Faalo : Maxaad kala socotaa 5-kooxood oo Horyaalada Yurub caan ka ahaa loona diray iyaga oo ilmeenaya Heerka 2-aad ee Horyaalada Dalalkooda? ,*Qaar ka mid ah Ciyaartooyda Dunida ugu caansan oo la sheegay xiligii Caruurnimadooda ineey ahaayeen kuwo Buur buuran (Halkaan ka Daawo Qeeybtii 1-aad)
Waa Masiibo iyo wax aan horay looga baran dhanka Ciyaaraha kubada cagta in Kooxo waa weeyn oo Dhaqaale iyo Lacag ku filan heeysta eey iska Xaadiriyaan waxa loo yaqaan Serie B-da oo ah Heerka 2-aad oo eey ka Ciyaaraan kooxaha Liita ama awooda yar.
5-ta Horyaal ee ugu caansan Caalamka oo kala ah Horyaalka England, Italy, Spain, France iyo Germany waxaa Sanadkaan si lama filaan ah Maslaxa Kubada cagta iyaga oo Ooynaya ama ilmeeynaya macsalaama lagu sagootiyey kooxaha kala ah sidan.
1- West Ham United oo Horyaalka Ingiriiska caan ka eheed kuna jirtay kooxaha laga cabsado.
2-Deportivo La Coruna oo Horyaalka La Liga ee Spain iyo koobka Champions League aan laga weeyn jirin.
3-Unione Calcio Sampdoria oo Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-ga si weeyn looga qadarin jiray.
4-AS Monaco oo Horyaalka France hor boode ka ahaan jirtay soona gaartay Fiinaalkii koobka Champions League ee 2004-ka.
5-Eintracht Frankfurt oo Horyaalka Germany mar kasta meel wanaagsan ka gali jirtay iyadana waxaa qaaday Daadka.
FIIRO GAAR AH: Kooxahaan uma galin Serie B-da dhaqaalo xumo & Ciyaartooy la ´aan balse wexeey Nasiibdaro daris la noqdeen markii eey ku yabaaleen ama dhoor jeer iska bad badaleen Macalimiin dhoor ah taas oo sababtay in Awooda Ciyaartooyda ama Taaktikadooda mid quraa noqon weeyso waxaana hada la is weey diinayaa 5-taan kooxood abeeyoow ma ka soo bixi doonaan Sanadka danbe Serie B-da eey galeen mise weey sii dabaalan doonaan oo God-Aakhireedka Serie C-da ayaa loo sii diri doonaa? !!
*** Inta badan Laacibiinta Caalamka ee xiligaan la joogo Dunida ugu caan markii eey Caruurta ahaayeen iyo hada waxaa waxba iska badalin Muuqaal ahaan Wajigooda oo qofkii arkaa uu horay ka garan karo sharuud la´aan .
Qaar ka mid ah Laacibiintaan ayaa xiligii eey yar yaraayeen wexeey ahaayeen kuwo Buur buuran balse hada uusan Wajigooda ka muuqan Cayilka eey horay u qabeen.
Ciyaartooyda uu Cayilka ka muuqday Xiligii eey Caruurta ahaayeen ayaa waxaa ka mid ah Laacibka dhanka Qadka dhexe eey ku dhaarato Fc Chelsea, Chelsea Midfielder Frank Lampard iyo Weeraryahanka Xanaaqa badan ee sheegay Maalmaha soo socda inuu sameeysan doono The New Hair Styler (Timo Nuuc Jarmo cusub ah ) waa Xiddiga Man Utd Wayne Mark Rooney.
Halkaan ka Daawo Qeeybtii 1-aad Ciyaartooyda oo Caruur ah : http://www.youtube.com/watch?v=7OR_Jcl6TZE&feature=related
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com