Wiilka Zidane oo Mucjisadii Aabihiis la soobaxay & Saxaafada Caalamka oo aad ugu Mashquulsan,+Wararkii ugu dambeeyey ee Sport. ( Halkaan ka Daawo Wacdaraha Wiilka Zidane oo u Ciyaara Real Madrid)
Enzo Zidane waa wiil yar oo uu dhalay Laacibkii weeynaa ee soo maray Qaranka France iyo Kooxaha Bordeaux , Juventus & Real Madrid Zinédine Yazid Zidane.
Enzo waa 15-jir u dheela Kooxda weeyn ee Real Madrid waxaana uu soo jiitay inta badan indhaha caalamka ka dib markii lagu arkay Mucjisooyinkii Aabihiis uu gaarka u lahaa ee iskala wareejinta deg dega ah ee kubada loo farsameeysto & Caga wareejinta beenta ah ee loo is ticmaalo marka aad dooneeysid inaad dhaafto ciyaaryahanka xiligaas kaa soo horjeedo.
Naadiga Real Madrid ayaa sheegay ineey dhibaato weeyn ka heeysato Joornaaliistayasha Sportiga ee Dunida oo soo buux dhaafiya meesha uu Tababarka ku sameeyo Enzo Zidane iyaga oo doonaya ineey duubtaan ama sawirtaan Xiddigaan cusub.
Laacibkaan Abihiis raacay ayaa waxaa sidoo kale aad loola yaabay ka dib markii uu goolal fara badan ka dhaliyey Kooxda Barcelona 15-jiradeeda oo kooxdiisa Real Madrid eey isku Horyaal yihiin.
Enzo Zinédine Yazid Zidane ayaa inta badan dadka Ciyaaraha qiimeeyo waxa eey sheegeen in uu mar uun soo caan bixi doono Laacibkaan yar balse taas ayaa hada run noqotay oo shalay iyo Maanta waxa eey Saxaafada Sportiga ee guud ahaan Caalamka ku mash quulsaneed wacdaraha Enzo Zidane.
Wararkii ugu dambeeyey ee Xiriiriye World Sport News waxa eey sheegayaan sidan:
*Xiddiga Qaranka Italy & kooxda Juventus Giorgio Chiellini ayaa Qandraaskii uu Juventus kula joogay waxaa la gaarsiiyey heshiis cusub oo 5-sano ah. Juventus ayaa ka shakisay kooxo badan oo Shukaansi hoose kula jiraay Giorgio Chiellini taas ayaana u sabaab ah ineey si la yaab leh 5-sano oo heshiis cusub ah loo dalacsiiyo Giorgio Chiellini.
*Wargeeyska Dalka Talyaaniga ugu magaca dheer ee Gazzetta dello Sport ayaa dood uu u qabtay Maanta Kooxaha Ac Milan iyo Inter waxa eey ku soo dhamaaday Caay iyo buuq.
Robinho ayaa waxa eey is caayeen Xiddiga Inter weerarka uga ciyaara ee Diego Milito, waxaa kaloo isku hanjabay Zlatan Ibrahimovic iyo saaxiibkiisii hore waa Meicon.
Robinho ayaa yiri sidan: Aniga waxaan qabaa 100% koox sanadkaan awood leh oo Milan & Barcelona aheeyn ineeysan jirin. Balse Diego Milito ayaa ugu jawaabay sidan: Robinho kabo ka lambar waa weeyn ayuu gashan yahay ee ha iska siibo hana ka fakaro sidii uu Horyaalka Talyaaniga ula qabsan lahaa.
Meicon ayaa sheegay ineey Zlatan Ibrahimovic eey ka dhamaatay taas cadeenteedana weeydiiya Macalinka Barcelona oo Ibrahimovic Binji intuu ku cabay hadana qiimo yar iskaga iibiyey.
Ibrahimovic ayaa ugu jawaabay Meicon difaaca Inter Sidan: Nin dadka Jilaafo oo Kubada & Difaaca meel aan laga marao aqoon Qaladna ka fahmay Ciyaaraha ma rabo inaan waqti ku qasaariyo.
Akhristoow ilaa Doraad ayeey doodaan kulul socotay waxaana cad in Sanadkaan Horyaalka Talyaaniga uu qatar ugu jiro Rabshado aan ebid soo marin maadaama eey dhaarta iyo caayda Ciyaartooyda Taageerayasha labada kooxood dab ku sii shideeyso.
*Fadeexadii Weeraryahan Weyne Rooney ayaa waxa ab ku sii shiday Saxaafada caalamka. Rooney ayaa waxaa soo shaac baxday inuu haween kale la seexday isaga oo Xaas leh. 2004-kii ayey eheed markii Weyne Rooney Lacago badan oo ganaax ah laga qaaday ka dib markii lagu helay inuu haweenka jirkooda ka ganacsado uu si sharci daro ah kula seexday.