La Yaab : Ciyaaryahan iyo Tababare caan ah oo magacyadooda Af Soomaali ahaan eey Caay xun yihiin iyo Somaalida Ciyaaraha Sida weeyn u Taageera oo inta badan aan la socon Arintaan (Halkaan ka Daawo Mucjisooyinka Shaqsiyaadkaan) .
Carlos Caetano Bledorn Verri Dunga waxa uu dhashay 31- Oktobar 1963 dii-wuxuuna ku dhashay Magaalada Ijui Rio Grande do Sul oo ka tirsan dalka Brazil. 2006-dii ilaa Koobkii Addunka ee lagu soo gaba gabeeyey dalka South Africa waxa uu ahaa Macalinka xulka Qaranka Brazil oo dunida inta badan looga yaqaan (Nickname): Selecao ama Canarinho (Brazilo).
Carlos Dunga Magaciisa waa Dameer ama Ximaar qofba sida uu u yaqaan waxuuna magacaas ka wataa oo mudo dheer uu ugu soo ciyaarayey Qarankiisa Brazil Awoowgis Dunga oo lagu Naaneesi jiray Dameer/Ximaar. Halkaan ka Daawo Xiligii uu Mr Dunga Qaranka Brazil World Cup 2010 in South Africa Tababaraha u ahaa >> : http://www.youtube.com/watch?v=jTpH9CZezYg&feature=related
Halkaan ka Daawo Xiligii uu Dunga Qaranka Brazil Kaptanka u ahaa weliba isaga oo la safan Laacibiintii caanka aheeyd ee Babeto, Rivaldo, Roberto Carlos iyo Ronaldo wuxuuna u wadan jiray Qarankiisa Lambarka 8-aad, waxaa Tababare u ahaa Mario Sagalo. Brazil oo Xiligaas Cel Celis eheed ayaa waxaa Jooga ka riday oo 3-0 sanadkaas uga tilaabsatay France oo dhankeeda iyadane kacsaneed : http://www.youtube.com/watch?v=jddYvYEiQ6Q&feature=related.
Xiriiriye.com waxaa ka Go´an Xaqiiqo iyo inuu Bahda Ciyaaraha ku xiran warar Xayi ah oo Xogtooda la soo baaray ama lasoo Tarjumay u soo gudbiyo. Xiddiga Labaad ee Shiishka Xiriiriye uu saaran yahay maanta waa Xiddiga Qaranka Germany iyo Kooxda Fc Bayern Munchen Bastian Schweinsteiger .
Sebastian Schweinsteiger Waxa uu dhashay 1. Agoosto 1984, Wuxuu ku dhashay Magaalada Kolbermoor oo ka tirsan Gobolka Bayern ee dalka Germany. Kooxda Bayern Munchen wexeey qaadatay oo uu heshiis la gaaray sanadkii 2002-dii ilaa iyo hada oo ah dhamaadka Sanadka 2010 weli wuxuu u ciyaaraa oo Qadka dhexe Xamaali uga yahay kooxda Fc Bayern Munchen waxaana si aad ah isla Sanadkaan u doonaayey ama u ugaarsanaayey Kooxaha waa Weeyn ee Man Utd iyo Real Madrid.
Magaciisa waa Schwein oo macnaheedu Af Jarmal yahay Doofaar ama Qaansiin qofba sida uu u yaqaan. Laakiin Dadweeynaha dalka Jarmalka ayaa dhamaantood waxa eey ugu yeeraan ama Funaanadihiisa ku soo qortaan Schweini oo iyana macnaheeda yahay Qaansiirka.
Halkaan ka Daawo Bastian Schweini oo Biyo Gaas Aashito leh laga dherjiyey ka dibna ku wareeray isaga oo rag taageerayaashiisa ah sharad la galay>>> http://www.youtube.com/watch?v=kMIyQ9W5o2g.
Ugu dambeentii Dunga iyo Schweinsteiger Magacyada eeysan Caayda u arkin ee Qaansiir/Doofaar Ama Dameer/Ximaar hadaad maanta Ruux Soomaali ah ku tiraahdo isaga oo aan wax kaa haleeyn waxaa iska cad in Shaqsigaas uu idin dhex mari lahaa Dagaal Sokeeye oo faraha looga gubto.
La soco goor dhaw War bixin kale oo Tarjumis eey ku socoto, wexeeyna ku saabsan tahay Ciyaaryahan caan ah oo Kooxdiisa xiliyada eey seexato Shukaansi Telfoon iyo Qadka Internetka ah waqtigiisa ku dhameeyo waxaana arinkaan ka hadlay Tababaraha kooxdiisa oo sheegay in Ciyaaryahankaan uu kooxda Laf dhabar u yahay waxa uu u taro Kooxdiisana eeysan u ceeyrin karin ama iskaga gadi karin Shukaansi iwm darteed. Filo Sawiro iyo cadeeymo eey ka qoreen ciyaaryahankaan Jaraaidyada caanka ah ee La Gazzetta dello Sport &Tuttosport ee dhamaantood ka soo wada baxa dalka Talyaaniga.