Wiil ku nool dalka Germany ayaa Toogtay ama qudha ka jaray Walaashiis ka dib markii eey Saaxiib la noqotay Nin Jarmal ah (Halkaan ka Daawo)
Nin u dhashay dalka Turkiga oo ku nool dalka Jarmalka ayaa waxaa la sheegay inuu dilay oo uu toogtay walaashiis ka dib markii ay saaxiib la noqotay nin Jarmal ah taas oo uu ninkaas aqbali waayey uuna ku tilmaamay inay walaashiis sharaf dhac ku tahay reerka islamarkaana ay mudan tahay in la Dilo.
Falkaan oo dhacay sanadkii 2005 ayaa ninkaas oo lagu magacaabo Ayhan Sürücü oo dilay madaxana ka toogtay walaashiis haweeneyda la oran jirey Hatun Sürücü islamarkaana ku jira xabsiga ka dib markii lagu xukumay xarig gaaraayo ilaa iyo 9 sanadood ayaa waxaa la sheegay inuu ninkaas markii ugu horeysay la hadlay dhawaantaan saxaafada asagoona sheegay inuu ku faraxsan yahay falka uu geystay maadaama walaashiis oo uu dhaqankeedu noqday sidii dadka Jarmalka oo kale islamarkaana ku noqotay reerkooda mid meel ku dhac ku ah sharaftooda inay tahay xalka kaliya ee gabadhaas walaashiis ah inay dhimato sidaas awgeedna uu u dilay gabadhaas la dhalatay.
Ugu dammbeyntiina iyadoo dalkaas Jarmalka iyo wadamo kale oo reer galbeed ah ay run ahaantii jaah wareer ku qabaan falal dambiyeedka ka yimaado difaaca sharafta reerka oo wadamadaaas aysan jirn sharci iyo qanuun lagu xukmiya ayaa inta badan waxaa loo cuskadaa inuu yahay dil caadi ah laakiin qareenada difaaca dadka geysto fal dambiyeedka ku yimaado difaaca sharafta ayaa ku dooda inuu falkaas ka duwan yahay dil caadi ah maadaama inta badan qofka la dilaayo iyo kan falka geystay ay yihiin dad xigto ahaan isu dhow.
Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=9uWtAFXiZXk
Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com