Hees cusub oo Wadani ah kana hadleeysa xaalada cakiran ee dalka Somalia ayaa waxaa soo saaray Kooxda Walaalaha Sii Sii Somband oo mudooyinkii ugu dambeeyey looga bartay soo saarista Heeso cusub oo aan horay loo maqal. Heestaan oo lagu sameeyey Studio lana magac baxday Dhiig Bax ayaa wexeey ka bilaabaneeysaa Geedihii Shimbiraha dul saarnaan jireen oo haawanaya cabsi eey ka qabaan Xabadaha wiiftada ah dartood waxaana Musiga laga sameeyey cod Muujinaya Shimbirihii oo Ooynaya iyaga oo Madaafiicda & Xabadaha wiiftad ah ka kala dhuuntay.
Kooxda Walaalaha Sii Sii Somband oo u badnaa soo saarista Heesaha cusub ee Jaceeylka ah ayaa waxaa iska cad in Heestaan cusub ee looga soo horjeedo Dagaalada Ahliga ah ee Shacabka uu ku dhamaanayo mid lagu soo aadiyey xili eey dalka ka Holcayaan Dagaalo lagu riiqmay oo weliba Gacmaha la iskula tagay.
Heestaan oo ilaaheey looga baryey inuu umada dhibaateeysan ee Soomaaliyeed dhibka ka dul qaado ayaa waxaa Murtideeda ka mid ah : Waan ka seexan weeynayoo ,weey na waaleen kuwaan. Wexeey arkaan weey qalaan, Wadankii weey qarbudeen,Waliyoow ilaahayoow Wadankeena noo Ceeymi. Miraha, Laxamka, Jilista iyo Codka Heesta ayaa waxaa iska leh Alifaaga kooxda Walaalaha Sii Sii Somband ahna Tifaatiraha iyo War soo Aruuriyaha Xiriiriye.com Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii) oo dhexda u dhuuqsaday sidii uu dhalinyarada ku dhibaateeysan gudaha dalka Somalia Nabad ugu yeeri lahaa ugna diktoonaan lahaayeen kuwa wax magaratada ah ee ku qal qaaliya ineey dhalinyarada u Dagaalamaan si eey Mustaqbalkooda & Nolashooda dambe u haligaan.