Jasiirada Qubrus oo ka yaabsatay Qaranka Potugal, England & Italy oo Awood Cusub la soo baxay, Germany oo badisay,Oranje oo aan harin, iyo France oo weli Jiif dheer ku jirta ( Halkaan ka Daawo All kulamadii ugu wanaagsanaa)
Waxaa bilaabmay is reeb reebkii Koobka Qaramada Yurub 2012 ee lagu qaban doono Wadamada Poland & Ukarain.
Kooxaha waa weeyn oo inta badan Ciyaaray ayaa qaar waxa eey durbadiiba la kulmeen isku dhex yaac iyo awood aan sidaas u sii buurneen halka qaar eey soo bandhigeen Ciyaar nuuceeda loo yaqaan waan Nool nahay waana imaan doonaa Euro 2012.
Qaranka Portugal ayaa ku jira kuwa beerta galay oo gurigooda looga yaabsaday maadama eey ka maqnaayeen Macalinkooda oo 6-bil xiriirka caalamiga ah uu ku ganaaxay inuusan cag soo dhigi karin Kulamada Caalamiga ah iyo Laacibkooda Al: Cristiano Ronaldo oo dhaawac uga maqnaa.
Portugal ayaa Duco uga imaaneysay Taageerayaashooda ku fakatay maxaa yeelay Jasiirada Qubrus ayaa Gurigooda Cagaha uga tuntay weliba rabtay ineey Taariikh madoow oo Guul daro ah dhabarka u saaraan. Halkaan ka Daawo Ciyaartii dhex martay Qaranka Portugaal Vs Jasiirada Qubrus : http://www.youtube.com/watch?v=2z5FpbnwJ_o&feature=player_embedded.
Dalka England ayaa awood cusub oo la la yaabay la soo baxay waxaana eey soo bandhigeen Ciyaar nuuceeda loo yaqaan Hal mar Taabo kubada oo eey mar hore ugu dambeeysay Qaranka England ineey sidaan u ciyaaraan waxaana 3-gool oo aan caadi aheeyn u saxiixay Laacibka Tottenham Defoe. England oo 4 & 0 uu dhiibtay Qaranka Bulgaria oo uu watay Weeraryahanka Kooxda Man Utd Dimitry Berbatow ayaa u dhacday sidan. Halkaan ka Daawo : http://www.youtube.com/watch?v=yhRX2oMXQLs&feature=player_embedded
Qaranka Italy ayaa ka mid ahaa Kooxaha la soo dhisay ee Awooda la soo galay Garoomada is reeb reebka Koobka Qaramada Yurub 2012.
Talyaaniga oo ku dheelayey Guriga Xulka Estonia ayaa waxa eey ku badiyeen 1-2. Ciyaartaan ayaa waxaa kacsanaa Andreas Pirlo , Leonardo Bonucci iyo Antonia Cassano oo dhawaan Qaranka uu ku soo celiyey Tababare Brendeli. Halkaan ka Daawo : http://www.youtube.com/watch?v=dyDuNqPwRKI&NR=1
Xulka Germany ayaa ah weli mid adag in kastoo eey Guriga Qaranka Belguim 1-0 ku soo suul daareen waxaana Goolkaas u saxiixay Mirlo Klose Halkaan ka Daawo : http://www.youtube.com/watch?v=zNSjihZ50bc
Xulka Oranje ee Holland ayaa San Marino ku dur duriyey waxeeyna u dhiibeen 0-5, Niederland ayaa waxaa kacsanaa Laacibka eey kooxa Ac Milan iska iibisay ee Klaas Jaan Hunterlaar oo 3 ka mid goolasha eey Oranje ku badisay u saxiixay halka Ruud Van Nislelrooy oo lagu soo celiyey Qaranka Holland uu dhaliyey 1-gool waxaana kan 5-aad sii raacsaday Dirk Kuyt. Halkaan ka Daawo yaa celin doona Mustaqbalka Qaranka Holland ?? http://www.youtube.com/watch?v=o8Wq6OKCf4k.
Qaranka loo yaqaan Diiqa ee France ayaa weli ku jira Jiif dheer ka dib markii gurigooda eey 1-0 uga soo badiyeen Xulka Belarussia.
Halkaan ka Daawo Ceebta Laacibiinta isku tagtay ee Qaranka France uu dhibaatada ka heeysto halka eey ku wanaagsan yihiin Kooxaha eey u dheelaan ee Horyaalada Yurub : http://www.youtube.com/watch?v=-ucBrMmt5Dc
Xulka heeysta World Cup 2010 ee Spain ayaa waxa eey ku jiraan Riyo ah ineey ku darsadaan Euro 2012 maadaama eey weli yihiin Qaran adag oo cidii ka hor imaada Qararamsanayo. Spain oo Lichtstein 4-0 uga soo badisay ayaa waxaa goolasha iskugu faanay Fernaando Torres iyo David Villa oo mid 2-gool u saxiixay Xulkooda. Halkaan ka Daawo : http://www.youtube.com/watch?v=ilFd7EvRrrg
Filo Goor dhaw Barnaamishyada La Yaab iyo Ku biiri Aqoontaada Sport oo Maanta Top ah weliba xiiso gaar ah xambaarsan iyaga oo Video daawasho ah.