ugu xiiso badnaa kulamadii Inter vs Juventus oo bareejo 0-0 ah ku soo dhamaaday iyo kulankii Parma vs Milan oo 0-1 Milan ku soo badisay Halkaan ka Daawo gool aad u qurux badnaa oo uu AC Milan u saxiixay laacib Pirlo wexeeyna Saxaafada ugu magac dartay Goolka Andreas Pirlo sidan, Goolkii qurxoonaa ee Riyada: http://www.youtube.com/watch?v=PKGGY6sqeVU Kulamadii kale ee isla Horyaalka Talyaaniga ayaa sidaan ku dhamaaday: Lecce 1-0 Catania Bologna 1-1 Sampdoria Chievo 0-0 Cagliari Fiorentina 1-2 Palermo Genoa 2-1 Bari Lazio 1-0 Brescia Napoli 2- As Roma Inter Milan - Juventus Points 1 SS Lazio 13 2 Interbazionale 11 3 Napoli 11 4 AC Milan 11 5 Chievo 10 6 Brescia 9 7 Palermo 8 8 Catania 8 9 Genoa 8 10 AS Bari 8 11 US Lecce 8 12 Juventus 8 13 Cagliari 7 14 Sampdoria 7 15 Bolonga 7 16 AC Cesena 7 17 Fioretina 5 18 Parma 5 19 AS Roma 5 20 Udinese 4 OGEEYSIIS: BAHDA KU XIRAN WWW.XIRIIRIYE.COM WAXAAN LA SOCOD SIINEYNAA IN MAALINTA ARBACADA AH EE 6.10.10 AAN WAJIGA AMA SHAASHADA HORE EE XIRIIRIYE.COM SOO SAARI DOONO ASTAANTA IYO HEESAHA EEY SIDA GAARKA AH U LEEYIHIIN KOOXAHA QAARADA YURUB UGU TUNKA WEEYN OO KA KOOBAN 11-KOOXOOD WAXAANA INTAAS KA DIB U QAADI DOONAA CODEEN KU SAABSAN KOOXDA UGU HEES AMA ASTAAN WANAAGSAN , LA SOCOSHO WANAAGSAN>>MAHADSANIDIIN<< ! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
By: Hanad Ereg Duale (CANTONA) hanad@hotmail.se
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|