El Clasico : Faaqidaada kulanka adag ee Caawa dhex mari doona kooxaha Real Madrid Vs Fc Barcelona iyo Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News.
(El Clasico Kulankiisii 163-aad) Hadal heeynta ugu badan dhanka Saxaafada Caalamka waxa uu noqday Ciyaarta Caawa horyaalka La Liga dhex mari doonta kooxaha Ifka iskugu neceb ee kala ah Real Madrid Vs Fc Barcelona (Sabti 22.00 Habeenimo).
Laacibiintii horay ugu soo ciyaaray labadaan kooxood wexeey si weeyn iskugu qilaafeen kulaankaan balse intooda badan wexeey leeyihiin markaan waxaa badin doonto kooxda Real Madrid oo maalmahaan dambe awood cusub la soo baxday ka dib markii ay si weeyn iskula qabsadeen Laacibiinteeda.
Kooxda Real Madrid oo ku ciyaareeysa Garoonkeeda Santiago Bernabeu wexeey Fc Barcelona ka hor tagi doontaa kulanka caawa iyada oo wadata iskoor cusub kaas oo ah 15-Guul oo xiriir ah waa marka la isku daro kulamadii ugu dambeeyey ee Horyaalka dalka Spain iyo Koobka Champions League.
Real Madrid Lixdii kulan ee koobka Champions League dhamaan weey wada badisay wexeeyna dhaliyeen 19-Gool halka laga dhaliyey 2-Gool oo kaliyah.
15 kulan oo Xiriir ah ayeey kooxda Real Madrid Guul dhex dabaalaneeysaa ,Iskoorka nuucaan ah kooxda Real Madrid waxaa ugu dambeeysay 51 sano ka hor waxaana heeysta oo xiligaas kacsanaa Laacibiinta kala ah Alfredo di Stefano iyo Ferenc Puskas waana Sanadihii 1960/61 .
Difaaca kooxda Fc Barcelona Gerard Pique wuxuu Warbaahinta Caalamka siiyey War u ekaa mid hanjabaad ah wuxuuna yiri sidan " El Clasico markaan maqalno oo Real Madrid aragno ayaanba kacsanaa,,
Cristiano Ronaldo oo Skysport siiyey Wareeysi u ekaa mid Jawaab u ah Ciyaaryahan Gerard Pique wuxuu yiri sidan " Real Madrid ma ahan Reayaltii hore waxaana naga go´an oo isku raacnay inaan wacdaro dhigno,,
Ciyaaryahan Leo Messi oo ah Darawalka kooxda Fc Barcelona iyo Laacibiinta kala ah Xavi Hernandez & Andrea Iniesta weey diideen Ciyaartaan ka hor ineey hadlaan wexeeyna iska hor wareejiyeen Mikrofoonkii qal qalka laga galiyey.
Telefishinada Caalamka gaar ahaan goobaha Qamaarka lagu dheelo waxaa la kala dhigtay Boqolaal kun oo Euro . Qaar ka mid ah Shirkadaha Su´aalaha weey diiya dadka Lacagta dhigtay kulanka El Clasico wexeey eheed in la sheego Xiddigaha u ciyaara Labada kooxeed ee Real Madrid Vs Fc Barcelona Xiliga ay Goolasha kala dhalin doonaan Ciyaarta qeeybteeda hore ama qeeybteeda dambe iyo weliba in la sheego Xiddiga is xoreeyn doona ee kooxdiisa Goolka u dhalin doona.
FIIRO GAAR AH : Macalimiinta labadaan kooxood ee kala ah Jose Morinho & Josep Guardiola weey ka gaabsadeen ineey kulankaan ka war bixiyaan waxaana sabab looga dhigay arinkaas labadaan kooxood oo xili ciyaareedkaan aad u kala cabsanaya .
Horyaalka La Liga ee dalka Spain oo la ciyaaray ilaa hada Kulankiisii 14-aad waxaa 37-Dhibcood ku hogaamineeyso kooxda Real Madrid, Fc Barcelona oo ku soo xigtana wexeey leedahay 34-Dhibcood balse 15-kulan ayeey Fc Barcelona ciyaartay waxaana Real Madrid u harsan hal kulan oo baaqi ah.
***DHANKA WARAR KII UGU WAA WEEYNAA SPORTIGA CAALAMKA WAXAA KA MID AH KUWAAN:
*** Macalinta Qaranka Holland Mr.Bert van Marwijk waxaa loo kordhiyey Qandaraaskii uu kula joogay Xulka Holland waxuuna saxiixay Heshiis cusub oo ku eg ilaa bisha Juulay sanadka 2016-ka.
Mr.Bert van Marwijk Qaranka Oranjiga Holland wuxuu la wareegay Bishii Juulay sanadkii 2008 wuxuuna World Cup 2010 keenay Xiddigaha Holland Finaalkii Koobka Adduunka xiligaas oo Qaranka Spain ay uga qaadeen 1-0 Ciyaar ka dhacday dalka South Africa.
Macalin Bert van Marwijk Sanadka fooda inagu hayo ee 2012 waxaa sugeeyso Shaqo aad u adag maadaama Qaranka Holland ay dhexda ka gashay isku aadkii Euro 2012 Xulalka Germany, Portugal iyo Denmark waxaana guruubkaas Caalamka looga aqoonsaday Horror-Group (Guruubkii bahlo galeenka).
*** Kooxda Juventus oo la qaban la yahay Xili Ciyaareedkaan wexeey soo baxday oo 2-1 ku tuntay koobka dalka Talyaaniga kooxda Bologna (Coppa Italy ).
Goolasha ay ku badisay kooxda Juventus waxaa u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Emanuele Giaccherini iyo Xiddiga Qaranka Italy Claudio Marchisio oo maalmahaan dambe Shabaqa daris la noqday (Goolal dhalis).