Man City oo Cagaha ka tuntay Man Utd (FA-Cup-ka), * Kulankii El Clasico Cristiano Ronaldo Vs Lionel Messi oo Rigooreyaal iskugu faanay, * As Roma oo Ceebeeysay Maalqabeenka Cusub ee iibsaday, * Ac Milan oo Fakatay iyo Inter oo isku dhex yaacday ,* & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News (Halkaan ka Daawo >> Faaqidaada Ciyaaraha)
Kooxda kubada cagta ee Manchester City ayaa markii ugu horeeysay tan iyo sanadkii 1981-dii wexeey isa soo taagtay Fiinaalaha Koobka The England FA-Cup oo eey Cagaha ka soo tuntay kooxdii loo saadaalinaayey ee Man Utd.
Manchester City oo tan iyo Sanadkii 1976-dii Abaar Koobab laŽaan ah eey faro baŽan ku heeysaay ayaa tani wexeey u noqoneeysaa Fursadii ugu qaalisaneed maadaama koobka FA-Cup-ka eey ka wada hareen kooxihii ugu Tunka weeynaa Tartanka.
Ciyaarta Man City Vs Man Utd oo ka dhacday Garoonka weeyn ee Wembley-Stadium oo ku yaal Magaalada London ee Caasimada dalka Ingiriiska ayaa waxaa Garoonka soo buux dhaafiyey Taageerayaashada labada kooxood oo Tiradooda eey kor u dhaaftay 86.549 Qof. Kooxda Man United waxaa ganaax uga maqnaa Weeraryahan Wayne Rooney oo inta badan goolasha ka dhalin jiray kooxda Manchester City halka uu Dhaawac dhanka Muruqa ah kooxdiisa kaga maqnaa Weeraryahan Carlos Tevez oo Man City ah.
Man City oo United 1-0 kaga Taqluustay ayaa waxaa goolkaas Agoonka ah u saxiixay Daqiiqadii 52-aad Xiddiga Qaranka Ivory Coast Yaya Toure oo ka faaideeystay Qalad uu sameeyey Ciyaaryahan Michael Carrick.
Man City waxaa bad baadiyey Goolhaye Joe Hart oo ahaa Halyeeygii Garoonka halka Man Utd uu qasaariyey Dimitar Berbatov.
Rugcadaaga ku ag duqoobay kooxda ?Red Devils" Man Utd Paul Scholes ayaa daqiqadii 72-aad waxaa af gelis looga dhigay Rooso.
Halkaan ka Daawo Scholes oo Karate ama J.Chan isku badalay >>> http://www.youtube.com/watch?v=NWtHg8bLDdQ .
Guuldarada kooxda Man Utd dhabarka loo saaray ayaa wexeey soo afjareeysaa riyadii eheed ineey Sanadkaan isku rabaan waxa loo yaqaan (Treble) oo ah Kooxda qaada Horyaalka & koobka dalkeeda isla markaana ku darsata koobka Champions League.
Ciyaarta Finaalka ah ee Koobka FA-Cup-ka oo la qaban doono 14-ka bisha Meey ayaa waxaa lagu wadaa ineey ka dhacdo Garoonka weeyn ee Wembley-Stadium wexeeyna kooxda Manchester City sugeeysaa kii soo baxo labada kooxood ee kala ah Bolton Wanderers Vs Stoke City oo Maanta wada ciyaari doona.
*** WARAR KII UGU WAA WEEYNAA EE WORLD SPORT NEWS AYAA WAXAA KA MID AH SIDAN : ***
*** Kulankii dhanka Saxaafada Sportiga ugu hadal heeynta badnaa ee (El Clasico) ayaa kooxaha Real Madrid Vs Fc Barcelona wexeey isku macsalaameeyeen 1-1. Kulankaan Saadaashiisa wexeey eheed in kooxda Real Madrid oo Qaatu ka taagan Fc Barcelona ineeysan ku Mintidi doonin Barca maadaama eey adagtahay sidii lagu soo qaban lahaa kooxda Fc Barcelona oo La Liga 8-dhibcood ka hormartay Real Madrid waxaana Horyaalka Spain guud ahaan ka dhiman 6-kulan oo kaliyah.
Labadaan kooxood ayaa mudo 18-maalmood gudahood ah wexeey ku balan sanyihiin ineey isku arkaan 4-kulan oo midba midka kale uu ka sii daran yahay inkastoo hada mid uu dhacay (1-1-). Kulanka kale ee lagu wado ineey Labadaan kooxood fooda is daraan ayaa waxaa uu dhici doonaa maalinta Arbacada ah oo Taariikhdu eey ku beegan tahay 20-ka Bisha April waana Fiinalka Koobka Boqortooyda Reer Spain ( Copa del Rey) oo ka dhici doona Garoonka kooxda Valencia oo lagu magacaabo Mestalla Stadium waxaana xigi doona 2-kulan oo Champions League ah kuwaas oo kala dhici doona 27.4.11 iyo 3-5.11 .
