''Waloow aan ciyaaro iskugu nimid hadana yaan la iloobin in dadkeenii baahi u go'ayaan'' ayuu yiri Jooqle Shire Jaamac oo ciyaarahan Soomaalida goob joog ka ah kuwaasoo ay ka qayb qaadanayaan kooxaha Soomaaliyeed ee ka kala yimid dalal ka tirsan qaaradda Yurub oo howlmaalmeedkooda lagu daray in dadka lagu booriyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen howlaha tabarucaadda ah ee ay wadaan Soomaalida ku dhaqan qurbaha ee loo sameeynayo dadkeenna ku dhibaataysan dalka gudihiisa iyo dalalka deriska ah.
Waxaana maanta garoonkii ay ciyaaruhu ka dhacayeen yimid howlwadeenno ka socda hay'adda UNICEF oo iyaguna wada tabarucaad ururin looga gol leeyahay in gurmad lala gaaro hooyada iyo dhalaanka oo dabcan ah kuwa ay dhibaatooyinka ugu waawayni kasoo gaareen musiibooyinka dabiiciga iyo kuwa dad sameega ah ee ka taagan Soomaaliya.
Gudiga qaban qaabada ciyaaraha ayaa laftoodu weli riixaya qorshe bandhig faneed lacag ururin ah loogu sameeynayo arintan iyadoo la isla gartay in la qabto Sabtigan waxaana isoo jiidatey qaar ka mid ah laacibiinta ajnabiga ah ee tartanka ka qayb qaadanaya oo sitey funaanad hoosaad ay ku qoran tahay 'CAAWI SOOMAALIYA'.
Hadii aan usoo laabto ciyaarihii galabta dhacay kulankii hore wuxuu dhex maray kooxaha Sukao (Norway) Vs Somali Youth (Norway) waxaana 4-2 ku adkaatay kooxda Sukao oo aan u hakanin laba gool oo ay bilowgii ciyaarta uga naxsatay kooxda Somali Youth iyadoo ay xusid mudan tahay in galabta la saxeexay 3-leeydii (hatrick) ugu horeeysey tartanka taasoo uu ku fara yaraystay LIIBAAN AXMED.
Kulankii 2-aad ayaa waxaa ciyaaray kooxaha Walaalaha Qaraabo Vs Al Hijra waxaana 1-0 ku badisay kooxda Qaraabo oo marka laga soo tago inay tahay kooxda 2-aad ee ilaa iyo iminka si 100% ah ku hogaaminaysa wareegeeda marka laga soo tago Muqdisho FC misna anshax iyo ciyaar wanaag muujineysey.
Beritoole waxaa ciyaari doona hadii Alle ka dhigo kooxaha Gothenburg (Sweden) Vs Muqdisho FC (UK) iyo kulanka 2-aad oo dhex mari doona kooxaha Kanava FC (Finland) Vs Trondheim Tigers (Norway) waana kulamo aad u xiisa badan oo kala bax ah maadaama ay kooxahan oo dhami isku dhibco istaagi karaa gaar ahaan hadii ay badiyaan Kanava iyo Gothenburg.
Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto;-maxaaji@hotmail.com
Helsinki, Finland