BARNAAMISHKA KU BIIRI AQOONTAADA SPORT : Maxaad kala socotaa Ebid dhaawicii ugu xumaa oo Ciyaaryahan loo geeysto isaga oo Kubada wata? Xiddiga dhibkaan geeystay waxaa wanagsanaan leheed inuu Qori qaato ka dibna iska xaadiriyo goobaha Dagaaladu eey ka socdaan ee Caalamka !! (Halkaan ka Daawo muuqaalkaan Naxdinta badan hana isku furin hadaad Ciyaaraha kubada cagta Nici doontit)
(Xiriiriye.com iyo Barnaamishka ku biiri Aqoontaada Sport) : Xiddiga dhibka iyo Dhaawacaan halista ah loo geeystay waxa uu u dhashay dalka Republica del Ecuador magaciisana waa Victor oupa Ngulube (FC Carara). Wuxuu doonayey inuu soo ceshto Kubad uu lahaa oo ka sii bixi rabtay . Laakiin taas ma dhicin oo balaayo uusan weligiis ku fakarin ayuu la kulmay ka dib markii Xiddig kale oo ka mid ahaa Ciyaartooydii ka soo horjeeday uu sabaaxad Xaassidnimo ah soo kacay lana beegsaday Lugtii ama ciyaaryahankii doonayey inuu kubada soo ceshto !!
Dhaawacaan waxa uu noqday kii ugu halista badnaa inta Taariikhda Ciyaaraha kubada cagta la ogyahay, maxaa yeelay Ciyaaryahankii la dhaawacay Lugtiisa waxaa laga dhigay Xanjo ama Caag la isku duub duubi karo mudo 3-bilood ah kadibna waxaa laga jaray Lugtii sida naxariisdarada eheed looga dhaawacay .
Dhaqtarkii Xiddigaan daaweeynayey wuxuu sheegay ka soo biloow jilibka kore ilaa qoobka hoose ineey isku dhex daateen Dhuuxii iyo Lafihii Lugta Xiddigaan. Inkaar qabihii dhibkaan geeystay oo ku doodayey inuu soo taraaraxay ama ugu dan leheen dhaawacaas ayaa waxaa Ciyaaraha caalamiga ah laga mabnuucay mudo 6-bilood ah oo kaliyah waxaana sidoo kale la ganaaxay Lacag aan sidaas u badneen.
Xiddiga wax qalay wuxuu u ciyaaraa kooxda Mpumalanga Black Aces (South Africa) magaciisa waa Felex Musasa waxaana wanaagsanaan leheed inuu si toos ah iskaga xaadiriyo goobaha eey ka socdaan Dagaalada ahliga ah ee ku yaal Caalamka.
Halkaan ka Daawo Dhaawacaan oo lagu tilmaamay mid Bahalnimo ah http://www.youtube.com/watch?NR=1&v=kaoB7YngEcw .
FILO GOOR DHAW FAAQIDAADA HORYAALADA IYO WORLD SPORT NEWS !!