LA YAAB : Wiilka Zinedine Zidane Enzo Zidane oo Wacdaro cusub la soo baxay iyo Ciyaartooy uu ka mid yahay Cristiano Ronaldo oo amaan balaaran u soo jeediyey Halkaan ka Daawo qaabka uu ula Tababarto waa weeynka Real Madrid ,Gambiskiisa iyo Caga Wareejiskiisa oo laga qeeyliyey. (+ Faaqidaada kulamada Maanta Uefa Champions League)
(LA YAAB SPORT) : Enzo Zinedine Zidane waa Wiil uu dhalay Mucjisadii hore ee kubada Cagta Mr.Zinedine Yazid Zidane waxana si toos ah loogu soo daray Laacibiinta waa weeyn ee kooxda Real Madrid. Xiddigaan Wacdaraha cusub la soo baxay waxa uu mudo dhoor sano ah ka mid ahaa Laacibiinta Junyarka kooxda Real Madrid balse markii uu Mucjisooyinkii Aabihiis la soo baxay ayaa si deg deg ah waxaa loogu soo daray Laacibiinta waa weeyn ee kooxda Real Madrid waxaana halkaas si buuxda ugu soo dhaweeyey macalin Jose Morinho.
" Qof aan xirfad wanaagsan laheeyn kuma soo daro Xiddigaha waa weeyn ee kooxda Real Madrid laakiin markaan arkay Qaabka uu Enzo Zidane Kubada u koontaroolaayo una Shuudaayo ayaan waxaan go´aansaday inaan ku soo biiriyo Xiddigaha waa weeyn ee kooxda Real Madrid ayuu yiri Macalinka kooxda Real Madrid Mr.Jose Morinho.
Enzo Zinedine Zidane mucjisada ugu yaabka badan ee uu la soo baxay wexeey tahay Kubada wuxuu u caga wareejiyaa sidii Aabihiis oo kale wuxuuna inta badan dabada ama dhabarka dabe xijiyaa Xiddigaha ka soo hor jeedo, Xariiftinimadaas oo lagu yaqaanay Aabihiis Zinedine Yazid Zidane.
Dhanka Shuutka waxaa ka qeeyliyey oo uu si weeyn ula saaxiibay laacibiinta kala ah Habi Alonso, Ricardo Kaka iyo Mesut mustafa Özil. Dhanka Bilisiyoonka (The Free Kick ) Heer wanaagsan ayuu ka gaaray wuxuuna dhoor gool ka soo xareeyey kooxaha Fc Barcelona iyo Fc Valencia qeeybta Juunyarka yar yarka.
" Enzo Zidane waa Xariif waxaana la yaabay markii uu isku dayey inuu aniga ii Gam Gambiyo waana Xiddig Mustaqbal weeyn ku leh Maslaxa kubada cagta ayuu yiri Cristiano Ronaldo oo lagu tiriyo Laacibiinta ugu Gambiska badan Ciyaaraha Kubada Cagta.
Wiilkaan uu dhalay Mucjisadii hore ee kubada Mr.Zinedine Yazid Zidane xiliga uu Tababaranaayo waxaa Laacibiinta kooxda Real Madrid nafta u keentay Saxaafiyiin iyo Joornaaliistayaasha Caalamka kuwooda Sportiga oo soo xaadira goobtaas waxaa sidoo kale yimaada goobtaas oo kor kala socda Qaladaadkiisa yar Laacibkii hore ee kubada Cagta Mr.Zinedine Yazid Zidane .
Enzo Zidane waa 16-jir wuxuuna ku koray ama mudo 2-sano gudahood ah u ekaaday sidii Xiddig 20 jir ah wuxuuna kubada ku raacdaa ama Gambis iyo Caga wareejis ku dhaafaa Laacibiin badan oo caan ah. Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=A4HyE72NHog .
*** Caawa waxaa la ciyaari doonaa kulamo adag oo ka tirsan koobka Horyaalada Yurub ee The Uefa Champions League.
Kulanka ugu adag waxa uu dhex mari doonaa kooxaha Fc Bayern Munchen Vs Manchester City wexeeyna kulankaan Saxaafada Caalamka u bixiyeen Lacag Vs Lacag oo eey kala jeedaan labada kooxood oo Qarash badan ku soo iibsaday Xiddigo caan ah.
Garoonka kooxda Fc Bayern Munchen ee Allianz Arena ayaa lagu wadaa inuu Caawa markii ugu horeeysay Taariikhdiisa koob joog ka noqdo Ciyaarta ama kor ka daawado Xiddigihii uu soo iibsaday Taajirka lagu magacaabo Sheekh Mansour bin Zayed Al Nahyan oo iska leh kooxda Man City.
Mansour bin Zayed Al Nahyan wuxuu kooxda Man City u suurto galiyey ineey soo iibsato Laacibiin eey ka mid yihiin Edin Dzeko (35 Milyan oo Euro), Sergio Agüero (44 Milyan oo Euro), Samir Nasri (27,5 Milyan oo Euro), Carlos Tevez (29-Milyan oo Euro) iyo Xiddiga caawa laga mabnuucay inuu ciyaaro kulanka Fc Bayern Vs Man City waa Mario Balotelli (29,5 Milyan oo Euro).
Fc Bayern oo inta badan Laacibiin badan ka dhaawacmi jireen ayaa kulanka caawa waxaa markii ugu horeey wada ciyaari doono Laacibiinta Sunta ah ee Basaskooda laga qeeyliyey waa Frank Bilal Ribery, Mario Gomez, Thomas Müller, Arjen Robben, Bastian Schweinsteiger, Kaptanka oradka badan Philipp Lahm, Jerome Boateng oo Man City laga soo iibsaday ,Kaptanka qaranka Beljemka waa Xiddiga dhirirka iyo Testada badan Daniel van Buyten iyo Goolhayaha cusub ee Qaranka Germany Manuel Neuer.
KOOXAHA KALE EE CAAWA WADA CIYAARI DOONA KOOBKA CHAMPIONS LEAGUE WEXEEY ISKU ARKI DOONAAN SIDAN:
Napoli Vs Villarreal, Man Utd Vs Fc Basel, CSKA Moscow Vs Inter Milan ,Trapzonsport Vs Lille, Otelul Galati Vs Benfica, Real Madrid Vs Ajax Amsterdam iyo Lyon Vs Dinamo Zagreb.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com