 |
|
 |
Faalo189 |
 |

Xaqdaro : Fc Liverpool oo isku darsatay Dhibcihii Chelsea & 59-Milyan oo Fernando Torres laga soo baxshay, Man Utd oo Jilbaha loo laabay iyo Fc Arsenal oo ka faaideeysan weeysay balse iska Difaacday Newcastle United oo Qamaam ah iyo Warar kii ugu dambeeyey ee Horyaalada !! WAR GELIN MUHIIM AH : Inta aanu u gudo gelin Falaqeeynta Horyaalka Ingiriiska waxaanu la socod siineeynaa dhamaan Aqiyaarta ku xiran www.xiriiriye.com in la soo afjaray Ciladii naga soo wajahday dhanka Booqashada ee ku saabsaneed qaar ka mid ah Akhristayaasha ku xiran Xiriiriye.com oo wararka cusub qaar eey u furmi waayeen marka laga reebo Akhristayaashii hore ee ilaa 2-sano ka hor ku xirnaan jiray xiriiriye.com. Ciladaan oo Daawo loo helay laguna daray xiriiriye.com Awood cusub oo dhanka Booqashada iyo Technikada kor u sii qaadeeyso ayaa bilaaban doonta wixii ka biloowdo 7-2-11 oo beri ah . Waxaa kaloo ka raaali gelineeynaa qaar badan oo ka tirsan Akhristayaasha xiriiriye.com oo E-mailo naga soo gaaray ku codsanayeen in dib loo soo celiyo Barnaamishka Aqoon is weeydaarsiga guud ee Hal Xiraalaha Xiriiriye.com . Bahda Xiriiriye ayaa go´aan buuxda wexeey ku gaareen in Hal Xiraalaha Sportiga ee xiriiriye.com ka bixi jiray dib loo soo celiyo maadaama qaar badan oo Akhristayaasha ka tirsan sheegeen in eey qaadeen Xasaasiyad Sport markii eey waayeen Xiisihii hal Xiraalaha ee ka bixi jiray isbuuc kasta Bartaan Xiriiriye.com. Ugu dambeentii waxaanu la socod siineeynaa Bulsho weeynta Soomaaliyeed ee dhiigooda uu ku shaqeeyo Sportiga iyo Ciyaaraha kuna xiran www.xiriiriye.com in Shabakada lagu soo daray Barnaamish cusub oo lagu magacaabo Xiriiriye Domenico & Special Weekend. Barnaamishkaan cusub ayaanu ku soo qaadan doonaa dhamaan Horyaalada caalamka kuwoodii ugu xiisaha badnaa ama inta eeysan ciyaarin kooxaha ayaanu soo bandhigi doonaa sida eey iskugu aadan yihiin kooxaha haduu alle raali ka noqo !! . Wixii intaas Faah faahin dheer ama hadaad cilad aragtaan fadlan adinkoo Mahadsan noogu soo dira Studiyaha Xiriiriye.com saan Fikradiidna meel sare u saarno waxna uga qabano halkaan > xiriiriyesports@hotmail.com . Horyaalka England ee Premier League ayaa waxa uu galay ama gaaray meel aad u xiiso badan oo soo wada jiitay dhamaan Indhaha Caalamka. Premier League oo la ciyaaray Kulankiisii 26-aad ayaa waxaa ka harsan 12-kulan oo kaliyah taas oo ilaa hada aan si toos ah loo saadaalin karin cida la hoyan doonto xili ciyaareedkaan. Horyaalka Ingiriiska ayaa waxa uu u muuqdaa in sanadkaan eey la hoyan doonaan kooxaha ka dhisan Magaalada Manchester ee kala ah ManU & Man City ama Kooxda Arsenal London oo halgan xoogan iyo Cidiyo ku dirir kula jirto kooxahaan aan soo sheegnay ee isku baheeystay ineey koobka horyaalka geeyaan Magaalada Manchester. Labada kooxood ee bilaawgii Premier League cel celiska ahaa ee ka dhisan magaalada