Faalo : Kooxda Newcastle United oo Man Utd Bareejo ku qabatay , Waa sidee Rajada Arsenal ee Horyaalka Ingiriiska , Maxaad kala socotaa qaabka loogu kala horeeyo Dhanka Gooldhalinta ? (The North London derby) * Inter Milan oo As Roma ku Ciil baxday * Kooxaha Real Madrid Vs Fc Barcelona Maxaa kala heeysta Caawa Koobka Boqortooyda Reer Spain (Halkaan ka Daawo kulamo adag oo dhacay )
*** Kooxda Newcastle United oo ku ciyaareeysay Garoonka eey maamusho ee St. James Park ayaa 0-0 la isku faro murxay wexeey ku qabatay kooxda Manchester United oo sanadkaan isku diyaarisay Dabaal dega Horyaalka Premier League mar keedii 19-aad.
Manchester United waxaa fursado qaali ah ka qasaariyey Ciyaartooyda kala ah Wayne Rooney, Ryan Giggs, Luis Nani & Javier Hernandez. Kooxda Newcastle United mar eey uga badiso Man Utd garoonka St. James Park waxaa ugu dambeeysay sanadkii 2001. Man Utd oo laga soo reebay FA-Cup-ka waxaa ciyaartaan u saftay oo ganaax 3-kulan ah dib uga soo laabtay weeraryahankooda Mark Wayne Rooney.
*** Kooxda Fc Arsenal ayaa lagu wadaa ineey Caawa ka faaideeysato bareejada lagu qabtay Man Utd wexeeyna fooda is dari doonaan Naadiga eey dariska yihiin ee Tottenham Hotspur , kulanka Tottenham Vs Arsenal waxaa Caalamka looga yaqaan (The North London derby) .
Fc Arsenal hadeey kulanka Tottenham badin weeyso xaaladu waa quus iyo Man Utd ha Qaadato Horyaalka Premier League 2010/11. kooxda The Gunners (Fc Arsenal) hadeey caawa garaacdo Tottenham wexeey yeelan doontaa 66-Dhibcood oo nadiif ah waxaana dib u soo noqon doono Xiisihii Horyaalka Ingiriiska maxaa yeelay Man Utd oo 70-Dhibcood Jeebka ku wadato wexeey 1-da Bisha Meey oo fooda inagu soo heeysa si toos ah ugu safri doontaa kulanka kala baxa ah ee Fc Arsenal Vs Manchester United oo ka dhici doona Garoonka weeyn ee Emirates Stadium oo eey kor ka maamusho kooxda Fc Arsenal.
Dhanka Tottenham lama dhaleeysan karo oo sanadkaan Dhinac kaste ayeey ka dhisan tahay, Tottenham wexeey xili ciyaareedkaan jabiyeen dhoor Iskoor oo Taariikh mudan waxaana ka mid ahaa kuwaan : Koobka Champions League wexeey soo gaareen ama soo caga dhigteen ilaa 8-ta kooxood ee ugu dambeeysa wexeeyna Tottenham Bishii Novembar 2-3 ku soo garaaceen kooxda Fc Arsenal oo ku ciyaareeysay Gurigeeda Emirates Stadium waana markii ugu horeeysay mudo 17-sano ka dib guul nuucaas ah eey Tottenham gaarto.
Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=H_7BNmzaIXk
Kulanka kale ee Caawa dhanka Premier League dhici doono waxaa ka mid ah sidan : Fc Chelsea wexeey u dhaarsantahay kooxda Birmingham City oo ugu imaan doonto Gurigeeda Stamford Bridage oo gebi ahaanba lagu wado Caawa inuu Midabka Buluuga ah isku badalo . Horyaalka Ingiriiska oo la Ciyaaray kulankiisii 33-aad waxaa 70-Dhibcood aruursatay Kooxda Shayaadiinta cas cas ee Man Utd , Arsenal & Fc Chelsea oo kulanka Caawa uu baaqi u yahay wexeey kala leeiihiin 63-Dhibcood & 61-Dhibcood.
