Frank Lampard " Patrice Evra Wuxuu sheego ayuu waayey mana aha inuu faano Champions League iyo Premier League oo biloow ah ,, ,*Skysport oo bilaabay sidii 2008-kii inuu Ciyaartooy caan ah qoorta isku galiyo .(Maxaad kala socotaa Magacyada Ciyaartooyda uu Skysport u arko ineey Dabaalo yihiin oo marka uu wareeysto iska Caaya Laacibiinta kale ?)
Qabiirka Qadka dhexe ee Fc Chelsea iyo Qaranka England Frank James Lampard ayaa maanta mar uu la hadlayey T-ga caanka ah ee Skysport Qeeybtiisa Magaalada London waxa uu Jawaab kulul hawada u mariyey Difaaca reer France iyo kooxda Shayaadiinta cas cas ee Man Utd Patrice Evra .
Skysport habeenkii Talaadada Ciyaartii dhex martay Leeds Utd Vs Man Utd (0-3-England - League Cup) waxa uu qadka soo galiyey Difaaca Reer France & ManU Patrice Evra. Wareeysi dheer ka dib Patrice Evra oo qadka ka sii baxaayo ayaa Skysport waxa uu daba dhigay war uu ku sheegay in kooxda Man Utd Sanadkaan ama Xili Ciyaareedkaan aad u adagtahay wuxuna Evra ku jawaabay isaga oo Qoslaya sidan :
Patrice Evra " Waan ogahay inaan aad isku soo dhisnay waxaana xili Ciyaareedkaan qaadi doonaa Champions League , Premier League, FA-Cup iyo England - League Cup,,
Skysport oo maanta ka wareeysanayey Frank Lampard qaabka eey u wajihi doonaan kooxda Swansea City oo Fc Chelsea gurigeeda ugu imaaneeyso ayuu Skysport waxa uu Su´aashii u daba raaciyey in Patrice Evra uu Isbuucaan gudihiisa sheegay ineey inta badan Koobabka waa weeyn gacanta ku soo dhigi doonaan.
Frank James Lampard oo markiisa Qadka Qosol uga baxay ayaa yiri sidan : " Patrice Evra Wuxuu sheego ayuu waayey mana aha inuu faano Champions League iyo Premier League oo biloow ah ,,
Waxaa iska cad inuu Skysport bilaabay ama dhulka ku daadiyey Qarshooyinkii Dagaalka ee sanadkii 2008 uu Dhulka ugu daadiyey Laacibiin badan oo The Premier League caan ka ah. Xiddigaha ugu Jilicsan ama Skysport uu u arko ineey Dabaalo yihiin ama marka uu Wareeysiga u bilaabo iska Caaya Laacibiinta kale ayaa wexeey kala yihiin Sheyi Emmanuel Adebayor Tottenham, Wayne Mark Rooney Man Utd, Mario Balotelli Barwuah Man City, Emmanuel Eboue oo hada ka tagay Fc Arsenal una wareegay Galatasaray Istanbul, Carlos Alberto Tevez Man City, Rio Gavin Ferdinand Man Utd, Peter James Crouch Stoke City iyo Craig Douglas Bellamy Fc Liverpool.
Dhamaan Ciyaartooydaan aanu kor ku soo sheegnay waa Laacibiinta uu ugu jecel yahay Tv-ga Skysport wexeeyna iska Caayaan cideey doonaan marka uu skysport u bilaabo Su´aal qarsoon oo xambaarsan Qarshooyin isku dir ah.
Ugu dambeeytii Xiriiriye.com waxa uu Isha ku hayaa ama ka war sugayaa Fariinta Jawaabta ah ee ka imaan doonta Difaaca Man Utd Patrice Evra oo lagu wado inuu u soo jawaabo Qabiirka Qadka dhexe ee Qaranka England & Fc Chelsea Frank James Lampard .