Xiriiriye & Mucjisooyinka Caalamka : Duuliye lagu sheegay inuu ahaa Geesi oo Diyaaradii Dagaal ee uu waday Dhulka la soo dhigay !!
Waxaa Telefishinada Caalamka si toos ah looga daawaday mid ka mid ah Diyaaradaha Dagaalka ee ka amar qaata Madaxweeynaha dalka Liibiya Mr Mucamar Al-Gaddafi oo sawaariikh la la helay ka dibna iyada oo Holceeysa dhanka dhulka u soo jiheeysatay. Diyaaradaan oo eheed nuuca loo yaqaan Miiga ayaa waxaa waday Duuliye lagu magacaabo Mirzaad oo Tv-ga dalka Liibiya uu ku sheegay Shaqsi Geesi ahaa oo Jaamacad uga soo baxay dalka Ruushka Wadista jooga hoose ee Diyaaradaha Dagaalka.
Mucaaradka dagaalka kula jira Madaxweeynada dalka Liibiya Mr Mucamar Al-Gaddafi ayaa wexeey qaatu ka taagnaayeen Duuliyahaan iyo Diyaaradiisa oo eey ku sheegeen inuu joog hoose ku socon jiray ka dibna hal hal u toogan jiray gawaarida Dagaalka ee Mucaaradku heeystaan.
Duuliye Mirzaad ayaa la sheegay inuu dalka Liibiya caan ka ahaa xiliyada Dabaal dega Dawlada oo uu inta badan Diyaaradiisa dagaalka Joog aad u hooseeya ku wadi jiray.
Tan iyo markii uu dalka Liibiya ka dilaacay Mucaaradka hubeeysan iyo qalalaasaha ayaa waxaa gacanta talada Dawlada Liibiya ka baxday ugu yaraan ilaa iyo 9-Magaalo balse hada oo eey Dagaal rogaal celis ah soo qaadeen Ciidamada daacada u ah madaxweeynaha Macangaga ah ee dalkaas Liibiya Mr Muammar al-Gaddafi wexeey dib Dagaal kulul kula wareegeen inta badan Magaalooyinkii horay looga qabsaday marka laga reebo labada magaalo ee Mucaaradku ku xoog badan yihiin ee kala ah Bengasi iyo Tobruk.
Awooda cusub iyo la wareegista magaalo kasta oo eey Mucaaradka horay u joogeen ayaa waxaa lagu macneeyey Lacag xoogan oo uu madaxweeynaha Milyineerka ah ee dalka Liibiya uu faraqa ugu shubay Ciidamada Militariga dalkaas oo Mucaaradka iskugu soo kuusay Bengasi iyo Tobruk oo hada eey wax yar u jiraan.
Ugu dambeentii Duuliyaha lagu sheegay geesiga iyo Diyaaradiisa Miiga eheed ayaa waxaa lagu soo riday Bartamaha Magaalada Bengasi xili uu halkaas ku gubay gawaari Dagaal oo aad u farabadan kuwaas oo eey lahaayeen Mucaaradka wuxuuna horay wax uga soo xoreeyey magaalooyin kale oo Mucaaradka Mr Qadaafi horay u joogeen.