Faalo : Kulanka EL Clasico ee Barcelona Vs Real Madrid oo noqday Caalamka midka ugu hadal heeynta badan, Maxaad kala socotaa Taariikhda labada kooxood iyo awooda eey hada leeyihiin? ( Halkaan ka Daawo Barnaamish qaas ah oo Xiriiriye idiin diyaaryashay+Nasashada Axada
Idaacadaha, Joornaalada, Telefishinada Caalamka ayaa dhamaantood waxa eey Isbuucaan afka ka qaadi waayeen Ciyaarta kulul ee beri oo Isniin ah lagu wado ineey dhex marto 21:00 kooxaha Sanadkaan sida weeyn isku soo abaabulay waa Fc Barcelona Vs Real Madrid.
Kulankaan ayaa waxaa loo baxshay ama lagu Magacaabay sidan: Lionel Messi Vs Cristiano Ronaldo, Josep Guardiola Vs Jose Morinho, Xavi hernandez Vs Xabi Alonso, Iker Casillas vs Victor Valdes, Sergio Ramos Vs Gerard Pique, Mesut Ozil Vs Andres Iniesta wexeeyna Saxaafada Sportiga ee Dunida ugu caansan daba dhigeen war bixintaan iyo Laacibiitaan uu Tartanka EL Clasico dhex yaal sidan (Who is the better ??? )
Hadaanu ku hor marno 10-kii kulan ee dhexmaray kooxaha Barcelona Vs Real Madrid kuwii ugu dambeeyey ayaa waxa eey isku mac salaameeyeen qaabkaan (Waa 2-kulan, Guri & Guri kale)
Real Madrid - FC Barcelona 0:2 (09/10)
FC Barcelona - Real Madrid 1:0 (09/10)
Real Madrid - FC Barcelona 2:6 (08/09)
FC Barcelona - Real Madrid 2:0 (08/09)
Real Madrid - FC Barcelona 4:1 (07/08)
FC Barcelona - Real Madrid 0:1 (07/08)
FC Barcelona - Real Madrid 3:3 (06/07)
Real Madrid - FC Barcelona 2:0 (06/07)
FC Barcelona - Real Madrid 1:1 (05/06)
Real Madrid - FC Barcelona 0:3 (05/06)
Taariikhda kulanka EL Clasico ayaa guud ahaan isku dheeli tiran marka laga reebo 2-kulan oo ka yaabsaday dadka daawada ama Jecel EL Clasico wexeeyna kulamadaan kala ahaayeen labo is arag oo 10-Gool la iska dhaliyey, 1934-tii kooxda Real Madrid waxa eey Fc Barcelona ku garaacday 8-2, 1943-dii waxa eey labada kooxood ku kala baxeen 5-5 xiligaas wixii ka dambeeyey labada kooxood iskama dhalin goolal sidaas u tiro badan maadaama eey si weeyn u adkeeyeen Difaacyadooda.
Garoonka kooxda Real Madrid waxaa lagu magacaabaa Santiago Bernabeu waxa uu garoomada caalamka dheer yahay oo inta badan dadka ciyaaraha daawada ka yaabsatay Qoraxda oo Garoonka dhexdiisa iftiimisa iyo Dadka daawadayaasha ah oo Hoos madoow uu hayo sidii ineey Daruur ku dhex jiraan camal. Sanad ka hor mar aan tagay ayaa waxaan la yaabay oo afarta dhinac iskaga Timaado Basas iyo Tareemo tiradii ka batay oo cid kastoo Beniaadan ah isku qaldi leheed maadaama Lambarada lagu raaco ama korka uga qoran eey aad iskugu egyihiin marka laga reebo Basaska ka yimaada North-East Madrid The City Centre. oo kala ah Line 14, 27, 40 , 43, 120, 147 & 150. Waxaana inta badan Buuxo oo aadan boos si wanaagsan uga heleen Tariinka dhulka hoostiisa mara ee loo yaqaan (Metro) Lambarkiisa Line 10-ka oo xiliyada eey Real Madrid ciyaareeyso dhamaan uu noqdo Funaanada Adidas ee Cadaanka ah garbahana ku leh midabka Baluuga.
Garoonka kooxda Barcelona Faalo dheer uma baahno oo cid kasta ayaa garaneeyso waana Camp Nou oo waxa uu qaadaa oo Xamaali u yahay Taageerayaasha ugu tirada badan Qaarada Yurub oo ka kooban 98.787 Daawade wuxuuna ku yaalaa Maagaalo Xeebeed aad u qurux badan oo eey iskugu yimaadaan dadka Taajiriinta ah ee fasaxyda iyo arimaha dalxiiska jecel.
Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa waxa eey leeyihiin magacyo u gooni ah oo inta badan Dunida looga yaqaan waana sidan : Barcelona waxaa loogu yeeraa Catalunya ama Catalonia waa Boqortooyo si weeyn looga qadariyo dalka Spain.
Real Madrid ayaa waxaa dhamaan Caalamka looga yaqaanaa (Calaticos) waxaa kaloo lagu magacaabaa Boqorada Yurub balse taas waxaa ka diiday oo inta badan been iyo faan ku tilmaamay Gaashaankana u daruuray kooxaha eey ka mid yihiin Man Utd, Juventus, Inter, AC Milan, Bayern Munchen, Fc Chelsea, iyo Fc Barcelona.
Horyaalka Spain ee La Liga kalama harin labadaan kooxood oo Isbuuc kasta Qoorta ayeey iskula jiraan wexeeyna u kala horeeyaan qaabkaan : Real Madrid waxa eey safatay 12-kulan 10-jeer weey badisay, 2-jeer Bareejo ayeey gashay, Weli lagama badin, 33-gool ayeey dhalisay , 6-gool waa laga dhaliyey 32-Dhibcood oo nadiif ah ayeey leedahay.
