Xiriiriye & Mucjisooyinka Caalamka : Sawaariiqda Ciidamada Gaashaanbuurta NATO oo Shacab Magaalada Tripoli Guryahoodii jiifay Dakum & Daakum ka dhigtay (Halkaan ka Daawo Ibtilada dhacay iyo Nato oo sheegtay ineey Magdhaw ka bixin doonaan Qaladkaas) !
Dagaalka safka balaaran ah ee u dhaxeeya Madaxweeyne Qadaafi oo 40 Sano isku dhajiyey Talada dalka Liibiya iyo Ciidamada Mucaaradka dalka Liibiya oo eey kabayaan Huwanta Gaashaanbuurto NATO ayaa waxa uu gaaray in la Duqeeyo Dad Shacab ah oo Guryahooda iska dhex jiifa.
Waa markii 3-aad oo Xoogaga Gaashaanbuurta NATO eey raali gelin balaaran ka bixiyaan Dadkii Jiifay Guryahooda ee Sawaariiqada sida qaldan loogu garaacay.
Dhibka heeysta Ciidamada NATO ee ka Dagaalamaya dalka Liibiya ayaa waxa uu yahay iyaga oo aan ku sugneeyn Dhulka kana Dagaalama Hawada maadaama weli aan loo ogolaan ineey si toos ah Lug ugu galaan ama uga mid noqdaan Dagaalka Liibiya.
Dhibaatada kale ee Heeysata Ciidamada Dalalka isku tagay ee Gaashaanbuurta NATO ayaa waxa uu yahay iyaga oo Lacago been ah looga Cuno halka uu ku Dhuumaaleeysanaayo Madaxweeyne Mucamar Khadafi oo dhiiga Shacabkiisa ee daadanaya ka doortay Kursi uu 40-sano soo dul fadhiyey.
General-ka ugu sareeya Ciidamada Gaashaanbuurta NATO ee ka dagaalamaya Hawada Liibiya oo u dhashay Dalka Canada laguna magacaabo General Charles Bouchard ayaa waxa uu raali gelin deg deg ah ka bixiyey Xasuuqii loo geeystay Shacabkii la duqeeyey iyaga oo Guryahooda iska jiifa.
General Charles Bouchard ayaa yiri System-ka Sawaariiqda ridada dheer ayaa meel qaldan lagu hagay halkii aan dooneeynay iyo meeshii aan u socanay wax baa iska badalay maadaama Guryaha Nawaaxigaas eey aad iskugu ekaayeen waxaana arinkaan ka bixin doonaa Mag dhaw sida ugu dhaqsiyaha badan.