Faalo aad u xiiso badan : Maxaad ka Taqaan XULKA XIRIIRIYE & System-ka aan ku ciyaari leheen. Akhri Ciyaartooyda Binjiga Keedka noo ah, kuwa aan soo iibsan leheen iyo weliba Ciyaartooyda aan iska sii iibin leheen.
Sida aad uga barateen www.xiriiriye.com waxa uu Taageere aan qarsooneen oo geed loogu soo gaban u yahay dhamaan Ciyaartooyda & Laacibiinta kooxaha Qaarada Yurub kuwooda ugu caansan uguna Magaca iyo Karaamada badan dhanka garoomada iyo Horyaalada dalalka Yurub.
Barnaamishkaan cusub ee aanu ku soo kordhinay Xiriiriye.com ayaa waxa uu qeeyb ka noqon doonaa Barnaamishyadii hore ee aad kala socon jirteen halkaan kuwaas oo kala ahaa La Yaab , Ku Biiri Aqoontaada Sport, Maxaa Cusub Kawaanka Ciyaartooyda?, Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News, Faaqidaada Horyaalada, Xiriiriye & Hal Xiraalaha Todobaadka, Heesihii ugu dambeeyey oo maqal & Muuqaal ah una badan dhanka Sportiga iyo Nabada.
Halka Barnaamish oo sida weeyn noogu adkaaday inkastoo aan balan qaaday ayaa waxa uu yahay Barnaamishka la magac baxay Xiriiriye & Xiriirka Dadweeynaha oo aanu ugu tala galnay Akhristayaasha ineey soo gudbiyaan Ciyaaryahanka eey Taageeraan iyo sababta eey ku taageereen si aan Taariikh Nololeedkiisa u soo bandhigno .
Balse nasiib daro waxaa farihii ka batay E-mailadii inooga yimid Taageerayaashii Jalbeeysnaa ee doonayey in loo soo ban dhigo Laacibka eey Taageeraan iyo sababta eey ku Taageereen. Hadaba anaga oo Xiriiriye ahaan arinkaas Go´aan weeyn ka qaadanay ayaa waxaanu ku heshiinay in Akhristihii si sax ah uga soo Jawaabo 5-kamid ah Hal Xiraalayaasha ka baxa Isbuucii 2 Jeer Shabakada Sportiga ee Xiriiriye uu Sharuud la´aan inaga muteeysan doono waxa uu xaqa iyo kartida Sport u yeeshay oo ah inaanu u soo bandhigno Taariikhda kooxda uu Dunida ugu jecel yahay iyo weliba Laacibiinteeda eey sida weeyn ugu dhaarato.
Hadaanu u gudo galno Barnaamishkaan cusub ee la magac baxay Dream Team Fantasy Football Qeeybtiisa 1-aad ayaa waxaa www.xiriiriye.com uga bogan doontaan maalmaha loo yaqaan Weekend ee dhamaadka Isbuuca sida Jimcaha, Sabtida & Axada.
Taktikada iyo System-ka aanu ku bilaabeyno Qeeybta 1-aad ee Barnaamishkaan ayaa ah sidan:
Kooxaha waa weeyn ee caalamka inta badan waxa eey ciyaaraan Taaktiko iyo System loo yaqaan 4-4-2 waana afar dhexda ah, afar difaac ah iyo labo weerar ah. Laakiin XULKA XIRIIRIYE oo ciyaartooy xul ah wato ayaa waxaa uu System iyo Taaktiko ahaan u ciyaarayaa habkaan cusub ee inta badan kooxaha eey ka cabsadaan maadaama aanu Ciyaartooy Qashin camal u heeyno: Waa Sidan 4-3-3. Difaaca ayaan Bir ka dhignay oo waxaanu gadaal istaajinay Laacibiinta kala ah Shimbiraha Baalasha ka duula oo inta eey weerar aadaan hadana sida deg dega ah Difaacooda ugu soo laabta iyaga oo mararka qaar ka dheereeya weeraryahanada waana sidan magacyadooda : Philipp Lahm Bayern München iyo Qaranka Germany >>Maicon Douglas Inter iyo Qaranka Brazil. Waxaa kaloo dhanka Difaaca ka caawin doona Maguurayaasha u baxo ama ku wanaagsan Testada waa John Terry oo Qaranka England & Chelsea u safta iyo Nemanja Vidic oo Qaranka Serbia & Manchester United Difaaca uga ciyaara.
DHEXDA XULKA XIRIIRIYE : Waa lama degaan iyo ha isku soo marin. Baalasha waxaan kala saarnay Halgamayaasha kala ah Andreas Inieasta oo Qaranka Spain iyo Kooxda Barcelona u ciyaara iyo Laacib Frank Ribery oo Sii dege & Soo dege loo yaqaan una ciyaara Qaranka France iyo kooxda Fc Bayern München. Qararamsadaha Centeral-ka dhexda ee ciyaartooyda ka soo horjeeda dharka ka dhiga iyaga oo qaawana garoonkii eey ka yimaadeen u dira waa Xavi Hernandez.
