Faalo : France oo soo rogaal celisay, Portugal oo Hawada ka qarisay Spain oo ku faani jirtay Awooda kubada cagta ee Caalamka, Lukaku oo Bandhigii Xiriiriye ka dhabeeyey iyo Leonel Messi oo Brazil ku ciil baxay (Halkaan ka Daawo kulamadii ugu xiisaha badnaa).
Faalo: Kulamadii Saaxiibtinimo ee dhacay ayaa waxa eey dalal badan u ahaayeen Halaag iyo ceeb maxaa yeelay Ciyaaro Saaxiibtinimo balantu ma aheeyn in dhulka la isku jiido oo dabadeedna la is ceebeeyo.
Hadaanu ku hor marno ciyaartii adkeed ee dhex martay dalalka iskugu faano ciyaarata kubada cagta waa England Vs France ayaa waxaa gurigooda iyaga oo ku ciyaaraayo laga xishoon waayey xulka England oo 1-2 France ku tuntay.
Qaranka France oo aad moodid qaab ciyaareedkiisa inuu soo rogaal celiyey ayaa waxaa taas amaanteeda leh Xiddigii hore ee France koobka qaramada Yurub iyo World Cup 2008 la soo qaaday Laurent Blanc oo hada Tababare u ah.
Goolasha France ayaa waxaa u kala saxiixay Benzema (16.), iyo Valbuena (55.) wexeeyna labadoodaba Paasas aad u qurxoon ka heleen Xiddigaha Fc Chelsea & Arsenal Malouda iyo Bakary Sagna. Goolka Ingiriiska ayaa waxaa u saxiixay Peter Crouch (86.) Halkaan ka Daawo ciyaarta oo ka dhacday Caasimada London >> http://www.weltfussball.at/entry/_79729_england-1-2-frankreich-highlight/#redirect.
Xulka Portugal oo eey marti u ahaayeen Laacibiinta heeysto Koobka Qaramada Yurub 2008 kuna darsaday Koobka Addunka 2010 ee Spain ayaa waxaa dhabarka loo saaray ceeb la sheegay ineeysan mudo 20 sano ah arag.
Portugal oo Spain 4-0 ku qaarajisay ayaa waxaa goolasha dabaal dega u kala dhaliyey Martins (45.), Postiga (49., 68.), Almeida (93.) waxaana La Taliyaasha garoonka ahaa oo Qaranka Spain nafta u keenay Xiddigaha kala ah Cristiano Ronaldo iyo Luis Nani. Halkaan ka Daawo Ceebta Spain loo geeystay oo ah mid aan la arag oo la maqal >> http://www.youtube.com/watch?v=ih77vZ16Dbc.
Laacib Lukaku oo www.xiriiriye.com uu soo bandhigay inuu yahay laacib cusub oo ku soo biiray maslaxa kubada cagta isaga oo 2 bil ka hor gaaray 17-jir in kastoo bahda ciyaaraha ee caalamka ku sheegeen inuu da´diisa ka weeyn yahay macquulne aheeyn inuu jiro Lukaku jiro 17-jir balse waxaa taas beenisay oo kuwii da´diisa diidanaa beerta gelisay cadeeymaha loo helay inuu ku dhashay magaalada Antwerpen ee dalka Biljamka.
Lukaku oo inta badan saxaafadu ugu yeerto Drogbaha cusub ayaa ciyaartii uu la yeeshay Qaranka Russia waxaa uu dalkiisa Biljamka u wada dhaliyey labadii gool ee biljamka uu ku badiyey. Halkaan ka Daawo Caqli xumada uu sameeyey goolhayaha Russia isaga oo kubad u baxday dhanka koornada intii uu is lahaa yaan koorno lagaa dhigin uu u sii salaxay ciyaaryahan ka tirsan Biljamka Daawo: > http://www.youtube.com/watch?v=tDQDSc4FKvY.
Waxaa kaloo ka mid ahaa kulamadii adkaa ee dhacay kii dhex maray Qaramada Brazil Vs Argentina oo kaalinta koowaad ka galay dalalka dhanka kubada cagta dunida iskugu neceb. Labadaan dal oo Taariikh ahaan eey adag tahay ama inta badan eey badiso Brazil ayaa ciyaartooda waxa eey isku balan sadeen magaalada Dooxa.
