Waa markii 3-aad oo Xisbiyada dalka Turkiga eey cod bixin ku gaari waayaan Raisul Dawladaha Jagada dalkaas haya ee lagu magacaabo Mr.Recep Tayyip Erdogan. Raisulwasaare Erdogan waxaa xisbigiisa lagu magacaabaa AKP.
Wasiirul dawlaha ahna Reaisul wasaare Tayyip Erdogan iyo Xisbigiisa AKP ayaa la sheegay in Doorasha ama codadka eey ku guuleeysteen eey u sahashay Taageeradii eey ka heleen Shacabka Turkiga ka dib markii eey Xirashada Qamaarka Dumarka eey qaataan shuruud uga dhigeen Haweenka dalkaas Turkiga ineey Xirtaan xiliga Jaamacadaha iyo Marka eey ku sugan yihiin goobaha Ganacsiga iwm.
Xisbiga Mr. Erdogan ee AKP wexeey heleen codad dhan 50,1 Cod halka doorashadii ugu dambeeysay oo dhacday Sanadkii 2007 uu Xisbiga Raisulwasare Recep Tayyip Erdogan ka helay 47-Procent codadkii la qaaday.
Xisbiga Soozialka ee uu Doorashada uga guuleeystay Raisulwaree Erdogan oo lagu magacaabo CHP wexeey heleen Codad dhan 25,9 Prozent halka Mucaaradka Madaxweeyne Erdogan oo lagu magacaabo MHP eey ka heleen 13 Prozent.
Waxaa dhanka Dhibcaha ugu hooseeyey oo helay kaliyah 6,5 Prozent Shacab weeynaha laga tirada badan yahay ee Dunida looga yaqaan Kurdida waxaana Xisbigooda lagu magacaabo BDP . Erdogan waa shaqsi aad u jecel Ciyaarta kubada cagta mana laga waayo Garoomada Caalamiga ah marka eey Qaranka Turkiga dheelaayaan inkastoo Taageerayaasha kooxda heeysata Horyaalka Turkiga ee Fenerbahce Istanbul ku eedeeyeen Raisul wasaaraha Erdogan inuu si aan meel gambasho laheyn kooxda weeyn ee ka dhisan magaalada Istanbull waa Galatasaray Istanbul..
Halkaan ka Daawo Guusha Wasiirul dawlaha Turkiga Mr. Erdogan http://www.youtube.com/watch?v=bVhyp9PKxsI .
*** Madaxweeyne Bashar al-Assad oo bilaabay inuu Shacabkiisa Diyaarado ku duqeeyo & Caalamka oo helay Mar marsiiyihii eey la doonayeen Madaxweeyne Asad (Halkaan ka Daawo)
Inta badan Madaxweeynayaasha Macangagiinta ah ee wadamada Carabta ayaa si lagu weeraro oo xukunka looga tuuro la la´aa balse hada waxaa loo helay qorshe cusub oo Madaxweeynayaashaas loo dagay kaas oo ah in la weerari karo oo weliba la cunaqabateen karo marka uu mid ka mid ah Madaxweeynayaashaan bilaabo inuu Shacabkiisa Diyaarado ku duqeeyo iyaga oo Banaanbaxaayo.
Madaxweeyne Qadaafi ayaa ka mid ahaa Maquustayaashii Shacabkooda duqeeyey waxaana talaabadaas ku xigtay in isna maanta Hawada meel kasta laga xiro oo weliba saacad kasta la duqeeyo. Ciidamada Gaashaanbuurta NATO, EU-da iyo UN-ta ayaa dhoor jeer hanjabaad u diray Madaxweeynaha dalka Syria Mr.Bashar Al Asad oo Kurisiiga cidii ka hor timaadaa dhegta dhiiga u daray.
Waxaa maanta markii ugu horeeysay la soo bandhigay Diyaaradaha Helikoptarada Dawlada Syria oo kor ka duqeenaya dad iskugu soo baxay Banaanbax eey kaga soo hor jeedaan Madaxweeyne Asad.
Dhanka kale Xuduuda uu Turkiga la leeyahay dalka Syria ayaa waxaa ku xaniban oo ku dhibaateeysan dad tiradooda lagu sheegay 4.300 oo Qof.
Halkaan ka Daawo arinta Syria iyo Diyaaradihii oo bilaabay ineey Shacabka Duqeeyaan: http://www.youtube.com/watch?v=uKS8iV4Ke0A