Kooxaha Man City iyo Tottenham oo sanadkaan isa soo qalabeeyey wexeey kala leeyihiin : Man City 56-Dhibcood, Tottenham 53-Dhibcood. Fc Liverpool oo kaalinta 6-aad soo gar guuraneeysa wexeey leedahay 49-Dhibcood, Everton oo eey isku magaalo yihiin ayaa ku xigta wexeeyna leedahay 47-Dhibcood. Horyaalka England waxaa ka harsan 5-kulan oo kaliyah.
*** Gooldhalinta Premier League waxaa 21-Gool ku hogaaminaayo Weeraryahanka Qaranka Bulgaria & Man Utd Dimitar Berbatov. Kaalinta 2-aad Gooldhalina waxaa xirtay Xiddiga Qaranka Argentina & Man City Carlos Tevez oo 19-Gool shabaqa ku hubsaday.
Kaalinta 3-aad dhanka Gooldhalinta waxaa si Layaab ah ku soo degay Weeraryahanka Cusub ee Qaranka England iyo kooxda Aston villa/EX-Sunderland Darren Ashley Bent oo 14-Gool dhaliyey kana kor maray Andrew Carroll Fc Liverpool (13-Gool) .
*** Kooxda Inter Milan oo kulamadii ugu dambeeyey ee Horyaalka Talyaaniga & koobka Champions League isku dhex yaac balaaran iyo Guuldarooyin is xigay lagu arkay ayaa wexeey ku Ciil baxday Koobka dalka Talyaaniga kooxda As Roma.
Inter oo As Roma 0-1 ku soo tuntay Coppa Italia waxaa goolka u saxiixay Daqiiqadii 45-aad Xiddiga Qaranka Serbia Dejan Stankovic . Ciyaarta ka dib Kaptanka kooxda Inter Javier Zanetti oo SkySport la hadlay waxa uu yiri sidan : " Waxaan raali galin weeyn u soo jeedinayaa Taageerayaasha kooxda Inter meel kasta oo eey Dunida ka joogaan waxaana u sheegayaa ineey Ceeb nagu noqotay inaan Difaacan weeyno 3-dii Koob ee Sanadkii la soo dhaafay aan kooxda u soo xareenay balse hada mid ka mid ah guul ayaanu ka sidnaa. !! . Kaptan Javier Zanetti waxa uu kala jeeday hadalkaas sida iska cad kooxda Inter oo Champions League Daaqada laga soo saaray, Horyaalka Talyaaniga oo Ac Milan la dhuumatay ama Dhibco badan ka kor martay wuxuuna qiray halka Fursad ee u hartay ineey tahay sidii eey Koobka Talyaaniga u difaacan lahaayeen maadaama Koobabkii kale xaaladooda eey xumaatay.
Coppa Italia waxaa ilaa iyo hada Semifinalka iskugu soo haray kooxaha kala ah Ac Milan Vs Palermo oo Caawa wada Ciyaari doona iyo Inter Vs Roma oo is aragii xalay ka dhacay Guriga Roma lagu soo qararamsaday kooxda As Roma oo ka xishoon la Maalqabeenka Cusub ee Mareykanka ah oo dhawaantaan iibsday.
Halkaan ka Daawo Ciyaartii As Roma Vs Inter >>> http://www.youtube.com/watch?v=KRFl7fDyOPY .
Filo Goor Dhaw >> Faaqidaada Koobka Boqortooyda Reer Spain oo Caawa Kooxaha Real Madrid Vs Fc Barcelona Ciyaartiisa Finaalka ah isku arki doonaan iyaga oo joogo Garoonka kooxda Valencia. Dhanka kale Filo Barnaamishka La Yaab Sport oo aan idinkugu heeyno Aktarad caan ah oo Jaceyl ku abuurtay 4-Ciyaaryahan oo Caalamka si weeyn caan uga ah markii dambena la saaxiibtay mid ka mid ah Laacibiintaas halka mid hore uu Wiil uga dhalay, La Yaaaab Sport & Xiriiriye.com.
Waxaa sidoo Qadka ku soo jiro Barnaamishkii Hal Xiraalaha & Su´aasha Hal Xiraalaha cusub oo noqotay mid aad u xiiso badan.
|
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
|
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com | | | | |