Lionel Messi oo ka Rajo beelay mar uun inuu gool ka dhaliyo Difaaca Brazil oo caalamka looga yaqaan (Difaacii Shubka & Xanjada ahaa) ayaa waxaa markaan u riyoowday Riyadiisii maadaama Difaaca reer Brazil oo fiiriyey Saacada ciyaarta oo sii dhamaatay una maleeyey in wixii 92-daqiiqo ka dambeeyo difaacooda aan wax gool ah laga dhalin karin ayaa Messi ku nasiibsaday goolkii uu waqtiga dheer ku riyoon jiray. Halkaan ka Daawo qaabka uu inuu koob qaaday camal ugu farxay : http://www.youtube.com/watch?v=3S4yvzpRNsg
Xulka Qaranka Orange Niederland ayaa 1-0 ku suul daaray Qaranka Turkiga oo uu watay Macalin Guus Hiddink oo Holland u dhashay. Goolka Holland waxaa u saxiixay xiddiga Fc Schalke Klaas Jan Hunterlaar halkaan ka daawo Ciyaarta : >> http://www.youtube.com/watch?v=dLynsXvFna8.
Wadamada Sweden Vs Germany ayaa wax iska qaadi waayey wexeeyna ku heshiiyeen in 0-0 lagu kala baxo ciyaar ka dhacday magaalada Götenborg.
Qaranka Norway oo ayaan taan soo kacsaday ayaa waxa uu 1-2 ku soo garaacay xulka Qaranka Irland oo ku ciyaaraayey gurigooda caasimada Magaalada Dublin. Goolasha Norway ayaa waxaa u kala saxiixay Pedersen (34.), Huseklepp (86.) Halkaan ka Daawo : http://www.youtube.com/watch?v=M57Ox3p_IFY
Waxaa sidoo kale ciyaar kulul eey dhex martay wadamada Masar Vs Australia. Waxaana 3-0 ku badisay Masar. Halkaan ka Daawo sida loogu baashaalay Laacibiintii Matalaayey Qaranka Australia : >> http://www.youtube.com/watch?v=b4_s_tXA_Ts.
Ogeeysiin iyo ku celis intii uu dhaafay Barnaamishka Hal Xiraalaha Todobaadka: >>
Su´aasha Hal Xiraalaha Todobaadkaan ayaa wexeey noqon doontaa mid dhuunta u gasha Ahkiyaar badan waxaana hubaal ah ineey Su´aashaan noqon doonto Isbaaro Tartanka Horyaalka Hal Xiraalaha ka reebta rag badan oo hor boodi jiray Barnaamishkaan !!
(?) Waxaad sheegtaan Ciyaaryahan lagu tilmaamay Xiddigii ugu nasiibka badnaa Taariikhda koobka Addunka inta la ogyahay. Maxaa yeelay World Cup 2010 oo ka dhacay dalka South Africa ayaa ciyaartiisii Fiinaalaha waxaa iskaga hor yimid labadii wadan ee ka soo kala jeedeen Hooyadiis & Aabihiis (Mar labaad aan idinkugu celiyo Su´aasha si eeysan u mar marsiyoon Khabiiro badan >>Waxaad sheegtaa Xiddig ka qeeyb galay koobka Addunka 2010 oo Waalidka dhalay ka soo kala jeedan Dalalka Spain iyo Holland/Niederland?? Xiddigaas ayaa sheegay inuusan kala jecleeyn cidii qaada koobka Addunka maadaama eey Jaa Final taagan yihiin Spain Vs Holland oo ah labadiisa Waalid...Waana ciyaaryahan caan ah oo u ciyaaro koox Caan ka ah Dunida.Waxaa balan ah in www.xiriiriye.com uu beerto geliyo akhiyaarta Sportiga ku hormartay ee laga waayey meel fadhiista oo ka nasta Barnaamishka Hal Xiraalaha Only 1-week. Jawaabta Hal Xiraalaha waxaanu soo deeyn doonaa Maalinta Jimcaha ah 19.11.10.Halkaan noogu soo dir hadaad wax isku heeyso ama aad tahay Ruux Sportiga ku hor maray !xiriiriyesports@hotmail.com
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!