***Xulka Qaranka Holland oo heeysta abaal marinta kaalinta 2-aad ee World Cup 2010-ka ayaa ciyaar ka dhacday garoonka magaalada Eindhoven ee dalka Niederland wexeey Goolal 11-0 ah ku asqeeyeen Xulka qaranka San Marino oo eey ku wada jiraan is reeb reebka Guruubka (E) ee Euro 2012-ka.
Holland oo ciyaartay kulan keedii 7-aad ayaa badisay markeedii 7-aad oo xiriir ah waxaana laga dhaliyey ilaa iyo hada 5-gool oo kaliyah halka eey ka dhaliyeen 32-Gool wexeeyna aruursadeen 21-Dhibcood oo Nadiif ah.
Goolasha tirada badan ee Qaranka Holland uu dhabarka u saaray San Marino oo aad u taag darneed ayaa waxaa u kala saxiixay Laacibka Fc Arsenal Robin van Persie oo 4-gool dhaliyey Daqiiqadihii (7., 65., 67., & 79.) waxaana sidoo kale min 2-Gool Shabaqa ku hubsaday Laacibka kooxda Inter Milan Wesley Sneijder (12., 87.) iyo Weeraryahanka Fc Schalke Klaas-Jan Huntelaar (56., 77.) halka Sadexda gool eey sii kala raacsadeen Dirk kuyt, Heitinga iyo Wijnaldum.
Holland Guruubka (E) wexeey ku wada jiraan dalalka Sweden,Hungary, Finland iyo Moldova waxaana dhanka dhibcaha ku soo xigto Sweden oo leh 15-dhibcood in kastoo kulankii caawa Qaranka Hungary oo Sweden 2-1 ku Qararamsaday eey isa soo taageen sidoo kale min 15-dhibcood.
Halkaan ka Daawo Holland oo 11 Gool camal uga dhigtay San Marino >>> http://www.youtube.com/watch?v=1p9s_3mBm0g .
Guruubka (A) ee is reeb reebka Koobka Qaramada Yurub EURO 2012-ka ayaa waxaa si toos ah uga soo baxay Dalka Germany oo 8-kulan ciyaaray dhamaan kulamadaasna wada badiyey wexeeyna aruursadeen 24-Dhibood.
***Jarmalka kulankii Caawa wexeey 6-2 ku suul daareen Xulka Austria waxaana 3 ka mid ah Goolashaas si la yaab ah ku dhaliyey Xiddiga kooxda Real Madrid ee asal ahaan ka soo jeeda dalka Turkiga waa Mesut Mustafa Ozil Daqiiqadihii (8., 23., 47.). Goolasha kale Jarmalka waxaa u kala saxiixay Laacibiinta da´da yar ee dhawaan Qaranka Germany lagu soo daray waa Andy Schürrle (83.), Mario Götze (89) iyo Lukas Podolski (28.). Labada Gool Xulka Austria waxaa u kala saxiixay Marko Arnautovic (42.) & Martin Harnik (51.).
Halkaan ka Daawo Ciyaarta iyo Miro Klose oo gool uusan laheeyn u dabaal degay kaas oo ugu dambeeytii loo soo qoray Mesut Özil oo 3-gool ku tuurtay >>> http://www.youtube.com/watch?v=zf6DmALeAOU
Guruubka uu Jarmalka ka soo baxay ee (A) waxaa kaalintiisa 2-aad isku heeysta Qaranka Turkiga oo caawa 2-1 ku garaacay xulka Kasachstan soona aruursaday 13-dhibcood halka Beljemka oo bareejo 1-1 ah eey ku qabatay Aserbajaan uu wato 12-Dhibcood.
***Guruubka (C) waxaa Nasiib aad u wanaagsan helay Qaranka Talyaaniga oo guri kale 0-1 ku soo garaacay Xulka Faroe Islands halka Slovenia oo ah Qarankii dhanka Dhibcaha Talyaaniga soo bursanaayey caawa gurigeeda eey 1-2 kaga naxsatay Estonia.
Talyaaniga oo ciyaaray 7-kulan wexeey badiyeen 6-jeer waxaana ilaa iyo hada laga dhaliyey 1-gool oo kaliyah halka eey ka dhaliyeen 15-Gool. Qaranka Talyaaniga Guruubkaan (C) wexeey leeyihiin 19-Dhibcood Slovenia oo ku soo xigta ayaa leh 11-Dhibcood halka xulka Serbia oo Caawa Northern Ireland 0-1 ku soo tumay uu soo caga dhigtay kaalinta 3-aad wexeeyna leeyihiin sidoo kale 11-dhicood.
