Deg Deg :El Clasico >> Santiago Bernabeu-Stadium 1:3 ;* Barca oo Real Madrid ku Raaxeeysatay,* Cristiano Ronaldo oo Cagihii Baraf noqdeen & System-ka Jose Morinho ee 4-2-3-1 oo la isku fahmay (Halkaan ka Daawo Faaqidaada Ciyaartii kululeed ee Real Madrid Vs Fc Barcelona)
(Faalo El Clasico) : Garoonka kooxda Real Madrid ee Santiago Bernabeu waxaa laga waayey hal Kursi oo banaan waxaana soo xaadirtay 80.000 oo Taageere.
Bilowgii Ciyaarta Ilbiriqsigii 22-aad ayuu Weeraryahan Karim Benzema Xiddigaha Reer Catalonia (Fc Barcelona ) ku riday waxa loo yaqaan (Shock) Naxdin.
Goolkii uu dhaliyey Weeraryahan Karim Benzema la iskagama harin oo Fc Barcelona waxaa Ciyaarta 1-1 ka dhigay una Bareejeyey Real Madrid Xiddiga Qaranka Chile Alexis Sanchez oo xili ciyaareedkaan ka yimid dhanka kooxda Udinese Paas qurxoona ka helay Leo Messi, Goolka wuxuu dhaliyey Sanchez oo maalmahan laga yaaban yahay Daqiiqadii 30-aad.
Qarshada Qadka dhexe Xavi Hernandez oo Real Madrid ka dhaliyey goolka 2-aad Daqiiqadii 53-aad waxa uu u dabaal degay Safashada kulankiisii 600-aad intii uu watay Maaliyada kooxda Fc Barcelona.
Goolka 3-aad waxaa ka xareeyey Real Madrid Cesc Fabregas Daqiiqadii 66-aad ka dib markii uu Paas Cajiib ah ka helay Xiddiga Qaranka Brazil Dani Alves.
Laacib Cristiano Ronaldo waxaa ka muuqday Qal Qal xoogan wuxuuna ka qasaariyey kooxdiisa Real Madrid fursado qaali ah balse waxaa ugu darneed Daqiiqadii 65-aad markii uu dhalin waayey Jaanis uu ku helay goosha oo cidla ah (Cagihii ayaa Baraf noqday Laacib C.Ronaldo).
Qabiirada Sportiga qaar wexeey leeyihiin ma habooneen inuu Macalin Morinho siibo Laacib Mesut Özil. Xiddigihii la isku gaaday ama la rabay in dhanka Shaxda la isku qiyaameeyo ee badalka ku soo galay Ciyaarta wexeey kala ahaayeen : Ricardo Kaka, Sami Khadera ,Ganzalo Higuain, David Villa, Petro Rodriguez iyo Seydou Keita .
Shaxda ama System-ka cusub ee uu Ciyaaray Macalin Jose Morinho oo eheed 4-2-3-1 ayaa wexeey noqotay mid la isku fahmay. Kooxda Real Madrid waxaa si toos ah looga jabiyey Iskoorkii ay mudooyinkaan ku faani jirtay kaas oo ahaa 15-Guul oo xiriir ah wexeeyna Guulahaas 10 ka mid ah ahaayeen Horyaalka La Liga ee dalka Spain.
Mudo 3 sano ah dhanka Horyaalka La Liga wexeey kulmeen kooxaha Fc Barcelona iyo Real Madrid 7-jeer waxaana 6 ka mid ah 7-daas kulan dhulka la la jaray kooxda Real Madrid oo soo aruursatay Xiddigo qaali ah oo weliba Dunida caan ka ah.
Hadaan dhanka Xaqiiqada ka fiirino kooxda Real Madrid waxa lagu bahdilay wexeey eheed dhanka Paasas-ka oo aad looga wanaagsanaa Ciyaarta qeeybteedii 2-aad. Paasas-ka Real Madrid wexeey u badnaayeen kuwo inta badan ay Isbaaro u dhiganeeysay ama Kubada ku fahmeeysay Fc Barcelona.
Saxaafada Caalamka qaarkood wexeey leeyihiin Riyadii Real Madrid Filinkeeda Eeey qaawan ayaa cunay sababtoo ah Real Madrid hadii ay Xiddigaha Fc Barcelona Dhibcaha ka xayuubsan leheed kulanka baaqiga u ahna weey badin lahaayeen sidaasna wexeey ku tagi lahaayeen 9-Dhibcood oo Nadiif taas oo u suurto galin leheed ineey Horyaalka sanadkaan ka qaadaan kooxda Fc Barcelona oo ay u arkaan Canaasiir is baheeystay oo Koob kaste isla doonaya.
Horyaalka La Liga kooxda Real Madrid 50 Gool ayeey dhaliyeen xili Ciyaareedkaan waxaana laga xareeyey ama dhankooda laga dhaliyey 13 Gool. Kooxda Fc Barcelona sidoo kale 50 Gool ayeey dhaliyeen xili ciyaareedkaan waxaana Shabaqooda iyagana lagu hubsaday 8-Gool oo kaliyah. Dhanka Difaaca labada kooxood waxaad moodaa sida Natiijada Goolasha kaga cad ineey Fc Barcelona ku wanaagsan tahay.
AW Geele Gaaboow Leo Messi Ciyaartaan waxa uu Fursad qaali ah cunay Daqiiqadii 6-aad balse inta badan Messi ciyaarta wuxuu ahaa Fur fure ama qeeybiyaha Paasaska. Xiddigihii ciyaarta ugu wanaagsanaa ee uu Skysport ku sheegay ineeysan qaban Bareega wexeey kala yihiin Coentrao ,Karim Benzema,Marcelo,Dani Alves, Leo Messi & Andres Iniesta.
Kooxda Fc Barcelona iminka wexeey Horyaalka La Liga Hogaanka ku qabatay 37-dhibcood waxaana ku soo xigta Real Madrid oo iyana wadata sidoo kale 37-dhibcood balse Real Madrid kulan ayaa baaqi u ah. Kaalinta 3-aad waxaa degan oo isbaaro dhigatay Kooxda Fc Valencia oo Sevilla ay ku soo tuntay 2-1. Valencia wexeey leedahay 30-Dhibcood, Levante 29-dhibcood. Fc Sevilla oo kaalinta 5-aad xiratay wexeey leedahay 24-dhibcood.
Halkaan ka Daawo Goolkii Barcelona ka naxsaday ee Karim Benzema >>> http://www.youtube.com/watch?v=_3WW1of7K-4 .
Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=bLucj6GV1DM