DHANKA WEERARKA: Waxaan kala saaranay Laacibiinta sida weeyn u kacsan ee inta badan dhexda xitaa u soo dega ama ugaarsi u yimaada iyaga oo Kubada u Qeeybiya dhamaan ciyaartooydooda waana Cristiano Ronaldo iyo Leonel Messi oo u kala safta Qaramada Portugal & Argentina iyo kooxaha waa weeyn ee Real Madrid iyo Fc Barcelona. C.Ronaldo iyo Leo Messi ayaa ka masuul ah Only labada dhinac ee baalaha Midig & Bidix. Waxaa Soo haray weeraryahanka dheereeya oo Shuutkiisa eey kooxaha ka cabsadaan waa Weyne Rooney oo aanu u dirnay weerar toos ah isaga oo caawin iyo Paassas aad u fara badan ka helaayo Laacibiinta kala ah C.Ronaldo iyo Leo Messi. Goolhayaha ayaa waxaanu ka dhignay Iker Casillas oo hadii uu qalad uu sameeyo aanu ku badali doono goolhaye kale oo caan ah weliba noogu jira Keeydka Binjiga kooxda.
Difaaca, Dhexda, iyo Weerarka ayaa waxaanu halkaan Qashin camal ugu heeynaa ciyaartooy aad u fara badan oo u kala ciyaara kooxaha Arsenal, Chelsea, Juventus, Real Madrid, Man Utd, Liverpool, Barcelona, Inter, Man City & Ac Milan.
Waxaana soo iibsan rabnaa ciyaartooy kale oo fara badan kuwa weilba ugu wanaagsan qaarada Yurub. Halka aanu iska iibin doono Ciyaartooy badan oo Quuqlayaal ah weliba kooxda XULKA XIRIIRIYE mar kasta u soo jiido Dagaal iyo Qalalaase ka dibna qaata Jaalle ama Rooso.
La Soco Qeeybta 2-aad ee Barnaamishkaan oo aad u xiiso badan iyo dhamaan Laacibiinta kale ee uu ku tashanaayo XULKA FC XIRIIRIYE-SPORT oo noqon doono kuwo aad looga yaqaan dunida dacaladeeda balse qaar ka mid ah aanu iska fasixi doono ka dib markii afkooda laga bixin waayey waxaan u wareegeynaa kooxaha Real Madrid iyo Fc Barcelona oo aan uga shakinay ineey Ciyaartooyda Xulka Xiriiriye dhegta wax ugu sheegeen iyaga oo doonaya in kooxda dhexdeeda buuq iyo Scandal ka abuuraan. Maamulka iyo Xulka Xiriiriye ayaa si toos ah farta ugu fiiqay Maclinka kooxda Real Madrid Jose Morinho inuu faraha kala baxo ciyaartooydaan aan soo xulanay ee Xulka Xiriiriye kula joogo Qandaraas ku kacaayo ilaa 2014 !!!!!!!!!! Lol .
Qeeybta 2-aad oo aad u xiiso badan ayaan waxaan ku soo qaadan doonaa Xiddigaha Xulka Xiriiriye Party 2 oo eey ka mid yihiin Laacibiinta kala ah Cesc Fabrigas, Frank Lampard, Wesley Sneijder, Samir Nasri, Milo Krasic, Steven Gerrard, Ricardo Kaka, Luis Nani iyo Andrey Arshavin oo dhamaantood Dhexda ah .
Difaaca Ayaa waxaanu ku soo qaadan doonaa: Sergio Ramos, Dani Alves, Giorgio Chiellini ,Bacary Sagna, Patrice Evra, Gerard Pique.
Halka Weerarka Qandaraas mudo dheer ah kooxda Xiddigaha Xulka Xiriiriye eey kula joogaan Laacibiinta kala ah, Fernando Torres, Diego Forlan, Didier Drogba, Luis Fabiano iyo Samuel Eto'o. kooxda Xulka Xiriiriye Maamulkooda ayaa diiday inuu Qandaraaska iyo heshiiska u dheereeyo ciyaartooyda kala ah Gennaro Gattuso , Nigel de Jong, Van Bommel, iyo Philippe Mexes Xiddigahaan ayaa waxaa lagu eedeeyey ineey Jaalle iyo Rooso Biyo camal ka dhigteen wexeeyna iska badali waayeen Dabeecadaan qalafsan ee ah in la Jilaafo ama la Ceejiyo ciyaaryahan Maskiin ah oo aan waxba galabsan.