El Clasico oo soo rogaal celiyey : Kooxaha Real Madrid Vs Fc Barcelona oo Sanad gudihiis markii 8-aad kulmi doono iyo Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News.
*** Waxaa lagu wadaa markii 8-aad mudo Sanad gudihiis ah ineey fooda is daraan kooxaha waa weeyn ee kala ah Real Madrid iyo Fc Barcelona. Kulanka ay iskaga horyimaadaan kooxahaan ayaa guud ahaan waxaa Caalamka looga yaqaan (El Clasico). Isku dar Sanadkaan gudihiisa kooxaha Fc Barcelona Vs Real Madrid wexeey isku arkeen Kulamo badan oo ka tirsan Koobka Champions League,Horyaalka La Liga,Koobka Boqortooyda Spain iyo Super-koobaha dalka Spain.
Kooxaha Real Madrid iyo Fc Barcelona oo soo baxay Koobka dalka Spain waxaa Isku aadkii ugu dambeeyey ee la sameeyey ku soo kala aaday Kooxo jilicsan kuwaas oo hadii ay ka soo badiyaan si toos ah fooda isku dari doono.
Real Madrid waxaa ku soo aaday Fc Malaga, dhanka Fc Barcelona waxaa iyana qoorta loo galiyey naadiga Osasuna. Real Madrid iyo Fc Barcelona hadii ay soo dardaraan Malaga iyo Osasuna wexeey si toos ah isku arki doonaan 2-Kulan oo kala dhici doona 18 Bisha Janaayo iyo 25-ka bisha Janaayo sanadka 2012.
Bulsho weeynta Ciyaaraha xiiseeysa ee aan Taageerin labadaan kooxood ayaa mar walba wexeey iska jecel yihiin ineey isku dhacaan Fc Barcelona Vs Real Madrid waxaana sabab looga dhigay Labadaan kooxood oo Laacibiin caan ah soo aruursaday kuwaas oo soo bandhiga marka ay isku dhacaan Ciyaar farsamo xambaarsan oo aad loo jecleeystay.
*** Ciyaar-sameeyaha Qaranka Neeyjeeriya iyo kooxda Hoffenheim ee horyaalka Germany Chinedu Obasi waxaa si toos ah ula soo wareegtay kooxda Fc Schalke oo iyana ka dhisan Horyaalka Bundesligaha dalka Germany. Chinedu Obasi oo 25 jir ah waxaa Toosh ka daba watay kooxo badan balse markaan waxaa Calaf u yeelatay kooxda Fc Schalke.
***Nin Maalqabeen ah oo lagu magacaabo Dimitri Ribolowlew una dhashay dalka Ruushka ayaa waxa uu iibsaday kooxda As Manaco oo xili ciyaareedkaan loo tuuray dhanka Serie B-da horyaalka dalka Faransiiska.
Maalqabeenkaan oo 45-jir ah wuxuu balan qaaday inuu booskeedii iyo Sharafteedii ku soo celin doono kooxda As Monaco oo Taariikh ahaan horyaalka dalka Faransiiska heeysata 7-jeer.
*** Ex-Player Diego Simeone wuxuu si toos ah ula wareegay Jagada Macalinimo ee kooxda Atletico Madrid oo dhoor maalmood ka hor laga buriyey Macalinkoodii hore Mr.Gregorio Manzano .Diego Simeone waa Kaptankii hore ee Qaranka Argentina waxaana hada lagu wadaa inuu dhulka ka soo qaado kooxda Atletico Madrid oo xili Ciyaareedkaan Laacibiin wanaagsan soo iibsatay balse gadaal Boolo ka noqotay ka dib markii ay waayeen Tababare wanaagsan.