Fc Barcelona 12-Kulan ayeey ciyaartay, 10-kulan weey guuleysatay, 1-jeer Bareejo ayeey gashay, 1-jeerna waa la garaacay, 33-gool Shabaqa ayeey ku hubsatay waxaana laga dhaliyey 8-Gool, waxa eey leedahay 31-Dhibcood.
Kulanka EL Clasico in si weeyn loo xiiseeyo sanadkaan ayaa waxaa ugu wacan 3-arimood. 1.waxaa isku arki doono ciyaartaan dhamaan Ciyaartooydii ka soo qeeyb qaadatay World Cup 2010. 2.waxaa u kala ciyaara kooxaha Barcelona Vs Real Madrid Ciyaartooyda Dunida ugu Khaalisan gaar ahaan kuwa ugu magaca dheer ee ciyaaraha kubada cagta sida weeyn loogu qadariyo. 3.waxaa EL Clasico isku arki doona oo aan kala xishoon doonin ama Axsaan isku fali doonin Laacibiinta kala ah Cristiano Ronaldo Vs Lionel Messi oo xiligaan la joogo Qab Qableyaal ka ah maslaxa kubada cagta ee caalamka.
Waxaa intaas u sii dheer Leo Messi & Cristiano Ronaldo waxeey isku heeystaan Gooldhalinta Horyaalka Spain ee La Ligaha. Cristiano Ronaldo ayaa ilaa hada waxa uu dhaliyey 12-kulan oo uu saftay 14-Gool, balse waxaa ka hari la oo sabab u noqday inuu wadnaha Farta ku haayo Lionel Messi oo 13-Gool Shabaqa ku hubsaday.
Kulankaan ayaan si weeyn loogu wareersan yahay waxaana gacan ka taagay oo diiday ineey saadaaliyaan Qabiiradii Sport ee looga dambeen jiray Saadaalinta ciyaaraha caalamiga ah sida : Zidane, Beckham, Figo, Van Nistelrooy, Michael Owen, Raul, Guti, Rivaldo & Ronaldinho oo dhamaantood u soo kala ciyaaray kooxahaan is diidan weexeeyna sabab uga dhigeen FC Barcelona oo Gurigeeda Camp Nou Bahlo galeen ku ah weliba loogu yeero xiliga eey halkaas ku ciyaarayaan (Godkii Naarta) wexeeyna inta badan Cagaha ka tumaan iyaga oo Dhibil dab ah korka uga shubo kooxaha Martida u ah ee ka kala yimaadada Magaalooyinka kala duwan.
Waxaa kaloo in Ciyaartaan la saadaaliyo diiday oo Isbaaro u dhigtay Mucjisooyinka macalinka kooxda Real Madrid Jose Morinho oo ah Tababaraha kaliyah ee mudo ka yar 15-Daqiiqo ciyaarta kaartadeeda ama Taktikadeeda ku badali karo wuxuuna Qeeybta 2-aad marka la isku soo laabto Ciyaartooyda soo galiyaa Garoonka iyaga oo Boosas cusub taagan wexeeyna taas sabab u noqotaa Jahwareer iyo isku dhex yaac ku yimaado Tababarayaasha kale oo aqoon waaya sida eey mar labaad ciyaartooyda u daba dhigaan ciyaaryahanada maadaama booskii uu nin kasta soo raaciyey uu taagan yahay Xiddig cusub oo aan la daba dhigin markii hore. (La Yaab). Halkaan ka Daawo Cristiano Ronaldo oo kulankaan laga wareeystay waxa uu ka yiri : http://www.youtube.com/watch?v=WYOKsO2kGnU&feature=player_embedded.
Halkaan ka Daawo kulamadii ugu dambeeyey ee kooxaha Barcelona iyo Real Madrid oo eey hor boodayaal u yihiin Cristiano Ronaldo iyo Leo Messi oo Goolal iskugu faanay iyaga oo hawada isku soo mariyey ineey koox kasta dhankeeda adag tahay : Barca >>
http://www.youtube.com/watch?v=YZ2t9Gbh3Qc&feature=player_embedded
Real Madrid >> http://www.youtube.com/watch?v=oit0Fr5GeMQ&feature=player_embedded
Ugu dambeentii Waxaan Faaladaan ku soo gaba gabeenayaa sidan: >> Yaa Dhulka lagu jiidi doonaa oo la ceebeeyn doonaa EL Clasico ?
Yaa Sharafta laga qaadi doonaa oo dharka laga dhigi doonaa isaga oo Qaawana la diri doonaa Messi Vs C.Ronaldo ?
Filo goor dhaw Barnaamishka La Yaab oo maanta aad u xiiso badan ka dib markii Ciyaaryahan ka tirsan kooxda Real Madrid laga waayey Liiska Cuntada ee Beri, wuxuu xiddigaan diiday inuu beri Quraacda iyo Qadada cunto dalbado, waa maxay Sababta? Warkaan oo uu soo daayey maanta Tv-ga Spain ETB Sat ayaa waxaanu hada ku wadnaa Tarjumis, filo goor dhaw isaga iyo Faaqidaada Horyaalada oo la ciyaaray iyo weliba Madaxweyne Barack Obama oo Reero Sports ah ayaa ku dhaawacmay Ciyaar isaga oo ciyaaraya..Filo goor dhaw Sawiro iyo muuqaalo kala duwan.
Waxaa Diyaariyey oo Tarjumay: Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com