Weeraryahan Didier Drogba oo koobka Qaramada Africa faan bilaabay iyo Ciyaaryahan Yaya Toure oo diiday in la faaniyo ama Koobka loo saadaaliyo Qaranka Ivory Coast + World Sport News !!!
Tv-ga Eurosport oo si Live ah u soo deeyn doono Ciyaaraha koobka Qaramada Africa ayaa waxa uu Wareeysiyo kala duwan ka soo qaaday Laacibiinta ugu caansan Koobka Qaramada Africa oo caawa ka furmi doona dalka Aquador Guinea.
Weeryahanka Fc Chelsea wuxuu Eurosport u sheegay shaqsi ahaan inuu sanadkaan dareemayo ineey iyaga qaadi doonaan Koobka Qaramada Africa 2012. Drogba ayaa yiri sidan " Dhinac kasta waanu ka dhisanahay waxaana iska soo saxnay qaladaadkii yaraa ee aanu kaga hari jirnay Koobkaan Qiimaha badan,,
Xiddiga Man City isla markaana heeysta Laacibka Qaarada Africa Yaya Toure wuxuu si weeyn uga soo hor jeestay in Koobka Qaramada Africa xili Ciyaareedkaan loo saadaaliyo Qarankiisa wuxuuna sheegay in Sanad walba loo saadaaliyo dalkiisa balse ma qaadaan oo Ciyaartooyda ayaa is kala dhigta oo niyada gashata ineey qaadi doonaan koobkaan taasina waa Qalad ayuu yiri Laacib Yaya Toure oo la hadlayey Eurosport.
Koobka Qaramada Africa waa Tartankii 28-aad waxaana lagu wadaa caawa Saacadu markeey tahay 19:30 in kulanka ugu horeeyo ay fooda is daraan Aquador Guinea oo marti loo yahay xili Ciyaareedkaan iyo Qaranka Liibiya oo tartan caalami ah ciyaari doona markii ugu horeeysay tan iyo sidii Xukunka dalkaas looga tuuray Marxuum Qadaafi.
*** Ciyaaryahan David Beckham oo Qandaraaskii uu kula joogay kooxda La Galaxy oo ka dhisan dalka Mareeykanka ilaa Sanadka 2013-ka looga dhigay wuxuu sheegay in Kooxo badan ay is gaad gaad ku hayeen balse isaga Shaqsi ahaan uu doortay inuu la sii joogo kooxdiisa La Galaxy .
*** Horyaaka dalka Germany ee Bundesliga oo mudo hal Bil ka badan Fasax lagu jiray ayaa iminka dib u furmay waxaana durbadiiba Guuldaro lagu iftaxay kooxda Fc Bayern Munchen oo 3-1 ay kaga soo badisay kooxda Monchengladbach.
Goolasha Bayer Munich waxaa ka dhaliyey Mucjisada cusub ee Qaranka Germany Marco Reus Daqiiqadii 11-aad ka dib markii uu qalad weeyn sameeyey Goolhayaha Fc Bayer Munich Manuel Neuer, Labada Gool ee kale waxaa Gladbach u wada saxiixay Patrick Herrmann Daqiiqadihii 41-aad iyo 71-aad.
Goolka Agoonka ah ee Fc Bayern Munchen waxaa u saxiixay Laacib Bastian Schweinsteiger Daqiiqadii 76-aad. Horyaalka Germany waxaa 37 Dhibcood ku hogaamineeyso kooxda Fc Bayern Munchen balse beri hadii ay soo garaacdo kooxda Brossia Dortmund kooxda Hamurg hogaanka ayeey u qaban doontaa horyaalka Jarmalka maadaama B.Dortmund hada ay wadato 36-Dhibcood.
*** Horyaalaka dalka Ingiriiska beri galab hadii uu rabi idmo waxaa la Ciyaari doonaa kulamo aad u adag oo dhex mari doona kooxaha Sanadkaan isku heeysta Horyaalnimada dalkaas. Manchester City waxaa Garoonkeeda ugu imaan doonto kooxda Tottenham oo kacsan saacadu markeey tahay 14 :30.
Kulanka ugu adag waxa uu dhex mari doonaa kooxda Fc Arsenal oo si aan caadi aheeyn ugu dhaarsan Shayaadiinta cas cas Man Utd oo kulankaan kii ka sii horeeyey 8-2 ku soo xasuuqaday The Gunners. Ciyaarta Fc Arsenal Vs Man Utd wexeey dhici doontaa beri galab saacadu markeey tahay 17 :00.
*** Macalinka hore ee Qaranka Germany hadana ah Tababaraha kooxda Wolfsbrug ee Horyaalka Bundesligaha Flex Magath waxaa lagala wareegay Leeysinkii Darawalnimo ka dib markii uu Gaarigiisa ku kaxeeystay wado qaldan waxaana sidoo kale la ganaaxay Lacag ganaax ah maadaama uu dambigiisa qirtay.
*** Xiriirka kubada cagta ee Qaranka Ruushka ayaa wexeey jabiyeen ama dhigeen Iskoor Caalami ah oo aan horay looga baran dalalka Yurub. Masuulka ugu sareeya Dawlada Ruushka Mr.Vladimir Putin iyo Dawladiisa wexeey isku raaceen in Taageerayaasha dalkaas kuwooda ka qeeyb galaya Tartanka koobka Qaramada Yurub oo dhwaan ka furmi doona dalalka Ukraine iyo Poland in si Lacag la´aan ah loogu daabuli doono Diyaarado waxaana arintaan shaacisay dhamaan warbaahinta dalka Russia.
Nach einem Machtwort von Regierungschef Wladimir Putin können russische Fußballfans gratis zur Europameisterschaft in Polen und der Ukraine fliegen. Die größte russische Fluglinie Aeroflot stellt den Anhängern kostenlos ein Flugzeug zu den Spielen der Sbornaja zur Verfügung, wie die Gesellschaft am Freitag nach Angaben der Agentur Itar-Tass mitteilte.