Juventus iyo Mauro Camoranesi oo isku kacsan, Diego oo sheegay inuu la sii joogayo ( Wararkii ugu dambeeyey ee Beeca Laacibiinta Caalamka)
Xamaaliga dhexda ee Kooxda Juventus iyo xulka Italy Mauro Camoranesi ayaa waxaa soo kala dhex galay qilaaf weeyn.
Mauro Camoranesi oo lagu daray liiska Ciyaartooyda kooxda juventus eey iska fasaxeyso xili ciyaareed-kaan ayaa in mudo ahba waxa eey si gooni ah iskugu kacsanaayeen Macalinka cusub ee kooxda Juventus Luigi Del Neri.
Wakiilka Ciyaaryahan Comoranesi ninka lagu magacaabo Sergio Fortunato ayaa sheegay in uusan u bogin sida uu wax u wado Macalin Del Neri taas oo soo dedejineyso in Mauro German Camoranesi fursad u helo sidii uu uga tagi lahaa Juve.
Camoranesi ayaa waxaa hada ugaarsi weeyn ugu jiro Kooxaha Ac Milan, Olympique Marseille iyo Birmingham in kastoo maanta eey Taageerayasha Juventus ku hor banaan baxeen Xafiiska Xarunta maamulka kooxda Juventus iyaga oo dalbanaya in Ciyaaryahan Mauro Camoranesi uu la sii joogo Kooxda Juventus.
Dhanka kale Laacibka qadka dhexe ee kooxda Juventus Diego ayaa Maanta sheegay in uusan ka tagi doonin Kooxda Juventus
Diego ayaa waxaa aad u dooneyso Kooxda Bayer München balse maanta ayuu shaqsi ahaan tiisa sheegay inuusan juventus meelna uga socon ( Hoos ka akhri in yar oo warkii uu maanta Diego ku hadlay ah, Af Jarmal)
Kooxda Juventus ayaa waxa eey Xili ciyaareed-kaan iska fasaxeeysaa Laacibiintaan kala ah Christian Poulsen, Zebina, Grosso iyo David Trezeguet .
Waxaana u imaanaya Ciyaartooyda kala ah Milos Krasic oo ka imaanaya ZSKA Moskau una Ciyaara qaranka Serbia & Dennis Aogo oo ka imaanaya Kooxda Hambrug ee Horyaalka Jarmalka una ciyaara xulka qaranka Germany.