London waa Fc Chelsea & Tottenham oo isku arkay Lacag aad u faro badan ayaa waxaad moodaa ineey Tariinka Tartanka si tartiib tartiib ah uga sii harayaan maadaamo horyaalka oo dhamaad la joogo ka bixi la´yihiin Bareejooyin & Guuldarooyin is bar bar socda oo aaqiritaanka keeni doona inuu shaki galo booskooda ka qeeyb geli taanka The Uefa Champions League inkastoo Ciyaari Gelin dambe tahay ! . Isbuucaan oo Premier League kulamo aad u xiiso badan eey dhaceen ayaa waxaa hadal heeynta ugu badan ee Caalamka ama kulankii ugu xiisaha iyo Daawashada badanaa waxa uu ahaa ama noqday kii dhexmaray kooxaha lagu kala magacaabo The Blues Vs Reds oo kala ah Fc Chelsea Vs Fc Liverpool. Kooxda Fc Livepool ayaa Xaqdaro weeyn ka gashay Naadiga Fc Chelsea oo sanadkaan eey ka xayuubsadeen 6-dhibcood (0-1 & 2-0) iyo 59 Milyan oo Euro. Macalinka Fc Liverpool Coach Kenny Dalglish oo caawa u waramayey Skysport ayaa mar la weeydiiyey Sababta eey uga xishoon waayeen Chelsea oo faraqa u galisay 59 Milyan oo Euro ayaa Mikarafoonka waxa uu uga baxay Mr. Kenny Dalglish isaga oo Qoslaayo weliba leh sidan " Kala Saara Lacagta iyo Dhibcaha !!! . Laacib Fernando Torres oo lagu waday in kulankiisii ugu horeeyey uu halaago ama dhulka la simo Ex-kooxdiisii hore ee Fc Liverpool ayaa Qiyaanadaas wexeey noqotay mid loo macneeystay God sireed ha qodin Hadaad qodone ha dheereenin ku dhici doontidaa ! Fernaando Torres oo farxad meel uu kala geeyo waayey ka dib markii uu Koontadiisa ama Bankiyadiisa ku ogaaday Lacagta kooxda Chelsea ayaa waxa uu nasiib u yeelan waayey in Dhibcaha uu ka qaado Fc Liverpool maadaama Kooxda Fc Chelsea Fernando Torres u soo dhaweeyeen Sidii nin Madaxweeyne ama Wasiir oo kale ah . Fernando Torres oo eey nafta u keeneen ama soo buux dhaafiyeen Taageerayaal & Joornaaliistayaal aad u fara badan Qeeybta Tababarka kooxda Fc Chelsea ee Garoonka Stamford Bridge ayaa dadkaas waxaa loo is ticmaalay kaarto cusub waxaana Fernando Torres oo Gaari muraayado Mugdi ah saaran laga soo galiyey Stamford Bridge qeeybta dambe oo aan inta badan gawaarida eeysan soo geli karin : Halkaan ka Daawo sidii Taageerayaasha & Joornaaliistayaal loo kaarteeyey >>> http://www.youtube.com/watch?v=HYINeHUJy-A&feature=relmfu. Kulan kaan Xiisaha badnaa ee The Blues Vs Reds ayaa waxa uu ku soo afjarmay 0-1 eey ku badisay kooxda Fc Liverpool oo heshay Tababare rugcadaa cusub ah oo aad moodid inuu naadiga Liverpool kor u soo qaaday. Goolka Agoonka ah ee Fc Liverpool ku badisay ayaa waxaa u saxiixay daqiiqadii 69-aad Ciyaaryahan Raul Meireles oo ka faaideeystay is fahmid la´aan soo kala dhex gashay goolhaye Rugcadaa Petr Cech iyo Difaaca Qaranka Serbia & Fc Chelsea Branislav Ivanovic. Difaaca Qaranka England iyo Kooxda Fc Liverpool Jamie Carragher oo caawa u waramayey Skysport ayaa waxaa wax laga weeydiiyey sababta eey Xanjada ugu noqdeen ama iskaga ilaaliyeen