Sweden oo Cagaha ka tuntay Qaranka Holland,*Jarmalka oo Bililiqeeystay Laacib Turki ah oo Xulka Turkiga looga yeeray,*Cristiano Ronaldo oo ku xanaaqay Xiddiga kooxda Fc Chelsea Raul Meireles,* Edin Dzeko oo ka naxsaday Qaranka Diiqa reer France iyo Warar kii ugu Xiisaha badnaa isreeb reebka Euro 2012 oo lagu kala baxay (Halkaan ka Daawo).
*** (Isreeb reebka UEFA EURO 2012 Yaa soo baxay yaa haray , Yaa Nool Yaa Dhintay? .Hadaanu ku biloowno Guruubka A Waxaa si sharaf leh uga soo baxay dalka Germany oo dhamaan wada badiyey 10-kii kulan ee uu saftay.Jarmalka kulankii ugu dambeeyey wexeey 3-1 ku garaaceen Xulka Beljemka waxaana goolasha u kala saxiixay Mesut Özil (30.), Andrea Schürrle (33.) iyo Mario Gomez (47.) Goolka Beljemka waxaa u dhaliyey Marwane Fellaini (86.).Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=66EiHed8hHg .
Gurubkaan A sidoo kale Turkiga oo 1-0 ku soo garaacay Aserbajaan wexeey guushaas u suurto galisay ineey Guruubkaan ka galaan kaalinta 2-aad oo macnaheedu yahay ( Play-off).
Turkiga oo Ciyaartooy ebid kuwii ugu badnaa eey ugu dhasheen wadamo badan oo qaarada Yurub ku yaala waxaa ku adkaatay sidii eey Laacibiintaas kula soo wareegi lahaayeen ama ugu soo biirin lahaayeen Qarankooda.
Macalinka Qaranka Turkiga Mr Guus Hiddink oo u dhashay dalka Holland ayaa Isbuucii la soo dhaafay waxa uu u yeeray Laacib u ciyaara kooxda heeysata Horyaalka Germany ee Brussia Dortmund kaas oo lagu magacaabo Ilkay Gündogan . Xiddigaan oo kacsanaa maalmahaan wexeey isku magaalo ku dhasheen oo hal Iskuul ka soo wada bexeen Laacibka Real Madrid Mesut Ozil (Gelsenkirchen).
Jarmalka oo Bililiqada Ciyaartooyda lagu yaqaan markeey maqleen sheekadaan ah inuu Ciyaaryahan Ilkay Gündogan ku sii jeeda Qaranka Turkiga isaga oo Germany ku dhashay wexeey sameeyeen Qiyaano cusub ka dib markii eey Qaranka Germany ku soo dareen Ciyaaryahan Ilkay Gündogan kulankii Germany Vs Belguim isaga oo badal lagu soo galiyey daqiiqadii 83-aad.
Sharciga Fifa & Uefa waxa uu dhigayaa xiddigii halmar Qaranka waa weeynka u safta inuusan u Ciyaari karin waligiis Qaran kale. Sidaas waxaa lagu qiyaanay Macalin Guus Hiddink iyo Qaranka Turkiga oo gacantooda laga baxshay Mesut Ozil-kii 2-aad .
*** Qaranka Sweden wexeey Iskoor muhiim ah oo dhanka Guulaha ah ka jabiyeen Wiilasha Qaranka Oranjiga ee reer Holland .Sweden wexeey Holland kaga badisay 3-2 waxaana goolashaas u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Front (15.) Sebastian Larsson Daqiiqadii 52-aad Rigooro waxaana goolka kale raacsaday Ciyaaryahan Ola Toivonen Daqiiqadii 53-aad. Goolasha Niederland waxaa ku tuurtay Laacibiinta kala ah Klaas Jan Huntelaar Testo madax ah Daqiiqadii 23-aad iyo Dirk Kuyt Daqiiqadii 50-aad. Halkaan ka Daawo qaabkii ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=P_ttun8tCFI .
Qaranka Holland wexeey Guuldaradaan u tahay midii ugu horeeysay ka soo biloow ilaa World Cup 2010-ka oo Ciyaartii Fiinaalka eheed 1-0 Spain kaga badisay.
**** Qaranka Denmark oo Taariiq ahaan ka adag Xulka Portugal wexeey Isbaaro cajiib ah u dhigteen Cristiano Ronaldo iyo Ciidamadii uu hogaaminayey oo lagu waday ineey Guruub (H) kaalinta 1-aad ku soo baxaan. Denmark Vs Portugal waxaa 2-1 ku badisay Denmark waxaana Goolasha u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Michael Krohn-Dehli Daqiiqadii 13-aad iyo Nicklas Bendtner Daqiiqadii 63-aad. Goolka Portugal waxaa Dhamaadkii Ciyaarta Bilison ku tuurtay Halgame Cristiano Ronaldo.
Ciyaartaan waxaa Xanaaq isku celin waayey Cristiano Ronaldo oo Caay la daba kacay Xiddiga Fc Chelsea Raul Meireles oo Qaranka Portugal ka cunay Fursado qaali ah.
Halkaan ka Daawo Goolka uu C.Ronaldo ka xareeyey Denmark oo ahaa Biriq uu ka soo gamay meel goosha u jirtay 30-m >>> http://www.youtube.com/watch?v=XasAHtHItAw&feature=related .
*** Weeraryahanka Qaranka Bosnia iyo kooxda Man City Edin Hussein Dzeko waxa uu ka naxsaday Xulka Diiqa Reer France oo uu gool aad u Qurux badnaa ka dhaliyey.
France Vs Bosnia oo 1-1 ku kala baxay wexeey Faransiiska iska cuneen fursado aad u fara badan waxaana kacsa oo Halyeeygii Garonka noqday Laacibka Man City Samir Nasri oo dhamaadkii Ciyaarta Qarankiisa Rigoore u keenay ka dibna u saxiixay Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=bQvg8w6BUVo&feature=related .
Macalinka Qaranka Faransiiska Mr.Laurent Robert Blanc waxa uu si wanaagsan u dhisay Xulka Diiqa reer France oo in mudo ah isku dhex yaac ku jiray. Tababare Laurent Robert Blanc wuxuu sidoo kale Qaranka Faransiiska ku soo biiriyey Laacibiin yar yar oo Farsamadooda laga qeeyliyey.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
|