Hadal heeynta ugu badan dhanka Saxaafada Sportiga oo noqotay Dhicii & Bililiqadii loo geeystay Laacibiinta Inter ee kala ah Wesley Sneijder & Samuel Eto'o . Maxaad kala socotaa Qalabka laga Bililiqeeystay? (Akhri War bixinta oo Tarjuman) * Qaranka Iiraan oo noqday Dalkii ugu horeeyey ee u soo baxa Wajiga 2-aad ee koobka Qaramada Asia & Iraaq oo Xulka Imaaraadka Carabta dhibcihii uga qaaday Gool eey daqiiqadii 90-aad iyaga iska dhaliyeen (Halkaan ka Daawo Warar kaan )
*Xiriiriye World Sport News* : Wararka ugu hadal heeynta badan dhanka Sportiga ayaa noqday kiiskii dhaca ahaa ee loo geeystay ciyaartooy caan ah oo u safata kooxda Inter
Milan. Laacibiintaan ayaa kala ah Wesley Sneijder oo u ciyaara Qaranka Holland & Samuel Eto'o oo dhanka weerarka ka caawiya Xulka Cameroon.
Ciyaartooydaan ayaa xiligii Guryahooda la Bililiqeeysanaayey wexeey ku maqnaayeen Fasaxii sanadka cusbaa wexeeyna dib ugu soo laabteen Guryahoodii ama Aqaladoodii oo daaqadaha & Albaabada iskugu furan yihiin taas oo ah cadeen in aan waxba loo reebin wexeeyna horay ka weceen ciidamada Booliska inta eeysan gudaha u gelin Aqaladooda.
Ciyaartooydaan oo degan Guryaha nuuca cusub ee loo yaqaan Florida Villa ayaa waxaa laga Bililiqeeystay dhamaan wixii Dahab , Dhar & Saacado yaalay balse dhibaatada ugu weeyn ayaa wexeey soo gaartay Ciyaaryahan Samuel Eto'o oo Tuugadii gurigiisa dhacday eey horay u sii qaateen gaarigiisii qaaliga ahaa ee Luxuscar-Bentley oo qiimahiisa lagu sheegay lacag ka badan 128 kun oo Euro.
Tuugada Guryaha Ciyaartooydaan dhacday ayaa lagu sheegay ineey ahaayeen nuuca dalka Talyaaniga looga yaqaan La Brigata Rosa waxaana adag inta badan in la soo qabto maadaama eey leeyiin xirfad ama Tababar eey horay u soo qaataan inta eeysan Xatooyada ama Bililiqada fulin. Mucjisada ugu weeyn oo eey ciidamada amniga soo ban dhigeen ayaa eheed qaabkii eey ku galeen Tuugadaan Maafiyada ah Guryaha Laacibiintaan maadaama inta eeysan gudaha u gelin dhamaan eey wada damiyeen Kaamerooyinkii ku xirnaa guryahaas.( War bixintaan oo Tarjuman ka akhri halka ugu hooseeyso Beej-kaan ee Xiriiriye).
Ugu dambeentii warar kii ugu dambeeyey ee ka soo baxaya Kiiska Bililiqadaan ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska ee magaalada Milaano eey soo bandhigeen cadeeymo sheegaya ama tilmaamaya in Gaarigii ciyaaryahan Samuel Eto'o loo beec geeyey magaalo ka tirsan dalka Faransiiska waxaana dib idin kala socod siin doonaa haduu alle raali ka noqdo sida uu ku dhamaado kiiskaan oo noqday mid eey Saxaafada Sportiga aad ugu mashquushay.
*** Waxaa weli si aan kala joogsi laheeyn u socda koobka Qaramada Asia oo sanadkaan ka furmay dalka Qatar.
Kulamadii ugu dambeeyey oo aad u xiiso badnaa ayaa wexeey dhex mareen dalalka Iiraan Vs North Korea waxaana 1-0 ku badisay Iiraan oo noqotay dalkii ugu horeeyey ee u soo gudba wajiga 2-aad ee koobka Qaramada Asia madaama kulankii hore eey 2-1 ku soo garaaceen Qaranka Iraaq oo ah kan difaacanaya koobkaan.
Goolka Iiraan waxaa daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta qeeybteedii 2-aad u saxiixay ciyaaryahan Ansar ifard. Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=3BWIaR1fZ-8.
Xulka Qaranka Imaaraatka Carabta oo loo balan qaaday Lacag xoogan hadii eey soo gaaraan 4-ta koox ee ugu dambeeysa koobka Qaramada Asia ayaa Riyadaas wexeey noqotay mid iska hadal ah . Imaaratka ayaa waxaa garaacay oo dhibcihii ka xayuubsaday Dalka Ciraaq oo ah wadan eey aafeeyeen Dagaalo ahli ah iyo Qaraxyo joogto ah.
Goolka eey Ciraaq ku badisay ayaa waxaa uu ahaa mid uu kooxdiisa ka dhaliyey Ciyaaryahanka dhanka Difaaca uga ciyaara Qaranka Imaaraatka Walid Abbas. Halkaan ka Dawo Ciyaarta oo eheed mid weerar iyo Weerar celis ah maadaamo Xulka Imaaraadka uu lacag u diriraayey halka Iraaq eey cidiyaha ku dagaalantay >>> http://www.youtube.com/watch?v=FAeO7Ed1Oms.
Waxaa hada socda kulamo adag oo Studio Xiriiriye Live-ka ah sida Kulanka Qatar Vs Kuweit oo xulka Qadar 2-gool uu ku horeeyo iyo China Vs Uzbekistan oo 1-1 mareeyso iyo weliba kulanka adag ee Tottenham Vs Man Utd oo kambiyo 0-0 lagu kala baxay halka ciyaartii adkeed ee kooxaha is neceb ee isku magaalada ah 2-2 ku soo dhamaatay waa Fc Liverpool Vs Everton (Filo All Sport News )
Natiiijooyinka iyo Faaqidaada Horyaalada England & Italy filo marka uu dhamaado kulanka Tottenham Vs Man Utd iyo kan Lecce Vs Milan.
War bixinta Tuugada Bililiqeeysatay Guryaha Wesley Sneijder & Samuel Eto'o ka aqri halka ugu hooseeyso :
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com
Diebe haben in den vergangenen Tagen die Wohnungen von zwei Mailänder Fußballstars ausgeraubt. Bei ihrer Heimkehr nach den Weihnachtsfeiertagen erlebten die Stürmer Samuel Eto'o und Wesley Sneijder von Inter Mailand eine böse Überraschung.
Ihre Wohnungen in der Mailänder Innenstadt wurden geplündert. Aus der Wohnung von Sneijder wurden Uhren, Juwelen und Designer-Kleidung gestohlen. Die Mailänder Polizei ermittelt.
Stürmerstar Samuel Eto'o vom italienischen Fußball-Meister Inter Mailand ist Opfer eines Diebstahls geworden. Die Diebe entwendeten in Mailand ein sündhaft teures Luxusauto der Marke Bentley, Das Auto ist nach Angaben der Mailänder Tageszeitung Corriere della Sera einige Hunderttausend Euro wert.