inuu Torres gool ka dhaliyo? Jamie Carragher ayaa waxa uu ku jawaabay sidan " Guriga Chelsea ee Stamford Bridge ma sahlano in lagu badiyo laakiin aniga waxaan shaqsi ahaan qirayaa inuu Fernando Torres Laacib weeyn yahay weliba uu Mustaqbalka dhaw kooxda Chelsea Guulo badan la qeeybsan doono !! . Kooxda kubada Cagta ee Newcastle United ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey wexeey biloowday ineey iska daba laad laadiso ama qoorta u gasho kooxda Wiilasha The Gunners. Fc Arsenal oo si la yaab badan ciyaarta qeeybteedii hore 4-0 ku hortay ayaa waxaa goolashaas Roobka ah u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Theo Walcott 42-ilbiriqsi, Johan Djourou (3.) iyo Robin van Persie oo 2-gool ku tuurtay (10./25.). Kooxda Arsenal oo Raaxada Guushaas iyo Dabaal dega xad dhaafka ah ciyaarta qeeybteedii hore garoonka uga baxday ayaa waxaa qeeybtii 2-aad ee ciyaarta Niyada ka dilay oo cabsi iyo Murugo cusub galiyey Xiddiga Taageerayaasha Arsenal eey ugu yeeraan (Labo Lafoodka) una ciyaara Qaranka France waa Abou Diaby oo daqiiqadii 50-aad Rooso qaatay. Kooxda Newcastle United oo xiliyadii ugu dambeesay cel celis noqotay marka eey la ciyaarayaan Wiilasha The Gunners ee ka socday magaalada London ayaa markii uu Abou Diaby Roosada qaatay wexeey la soo baxeen Miciyo Libaax waxaana Sacab & Mashxarad is daba joog ah ku caawiyey Teegeerayaashii soo buux dhaafiyey Garoonka weeyn ee Stadium St. James's Park oo eey ka taliso Kooxda Newcastle United . Newcastle United oo iska soo wada guday Goolashii kooxda Arsenal ayaa waxaa goolasha u kala saxiixay Ciyaartooyda kala ah Joey Barton oo labo Rigoore dhaliyey (68./83.), Leon Best (75.) iyo Cheik Tiote (87.). Kulanka Newcastle United Vs Arsenal 4-4 ayaa Saxaafada Sportiga ee caalamka wexeey ugu magac dareen (Dhibcihiii Hadiyada) Kooxda Wolverhampton ayaa Guuldaradii ugu horeeysay ee Horyaalkaan waxa eey dhadhansiiyeen Laacibiinta Shayaadiinta Cas Cas ee Man Utd . Wolverhampton oo ku dheeleeysay Garoonkooda Molineux-Stadium ayaa 2-1 wexeey Jeebka u galiyeen ManU waxaana labada Gool u kala saxiixay Ciyaartooyda kala ah George Elokobi (10.) iyo Kevin Doyle (40.) Goolka ManU waxaa ku tuurtay Mashinka Qaranka Portugal Luis Carlos Almeida da Cunha Nani daqiiqadii 3-aad ee ciyaarta. Tottenham wexeey ku gal galatay Bolton wexeeyna uga badiyee 2-1, Goolasha Spurs waxaa u kala saxiixay Xiddiga eey iska dhaleen Aabaha & Hooyada Hollandeska iyo Spanish-ka ah waa Rafael van der Vaart oo Rigoore u dhaliyey Tottenham kana qasaariyey mid kale halka goolka guusha uu daqiiqadii 90-aad Tottenham u saxiixay Xiddiga Qaranka Croatia Niko Krajcar oo uu dhalay Aabe Qabiir Sport ah oo hada Tababare u ah Qaranka Montnegro oo hagaaminaayo Guruubka eey kula wada jiraan Isreeb reebka koobka Qaramada Yurub Dalalka England iyo Bulgaria. Goolka Bolton waxaa u saxiixay Ciyaaryahan