Macalinka Kooxda Real Madrid Mr Jose Morinho ayaa cadeeystay hadalkiisa wuxuuna sheegay ineey ka goŽantahay isaga iyo kooxdiisa sidii eey xooga u saari lahaayeen Koobka Uefa Champions Leauge oo uu aad ugu Nasiib badan yahay.
Kulankii (El Clasico) oo 1-1 eey isku macsalaameeyeen kooxaha Real Vs Barcelona waxaa goolasha u kala saxiixay Labada ciyaaryahan ee Taageerayaashooda sida aadka ah isku neceb yihiin waa Cristiano Ronaldo Vs Lionel Messi.
Goolashaan oo Rigeeroyaal ahaa waxaa ku hormartay kooxda Fc Barcelona waxaana Daqiiqadii 52-aad Shabaqa Real Madrid ku hubsaday Ciyaaryahan Lionel Messi halka Rigoorada jawaabta & Bareejada eheed uu kooxda Real Madrid u saxiixay Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo Daqiiqadii 82-aad. Dhanka Real Madrid waxaa Rooso lagu asqeeyey Ciyaaryahan Raul Albiol Daqiiqadii 52-aad.
Halkaan ka Daawo Labada Laacib ee kubada Caalamka Qabqablayaasha ka ah oo Rigooreyaal iskugu faanay >>> http://www.youtube.com/watch?v=rrqLuZxwRqA
*** Kulamo ka tirsan horyaalka England oo la ciyaaray ayaa kooxaha wexeey isku arkeen sidan :
|
| Blackpool - Wigan |
1:3 |
| Birmingham -Sunderland |
2:0 |
| FC Everton - Blackburn |
2:0 |
| West Ham - Villa |
1:2 |
| West Brom - Chelsea |
1:3 |
Goolasha Fc Chelsea ku soo badisay waxaa u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Didier Drogba (22.), Salomon Kalou (26.) iyo Frank Lampard (45.)
*** Horyaalka Talyaaniga Waxaa Gurigeeda Lagu dubtay kooxda As Roma waxaana 2-3 ku garaacday kooxda Palermo. Ceebta ugu weeyn ayaa eheed Garoonka oo uu fadhiyey Maalqabeen u dhashay dalka Mareykanka oo iibsaday kooxda As Roma shalay kaas oo lagu magacaabo Thomas Di Benedetto ayeey Laacibiinta As Roma ka xishoon waayeen Darawalka cusub ee la wareegay Maamulka iyo Hogaanka As Roma. Halkaan ka Daawo Ceebta Roma eey ku aftaxday Taajirka cusub >>> http://www.youtube.com/watch?v=FS13qsymjBA
Kooxda Parma wexeey u dhameeystirtay oo 2-0 kaga badisay kooxda Inter Milan oo ayaantaan Tacbaan noqotay. Halkaan ka Daawo Inter oo Isku dhex yaac Cusub maalmahaan danbe lagu arkay >>> http://www.youtube.com/watch?v=GjZZFTlQQzE .
Ac Milan iyo Ciyaaryahan Antonio Cassano wexeey dhulka la simeen kooxdii laga soo iibsaday Cassano ee Sampdoria.
Ac Milan oo 3-0 kaga badisay Sampdoria waxaa goolasha u kala saxiixay Ciyaartooyda kala ah Clarence Seedorf (daqiiqadii 20-aad), Antonio Cassano (54./Rigoore) iyo Robinho (daqiiqadii 61-aad)
Halkaan ka Daawo Milan oo rabta ineey hadalka Raisul wasaare Silvio Berlusconi meel ku soo xidirto maadaama uu ka balan qaaday hadeey Horyaalka Serie A ku guuleeystaan inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo iibin doono Leo Messi Lacag kastoo eey Fc Barcelona ku rabto iyo Ricardo Kaka oo uu sheegay inuu Ac Milan ku soo celin doono >>>
http://www.youtube.com/watch?v=EfZpXFBWn5I
*** Xiddiga Qaranka Holland & Kooxda Fc Liverpool Dirk Kuyt ayaa kooxdiisa u saxiixay Heshiis cusub oo qaadan doona ilaa 2013.
Weeraryahan Dirk Kuyt oo hada 30-jirsaday ayaa waxa uu kooxda The Reds ee Fc Liverpool ku soo biiray Sanadkii 2006-kii .
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com