Qaranka Talyaaniga Goolka Agoonka ah waxaa Daqiiqadii 11-aad ee Ciyaarta qeeybteedii hore u saxiixay Xiddiga Ac Milan Antonio Cassano. Qaranka Talyaaniga hadii uu garaaco Xulka Slovenia maalinta Talaadada ah ee soo socota ciyaarta ka dhaceeysa garoonka Florenz ee Magaalada Fiorentina si toos ah ayeey ugu soo bixi doonaan Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2012-ka.
Halkaan ka Daawo Goolka Cassano oo Suul dhuuqis ka bixi la >>> http://www.youtube.com/watch?v=5doLUoPHdlU
***Xulka Ingiriiska oo Guruubka (G) Qabqable ka ah wexeey 0-3 ku soo garaaceen Qaranka Bulgaria oo ku ciyaarayey Magaalada Sofia ee caasimada dalkaas. Ciyaartaan intii eeysan dhicin ka hor waxaa Tv-ga Skysport ka hadlay oo ku faanay inuu ugu yaraan Qaranka England 1-Dhibic ka xayuubsan doono ama 3-dhibcood Qabiirkii hore ee Qaranka Germany iyo kooxda Fc Bayern Munchen Mr Lottar Mathias oo hada Macalin u ah Qaranka uu hogaamiyo Weeraryahanka Man Utd waa Dimitar Ivanov Berbatov (Bulgaria).
Goolasha eey Ingiriiska ku badiyeen waxaa 2 ka mid ah ku tuurtay Weeraryahanka Shayaadiinta Cas Cas (ManU) Weyne Mark Rooney daqiiqadihii (21-aad iyo 45-aad) waxaana goolka 3-aad raacsaday Ciyaaryahan Gary Cahill (Daqiiqadii 13-aad) .
England oo ciyaartay 6-kulan wexeey leedahay 14-Dhibcood waxaana ku soo xigta oo 11-dhibcood leh Montenegro oo caawa 2-1 eey ku soo garaacday Wales oo u hiilisay Dariskeeda ama walaalkeeda ka weeyn ee England.
Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=rlNZD3-bl_g
*** Qaranka Faransiiska oo mudooyinkaan dambe ka bixi la Guulo is daba joog ah tan iyo markii uu u yimid Macalin Laurent Blanc wexeey caawa Ciyaar adag oo ka dhacday Magaalada Tirana ee caasimada dalka Albania 1-2 ku soo dubteen Qaranka Albania.
Faransiiska oo ku jira Guruubka (D) waxaa Gool aad u qurux badan u saxiixay Laacibka Real Madrid Karim Benzema Daqiiqadii 11-aad waxaana goolka kale raacsaday Ciyaaryahan M'Vila (Daqiiqadii 18-aad). Qaranka France wexeey Guruub (D) ku hogaaminayaan 16-Dhibcood waxaana ku soo xigto oo 13-dhibcood la haadeeysa Qaranka Bosnia Herzgovina oo uu Abaanduule ka yahay Weeraryahanka Qatarta ah ee kooxda Manchester City waa Edin Dzeko. Isla Guruubkaan waxaa min 12-dhibcood iyo 11 dhibcood soo kala aruursaday Balarusia iyo Romania.
Albania Vs France >>>Halkaan ka Daawo http://www.youtube.com/watch?v=mxQ61nJ-doU
***Guruubka (H) waxaa Tafaha lagu dhegan yahay Halgame Cristiano Ronaldo iyo Qarankiisa Portugal oo eey ka daba yaacayaan Xulalka Norway oo kacsan sanadkaan iyo Qaranka Denmark. Portugal wexeey 0-4 ku soo dar dareen Jaziirada Qubrus waxaana goolasha 2 ka mid ah oo mid uu Rigoore ahaa u saxiixay Laacib Cristiano Ronaldo Daqiiqadii 35-aad Rigoore iyo 83-aad waxaana labada gool ee kala kala dhaliyey Hugo Almeida (daqiiqadii 84-aad) iyo Danny (90-aad).
Halkaan ka Daawo http://www.youtube.com/watch?v=tKPN_I2jtVs
Portugaal Guruubkaan (H) wexeey ku hogaaminayaan 13-dhibcood balse waxaa hogaanka ku heeysata Norway oo iyana 13-Dhibcood wadata ka dib markii eey Ciyaartii caawa gool Rigoore ah 1-0 ku qaarajisay Dhamaadkii ciyaarta Xulka Iceland waxaana goolkaas u saxiixay Ciyaaryahanka kooxda Honover ee horyaalka Germany Abdellaoue Daqiiqadii 88-aad.
Qaranka Denmark oo isna isla Guruubkaan (H) 10-Dhibcood wata waxaa lagu wada ineey maalinta Talaadada ah Ciyaar adag ku marti galiyaan Xulka Norway oo eey Taariikh ahaan aad isku neceb yihiin.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com