Jaraaidyada Madrid " Pep Guardiola & El Mundo Wexeey Waalayaan Messi wexeeyna dhegta ugu sheegeen Abaalmarin kasta ineeysan Gacantiisa dhaafi doonin balse FIFA Ballon d' Or sahal ma noqon doonto,,
Horaa loo yiri Qosol Hiilo waa galaa. Saxaafada dalka Spain waxaa ka dhex aloosan Dagaal Sokeeye oo ka soo biloowday u kala hiilinta kooxaha dalkaas Qabqablaha ka ah ee kala ah Fc Barcelona iyo Real Madrid.
Jaraaidyada ka soo baxa magaalada Madrid ma aheeyn kuwo si toos ah ula saftay kooxda Real Madrid balse Jaraaidyada ka soo baxa Gobolada Catalonia iyo dhanka magaalada Barcelona wexeey si aan geed loogu soo gamban ula Safteen Naadiga Fc Barcelona oo ay u arkaan Kooxda ugu qatarsan Caalamka xiligaan la joogo.
Isbuucaan Gudihiisa hadaladii ay qoreen Saxaafada Taageerta kooxda Fc Barcelona gaar ahaan Jaraaidka weeyn ee lagu magacaabo El Mundo Deportivo wuxuu noqday mid u cuntami waayey guud ahaan Saxaafada dalka Spain gaar ahaan kuwa ka soo baxa magaalada Madrid.
El Mundo Deportivo ayaa waxa uu leeyahay Abaalmarinta ugu qaalisan Dunida ee Xiddiga Sanadka 2011 (FIFA Ballon d' Or ) waxaa qaadi doona Leo Messi hadii ay dhaafto Messi-na waxaa jeebka gashan doona Xavi Hernandez.
Markii ugu horeeysay Shalay iyo Maanta waxaa boorka iska jafay oo Niyada u dhisay Laacib Cristiano Ronaldo Saxaafada Madrid oo soo tuurtay hadalo kulul oo aan horay looga baran waxaana ka mid ahaa kuwaan "FIFA Ballon d' Or ma noqon doodo sahal mana jirto magaalo qaas ah oo isa siin karta inta aan la bixin ama lagu dhawaaqin,, : " Macalin Pep Guardiola iyo El Mundo Messi ayeey Waali ku rideen iyadoon la gaarin xiligii Abaalmarinta,,
Arinta ugu yaabka badneed ee u cuntami weeysay dhamaan Bahda Ciyaaraha Kubada cagta wexeey noqotay War uu qoray El Mundo Deportivo kaas oo lagu tilmaamay Riyo la la soo deg degay wuxuuna Warkaas ahaa sidan " FIFA Ballon d' Or waxaa sanadkaan leh Xiddig ka tirsan Fc Barcelona, Sanadka xiga waxaa qaadi doona oo isna u soo xero gelin doona kooxda Fc Barcelona Ciyaaryahan Cesc Fabregas,, !!!!