12-Qaran oo si toos ah ugu soo baxday Koobka Qaramada Yurub ee UEFA EURO 2012 halka 8-Xul loo diray ineey iska xaadiriyaan Ciyaarta Play off-ka (Kala reebtada)
Koobka Qaramada Yurub ee UEFA EURO 2012 oo lagu qaban doono Sanadka dambe dalalka Poland iyo Ukraine ayaa waxaa si toos ah uga soo baxay Guruubyadii eey ku jireen 12-Qaran.
Qaramada sida tooska ah u soo baxay wexeey kala yihiin Germany oo ka soo baxday Guruub (A),Russia Guruub (B), Italy Guruub (C), France Guruub (D), Holland Guruub (E), sidoo kale Sweden Guruub (E), Giriiga Guruub (F), England Guruub (G), Denmark Guruub (H), Spain Guruub (I). Dhamaan Xulalkaan wexeey kaalinta 1-aad uga soo bexeen Guruubyadii eey ku jireen.
10-kaan Qaran marka laga soo tago waxaa 12-Xul looga dhigay Wadamada marti gelin doona Euro 2012-ka oo kala ah dalalka Poland iyo Ukraine. Koobka Qaramada Yurub caadi ahaan waxaa la iska doonayaa 16-kooxood. Wadamadii Guruubyadooda kaalinta 2-aad ka soo galay oo 8-Qaran ah ayaa waxaa la iska doonayaa 4-Xul ineey soo baxdo halka afar kale eey sidaas ku hari doonaan.
Sideeda Qaran ee Guruubyadooda kaalinta 2-aad uga soo baxay ayaa wexeey kala yihiin sidan : Qaranka Turkiga waxa uu ka yimid Guruub (A), Irland Guruub (B), Estonia Guruub (C), Bosnia Guruub (D), Croatia Guruub (F), Montnegro Guruub (G), Portugal Guruub (H) iyo Czech Republic oo kaalinta 2-aad ka soo galay Guruub (I).
Wadamadaan ayaa waxaa laga doonayaa ineey ka soo baxaan 4-dal oo kaliyah waxaana Dalalkaan isku dhaarsan la isku aadin doonaa ama Xaflada Qori Tuurka dalalkaan eey ka dhici doontaa beri oo Qamiis ah magaalada Karakau oo ah Caasimada 2-aad ee dalka Polland.
Marka la isku aadiyo Qaramadaan wexeey Ciyaari doonaan 2 is arag oo Guri iyo guri kale ah waa maalinta eey Taariikhdu tahay 11., 12.11.2011 Play-off.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!