|
Xiriiriye iyo Mucjisooyinka Caalamka >> Warar kii ugu dambeeyey ee Dhulgariirkii ku dhuftay dalka Japan oo lagu arkay Mucjisooyin cusub ( Halkaan ka Daawo wixii dhacay) . |
Waxaa sii xoogeeystay Qasaarihii uu geeystay Dhul Gariirkii ku dhuftay Magaalooyin caan ah oo ku yaala dalka Japan kuwaas oo qaarkood si aad ah ugu dhaw Magaalada wax soo saarka ku hormartay ee Caasimada Tokio.
Dhul Gariirkaan oo Awoodiisa lagu sheegay 8,9 ayaa waxa uu si aad ah ugu dhaw yahay Dhull Gariirkii Qatarta badnaa (9,1) ee ku dhuftay wadamada Indonesia, Sri Lanka, Bangaladesh,India,Thailand & Malaysia bishii Dizembar ee sanadkii 2004-tii kaas oo dunida ku reebay magac naxdin badan oo mararka qaar gaaray in la isku caayo kaas oo ah ( Tsunami)
Dhul Gariirkaan oo laga dareemay dhamaan dalka Japan ayaa Qasaaraha ugu xun wexeey soo gaartay Meelihii Ganacsiga ku wanaagsanaa oo inta badan eey ku yaaleen warshadaha wax soorka sida Magaalada Waqooyi Bari ee dalka Japan Yamada oo gebi ahaanba uu dab qabsaday waxaa sidoo kale dhibaato weeyn ku habsatay Garoonka caanka ah ee Diyaaradaha caalamka eey ku kala badashaan waa Sendai oo sidoo kale Daadad biyo xoogan wata eey qaadeen qaar ka mid ah Diyaaradihii dhex yiilay halkaas.
Caasimada Tokiyo dhexdeeda waxaa Qasaaro xoogan uu soo gaaray oo dhamaan uu qalabkeedii dab ka kacay Shirkada Odaiba oo ku dhex taal caasimada dalkaas , waxaa sidoo kale bas beelay oo gubtay Shirkada dhanka Gaas-ka ugu awooda badan dalka Japan ee Yomataha.
Magaalada ugu Calool xumada badneed ee Caalamka oo idil si Live ah looga daawanayey ayaa wexeey eheed Natori oo isku darsatay Dhul Gariirkii ka dib Biyo daadad ah iyo Dab xoogan oo dhamaan dhulka la simay Xarumihii ganacsiga iyo Guryihii dhaa dheeraa ee dhoorka biyaano ka sameeysnaa. Garoonka weeyn ee Diyaaraha Haneda oo ku yaal Duuleedka Magaalada Tokio ayaa waxaa u soo qaxay oo dhex jiifo Kumanaan dad ah .
Ibtilada & Dhulka Gariirka meelaha ugu daran ee uu dhulka la simay ayaa wexeey tahay laga bilaabo Magaalada Miyagi oo 30-km Tokio u jirta ilaa lagu tago Dekeda caanka ah ee Gawaarida Dunida ugu badan laga dhoofiyo waa Sendau waxaana labadaan Degmo u dhaxeeya Dhul dhan 380-Km oo dhamaan ah meelo la degan yahay ama eey ku yaalaan Warshado soo saara qalab kala duwan.
Magaalooyin Xeebeedka lagu magacaabo Kiyodo & Ichihara ayaa Telefishinada Caalamka waxaa laga daawanayey 50.000 oo Ciidamada dalka Mareeykanka ah ee halkaas ka ag dhawaa oo Gurmad aad u weeyn siinayey Dadkii eey daadad-ka qaadeen oo qaarkood cuskanayey meelo Darbiyo bur buray ah oo Biyuhu hoos hee haabayeen.
Dhul Gariir Awoodiisa (8,9 ) sidaan u weeyn tahay weli kama dhicin dalka Japan waxaana ugu dambeeysay mid nuucaan la mid ah mudo hada laga joogo 140-sano.
Telefishinka Qaranka Japan ee NHK ayaa waxaa saaran Heeso Murugo ah oo Dadka weli cabsanaya lagu dajinaayo. Dhimasha ayaa kor u dhaaftay Kumanaan kun waxaa ilaa iyo hada la´layahay Raqda Kumanaan kale. Dhul Gariirka ku dhuftay dalka Japan ayaa Mucjisooyinka lagu arkay iyo waxa uu dheer yahay Dhul Gariiradii Caalamka ka dhacay wexeey tahay isaga oo watay Dabeeylo iyo Duufaano sababay ineey meel kasto oo biyo fadhiyeen soo jabsadaan waxaana taas u sii dheereed Duufaanaha oo kacshay Dab iyo Qaraxyo ku habsaday Warshado aad u fara badan. Halkaan ka Daawo Mucjisada dalka Japan Qabsatay >>> http://www.youtube.com/watch?v=jTKMmLZ0hlE.
Waxaa ilaa iyo hada Korantada iyo Biyaha eey ka maqan yihiin meelo aad uga fog fog halkii uu Dhul Gariir-kaan ku dhuftay.
27-Dal oo ka tirsan Midawga Eu ee Wadamada Yurub ayaa u diray dalka Japan Gurmad Deg Deg ah iyo Ciidamada qaaska ah ee loo taba baray Bad baadinta Caruurta iyo Dumarka.
Mr Ban Ki Moon oo ah UN-Generalsekreter ayaa waxa uu baaq deg deg ah u diray dalalka aan weli gurmadka loo fidinaayo dalka Japan ka qeeyb qaadan.
Filo goor dhaw Warar Top Sport News ah iyo Barnaamishka ku biiri Aqoontaada Sport oo hawada ku soo jira !
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com