Daniel Sturridge. Kooxda Lacagta ku dhex dabaalaneeyso ee lagu wado Xili ciyaareedka soo socda ineey soo iibsadaan Ciyaartooy ebid kuwii ugu badnaa ama ugu qaalisanaa waa Man City ayaa 3-0 wexeey ku macsalaameeyeen Naadiga West Bromwich. Goolasha Manchester City ayaa waxaa u wada dhaliyey Weeraryahanka Qaranka Argentina & Man City Xiddiga eey Soomaalida inta badan ugu yeeraan Qaameey ama Qaleey oo eey ula jeedaan Halka Dhuunta & Qalka u dhaxeeyso oo xili hore uu dhaawac Shil Baabuur ah ka soo gaaray. Goolasha uu Manchester City u wada Dhaliyey Mr Qaameey Carlos Alberto Tevez ayaa laba ka mid ah wexeey ahaayeen Rigooreyaal halka goolka kale uu ahaa mid caadi ah . Horyaalka England ee The Premier League oo meeshii ugu xiisaha badnaa maraayo ayaa kooxaha wexeey isbuucaan ku kala bexeen Qaabkaan hoos ku qoran :
|
| Stoke City - Sunderland |
3:2 |
| Wigan - Blackburn |
4:3 |
| Tottenham - Bolton |
2:1 |
| Villa - Fulham |
2:2 |
| Newcastle - Arsenal |
4:4 |
| Man City - West Brom |
3:0 |
| FC Everton - Blackpool |
5:3 |
| Wolves - Man United |
2:1 |
| West Ham - Birmingham |
0:1 |
| Chelsea - Liverpool |
0:1 | KOOXAHA AYAA WEXEEY U KALA HOREEYAAN SIDAN .
| 1 |
Manchester United |
25 |
15 |
9 |
1 |
55:24 |
31 |
54 |
| 2 |
FC Arsenal |
25 |
15 |
5 |
5 |
54:27 |
27 |
50 |
| 3 |
Manchester City |
26 |
14 |
7 |
5 |
42:22 |
20 |
49 |
| 4 |
FC Chelsea |
25 |
13 |
5 |
7 |
46:22 |
24 |
44 |
| 5 |
Tottenham Hotspur |
25 |
12 |
8 |
5 |
35:27 |
8 |
44 |
| 6 |
FC Liverpool |
26 |
11 |
5 |
10 |
34:31 |
3 |
38 |
| 7 |
AFC Sunderland |
26 |
9 |
10 |
7 |
32:31 |
1 |
37 |
| 8 |
Bolton Wanderers |
26 |
8 |
9 |
9 |
36:37 |
-1 |
33 |
| 9 |
Stoke City |
25 |
10 |
3 |
12 |
31:32 |
-1 |
33 |
| 10 |
Newcastle United |
25 |
8 |
7 |
10 |
40:38 |
2 |
31 |
| 11 |
Blackburn Rovers |
26 |
9 |
4 |
13 |
34:42 |
-8 |
31 |
| 12 |
FC Fulham |
26 |
6 |
12 |
8 |
28:28 |
0 |
30 |
| 13 |
FC Everton |
25 |
6 |
12 |
7 |
33:34 |
-1 |
30 |
| 14 |
Aston Villa |
26 |
7 |
8 |
11 |
30:45 |
-15 |
29 |
| 15 |
FC Blackpool |
25 |
8 |
4 |
13 |
38:49 |
-11 |
28 |
| 16 |
Birmingham City |
24 |
5 |
12 |
7 |
24:33 |
-9 |
27 |
| 17 |
West Bromwich |
25 |
7 |
5 |
13 |
31:48 |
-17 |
26 |
| 18 |
Wigan Athletic |
26 |
5 |
11 |
10 |
26:44 |
-18 |
26 |
| 19 |
Wolverhampton |
25 |
7 |
3 |
15 |
26:43 |
-17 |
24 |
| 20 |
West Ham United |
26 |
5 |
9 |
12 |
27:45 |
-18 |
24 | Haduu alle Raali ka noqdo waxaad Filataan goor dhaw Falaqeeyta Horyaalka Spain oo Kooxda FC Barcelona Iskoor cusub Jabisay iyo Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-ga oo meel xasaasi ah maraayo iyo Waliba Barnaamishka loogu Aqriska badan yahay Barnaamishyada Sport ee ka baxa www.xiriiriye.com waa La Yaab oo xiligaan Tarjumis eey ku socoto. Dha maan Faalooyinkaan oo Muuqaalo kala duwan oo Video ah xambaarsan ka bogo wax yar ka dib. !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|