Deg Deg : Labo Daqiiqo ka hor Isku Aadkii Koobka Qaramada Yurub oo la sameeyey iyo Dalal aad iskugu dhaarsan ama u kala cabsada oo qoorta isku galay !!
Koobka Qaramada Yurub waa mid ka mid ah Koobabka ugu qaalisan Dunida looguna jecel yahay marka laga soo tago Koobka Adduunka iyo kan Uefa Champions League.
Xafladii Qori tuurka Euro 2012 oo ka dhacday Magaalada kiev ee Caasimada dalka Ukraine ayaa waxaa Iskudubaridayaal ka ahaa ama Isku doorayey dalalka Xiddigihii hore ee ugu caansana Maslaxaha Ciyaaraha Kubada cagta waa Laacibiinta kala ah Zinedine Yazid Zidane iyo Marco Van Basten.
Dalalka lagu wado ineey ka qeeyb galaan Tartanka Euro 2012 ayaa waxaa loo qeeybiyey 4-Guruub wexeeyna iskugu dheceen Qaabkaan :
Guruub (A) waxaa ku wada jira oo isku dhacay Xulka Poland oo marti loo yahay, Russia, Czech Rebublic iyo Giriiga/Greece.
Guruub (B) oo loogu magac daray Horror-Groupe, Guruubkii Bahlo galeenka waxaa si arxan daro ah iskugu aaday dalal aad ugu waalan ama ugu dhinta Ciyaarta kubada Cagta kuwaas oo kala ah Germany, Holland, Portugal iyo Denmark.
Guruub (C) Waxaa ka dhacday Kabteeyda ma aragtay maadaama ay isku aadeen Qaranka Spain oo la ogyahay maanta heerka ay taagan tahay Awoodiisa Ciyaareed iyo Qaranka Talyaaniga oo la soo baxay Laacibiin yar yar waxaana Guruubkaan ku weliya Spain & Italy Dalal iyagana ku dhinta ciyaarta Kubada cagta kuwaas oo kala ah Croatia iyo Xulka Irland oo uu wato Macalin Trapattoni oo 72 jir ah.
Guruub (D) waxaa Qoorta isku galay qaranka Diiqa reer France oo koobkaan heeysta 2 jeer iyo Xulka England oo aan weligiis qaadin ama kor u luxin koobka Qaramada Yurub , England iyo France waxaa ku wehliya Guruub (D) Dalalka kala ah Ukrain oo marti loo yahay iyo Sweden oo wadata Zlatan Ibrahimovic weliba si weeyn ugu dhaarato Ciyaaraha Kubada Cagta.
Arintii ugu Qosolka badneed ee ka yaabsatay Marti Sharaftii ka soo qeeyb gashay Xafladii Qori tuurka wexeey eheed markii uu Qosol fara badan is qabsaday hoowlkii ay Xaflada ka socotay maadaama eey isku aadeen Dalalka Yurub dhanka Dhaqaalaha ugu liita kuwaas oo kala ah Ruushka, Poland, Czech Rebublic iyo Giriiga.