LA YAAB : Dhac & Bililiqo xoogan oo markii 3-aad loo geeystay Laacibiinta kooxda Napoli iyo Xaasaskooda,* Mid ka mid ah Xiddigaha Napoli una Ciyaara Qaranka Argentina oo War baahinta horteeda Hanjabaad ka jeediyey , Maxaad kala socotaa muxuu yiri ? (Halkaan ka Akhriso Cadeenta War bixintaan)
(La Yaab Sport) Ceeb iyo Caro xoogan ayaa ka dhacday magaalada Napoli ee dalka Talyaaniga ka dib markii Dhac xoogan loo geeystay Laacibiinta u safata kooxda SSC Napoli iyo Xaasaskooda.
Weeraryahanka Qaranka Argentina iyo kooxda Napoli Ezequiel Lavezzi oo gudaha dalka Talyaaniga looga yaqaan Pocho ayaa Jaceeylkiisa ama Lamaanihiisa Gabadha lagu magacaabo Yanina Screpante Gaarigii ay wadatay waxaa joojiyey 2 Nin oo Burcad ah kuwaas oo mid ka mid ah uu Madaxa ka saaray Bistoolad kuna amray ineey si Deg deg ah ku soo wareejiso Saacad qaali ah oo eey wadatay weliba eheed nuuca Shirkada loo yaqaan ( Rolex).
Dhac hore oo jiray ka dib waxaa arintaan cusub lagu war geliyey Ciyaaryahan Ezequiel Lavezzi oo si layaab & Xanaaq ah ku yiri sidan " Waxa dhacay ma ahan wax aan filayey kamana dhacaan falalka nuucaan ah wadan Dawlad iyo Nabadi ka jirto,,
Yanina Screpante oo ah Gabadhii Saacada Dahabka eheed laga bililiqeeystay ayaa iyadana wexeey tiri sidan ,, Napoli waa Magaalo Qurun ah , hadii uu mar labaad dhaco dhibka nuucaan ah Pocho halkaan waan ka rarayaa,, (Hoos kala soco War bixintaan Cadeenteeda).
Saxaafada Talyaaniga wexeey qortay ineey Qaldantahay Lamaanaha Ciyaaryahan Lavezzi maadaama ay la xaragootay Saacad Dahab ah weliba Rolex.
Magaalooyinka Napoli, Palermo, Milano iyo Caasimada Roma waxaa ku badan Tuugaada loo yaqaan Maafiyada ee ugaarsata aalaaba Xaasaska Laacibiinta caanka ah.
Martina oo ah Xaaska weeraryahanka Qaranka Slovakia iyo kooxda Napoli Marek Hamsik ayaa Talaadadii la soo dhaafay Hub lagu soo weeraray waxaana laga dhacay Gaarigii ay wadatay oo ahaa BMW X6. Bishii Dezembar Sanadkii 2008 waxaa qudhiisa dhac loo geeystay Weeraryahan Marek Hamsik .
Bishii la soo dhaafay ee Oktoobar Tuugo ayaa jabsatay oo raratay Guri Villa ah oo uu halkaas ku lahaa Weeraryahanka dalka Uruguay iyo kooxda Napoli Edinson Cavani .
Magaalada Napoli wexeey noqotay goob waalan oo Tuugada Mafiayada ah ay ku soo badanayaan. Magaalooyinka aan dhaca iyo Maafiyada nuucaan ah laga aqoon waa Florenza, Udinese iyo Torino.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com
Raubüberfälle auf Frauen der Napoli-Spieler
Der italienische Serie-A-Verein SSC Napoli hat mit Raubüberfällen auf Spielerfrauen zu kämpfen. In der Nacht auf Sonntag wurde die Freundin von Stürmer Ezequiel ?Pocho" Lavezzi, Yanina Screpante, in der süditalienischen Hafenstadt in ihrem Auto von zwei bewaffneten Männern überfallen. Einer der Täter hielt ihr eine Pistole an den Kopf und nahm ihr eine Rolex-Uhr ab.
Die schockierte Argentinierin schrieb daraufhin über Twitter: ?Neapel ist eine Scheißstadt. Wenn mir hier noch mal so etwas passiert, bringe ich Pocho von hier weg!" Die via Twitter verbreiteten Beleidigungen und Drohungen riefen Napolis Clubchef Aurelio De Laurentiis auf den Plan. Rom und Mailand seien genauso gefährlich wie Neapel, meinte der Filmproduzent und maßregelte Lavezzis Lebensgefährtin: ?Während der derzeitigen Rezession sollte man nicht mit einer Rolex am Handgelenk herumlaufen."
Am vergangenen Dienstag war die Frau von Marek Hamsik, Martina, in Neapel überfallen worden. Eine Gruppe von Männern zwang sie unter vorgehaltener Waffe zur Herausgabe ihres BMW X6. Der Slowake selbst war im Dezember 2008 ebenfalls schon einmal überfallen worden. Auch ihm wurde eine Luxusuhr abgenommen. Im Oktober hatten Diebe die Villa von Stürmerstar Edinson Cavani ausgeräumt.