Kooxda Fc Liverpool oo Quus iyo Jahwareer ku riday kooxihii ka socday magaalada Manchester & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News+Faaqidaada Horyaalada,*Real Madrid oo fakatay, Barca oo Bareega loo qabtay iyo Juventus oo Guulo muhiim ah dhax dabaalaneeysa (Halkaan ka Daawo Kulamo Top ah) !!!
*** Isbuucaan gudihiisa ayeey eheed markii kooxda Fc Liverpool ay koobka England League-Cup ka reebtay naadiga Manchester City waxeeyna hada mar kale quus iyo Jahwareer daran ku riday kooxda Shayaadiinta Cas Cas Man Utd oo ay ka reebeen koobka FA-ga oo dalka Ingiriiska aad looga qiimeeyo.
Ciyaartaan oo eheed mid kulul waxaa 2-1 ku badisay Fc Liverpool waana kulankii 184-aad ee dhex mara inta Taariikhda la ogyahay kooxaha Fc Liverpool Vs Man Utd. Goolasha Liverpool waxaa u kala saxiixay Xiddiga Qaranka Denmark Daniel Agger Daqiiqadii 21-aad (Teesto/Madax) iyo Weeraryahanka reer Holland Dirk Kuyt oo Ciyaarta badal ku soo galay Daqiiqadii 63-aad balse man Utd Gool ka xareeyay dhamaadkii Ciyaarta Daqiiqadii 88-aad.
Goolka kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee Man Utd oo Bareejo ahaa waxaa Daqiiqadii 39-aad u saxiixay xiddiga Qaranka South Korea Ji-Sung Park . Kooxda Man Utd koobka FA-ga oo ay qaadaan waxaa ugu dambeeysay sanadkii 2004-kii.Halkaan ka Daawo Fc Liverpool Vs Man Utd >>> http://www.youtube.com/watch?v=1Vq2snI6kGQ
*** Isla Koobkaan FA waxaa soo baxday kooxda Fc Chelsea oo guri kale 0-1 kaga soo badisay naadiga Queens Park Rangers. Goolka Fc Chelsea ku badisay oo Rigoore ahaa waxaa u saxiixay Daqiiqadii 62-aad Xiddiga reer Spain Juan Mata. Kooxaha kulmay Koobka FA wexeey isku qaabileen qaabkaan :
JIMCE :
Watford
Tottenham Hotspur
0:1
Everton
Fulham
2:1
SABDI :
Queens Park Rangers
Chelsea
0:1
Liverpool
Manchester United
2:1
Bolton Wanderers
Swansea City
2:1
Derby County
Stoke City
0:2
West Bromwich Albion
Norwich City
1:2
Hull City
Crawley Town
0:1
Leicester City
Swindon Town
2:0
Sheffield United
Birmingham City
0:4
Stevenage
Notts County
1:0
Brighton and Hove Albion
Newcastle United
1:0
Blackpool
Sheffield Wednesday
1:1 *
Millwall
Southampton
1:1 *
AXAD :
Sunderland
Middlesbrough
14.30
Arsenal
Aston Villa
17.00
FIIRO GAAR AH KOOXAHA FARTA MADOOW KU CALAAMADEEYSAN DHAMAAN WEEY SOO BAXEEN BALSE KUWA UGU HOOSEEYA EE BAREEJADA GALAY WAXAA U DHIMAN KULAN ISKU CELIS AH SI LOO KALA SAARO.
*** Kulamo ka tirsan Horyaalka Serie A-ga Talyaaniga oo la ciyaaray waxaa Guul muhiim ah gaartay kooxda Juventus oo Darawal ka ah hogaaminta horyaalka Serie A oo kulankiisii 20-aad la dheelay. Juventus oo marti galisay Naadiga Udinese oo Bilahaan dambe kacsanaa waxaa Udinese lagu qaarajiyey 2-1.
Goolasha kooxda Juventus dhamaantood waxaa u wada saxiixay Weeryahanka Qaranka Talyaaniga Alessandro Matri Daqiiqadii 42-aad iyo 62-aad. Goolka Udinese waxaa ku tuurtay Ciyaaryahan Antonio Floro Flores Daqiiqadii 56-aad . Halkaan ka Daawo Juventus Vs Udinese >>> http://www.youtube.com/watch?v=nGRv41OcRL8 .
Kooxda Juventus waxeey ku hogaamineeysaa horyaalka Talyaaniga 44-dhibcood, Ac Milan oo caawa la Ciyaari doonta naadiga Cagliari waxeey leedahay 40-Dhibcood, Udinese oo ku soo xigto 38 dhibcood ayeey soo aruursatay waxaa kaalinta 4-aad soo degtay Inter Milan oo leh 35-Dhibcood waxeeyna Inter galabta la ciyaari doontaa Naadiga Lecce.
*** Horyaalka La Liga ee dalka Spain waxaa aad u fogaatay kooxda Real Madrid oo 3-1 ku garaacday naadiga Saragossa halka Villarreal ay Bareejo ku qabatay Fc Barcelona (0-0). Goolasha Real Madrid waxaa u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Ricardo Kaka Daqiiqadii 32-aad, Cristiano Ronaldo Daqiiqadii 49-aad iyo Mesut Özil Daqiiqadii 56-aad Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>>http://www.youtube.com/watch?v=bHPZKZOWyuk .
Horyaalka La Liga oo la Ciyaaray kulankiisii 20-aad kooxda Real Madrid waxeey 7-Dhibcood oo nadiif ah ka hormartay Cadawgeeda Fc Barcelona. Real Madrid ayaa aruustay 52-Dhibcood halka Fc Barcelona ay soo gar guuraneeyso 45-Dhibcood.
Kooxaha La Liga kuwooda wada ciyaaray waxeey ku kala baxeen Natiijadaan :