Subxaanallah waa Saben Aakhir : Eey Wado halis ah ka soo bad baadiyey Eey kale oo Gaari uu jiray iyo Mucjisooyinka Rabaaniga ah oo Caalamka ku soo badanaayo (Daawo Mucjisadaan).
Waxaa marba marka ka dambeeysa Dunida ku soo badanaya Mucjisooyinka Rabaaniga ah ee looga yaab sanaayo Dadka BeniŽaadamka ah. Waayihii hore waxaa aad ugu yaraa maqalka Dhegaha dadka BeniŽaadanka ah Xayawaan bad baadinaya Xayawaanaad kale balse Sanadihii ugu dambeeyey waxaa Dunida ku soo badanayey Mucjisooyin aad loo la yaabay oo ay ku kacayaan Xayawaanaadka kuwooda ku dhex nool Bulashada ama BeniŽaadanka.
Eey ayaa waxa uu ka soo bad baadiyey Eey kale oo Gaari jiiray Wadooyinka Qatarta ah ee loo yaqaan (No Stop) ama lama galaayda kuwaas oo Gawaarida ay ku maraan si xoowli ah waxaana Wadooyinkaan ka mabnuuc ah ineey iskaga talaabaan BeniŽaadanka iyo Xayawaanka intaba.
Eeygii soo bad baadiyey Eeygii kale ee Gaariga uu ka jiiray qaarka dambe ayaa waxaa dadka la yaab ku noqotay sida uu qudhiisa iskaga jiray Gawaaridii mareeysay Wadadaas wuxuuna ku Guuleeystay ugu dambeeyntii inuu Afka ku soo jiido Eeygii dhaawaca ahaa ilaa uu u soo saaro banaanka ama goob amni ah oo Dhaawiciisa laga daaweeyn karo.