Xiriiriye & Warar kii Caalamka ugu hadal heeynta badnaa : Maxkamada Dabmiyada Dagaalka ee Den Haag oo Maanta Xukun ku riday Al-Gaddafi ,Wiilkiisa Saif Al-Islam iyo Taliyaha Sirdoonka dalkaas,* Ciidamada Mucaaradka Liibiya oo 80-Km u soo jirsaday Caasimada Tripoli iyo Warar kale oo Top ah (Halkaan ka Daawo).
Ciidamada Mucaaradka dalka Liibiya ee sida weeyn ugu kacsan Madaxweeyne Muammar al-Gaddafi ayaa markii ugu horeeysay wexeey si buuxda ula wareegeen Magaalada muhiimka ah ee Bir al-Ghanem oo 80 km u jirta Caasimada dalka Liibiya ee Tripoli.
Isbuucii la soo dhaafay ayeey eheed markii sidoo kale Magaalo Xeebeedka ugu muhiimsanaa dhanka Awooda Xoogaga Qadaafi gacantooda laga baxshay taas oo eheed Magaalada Dscherba oo Ciidamada Mucaaradka dalka Liibiya eey Xili habeen Saq dhexe ah Afrta dhinac ka soo weerareen.
Ciidamada Mucaaradka dalka Liibiya ee sida weeyn ugu kacsan sii joogitaanka Madaxweeyne Mucamar Al: Qadaafi ayaa la sheegay ineey heleen Hub Casri ah oo oo uga yimid dhanka Ciidamada Gaashaanbuurta NATO gaar ahaan kuwa Faransiiska.
Sidoo kale Maanta waxaa go´aan xukun ridis ah soo saartay Maxkamada Dambiyada Dagaalka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan( IStGH) xarunteedana eey tahay Magaalada Den Haag ee dalka Holland.
Maxkamadaan Dambiyada Dagaalka ayaa wexeey xukun in la soo qabto ah ku riday Madaxweeyne Muammar al-Gaddafi,wiilkiisa Saif al-Islam oo 39 jir ah iyo sidoo kale Madaxa ama Taliyaha Sirdoonka dalka Liibiya waa ninka lagu magacaabo Abdallah Senussi 62-jir ah weliba qaba Gabadha Madaxweeyne Muammar al-Gaddafi.
Maxakamada ayaa la hor keenay kiis ka kooban 1.200 oo Dokumeentiyo cadeenaya ineey Sadexdaan shaqsi ka dambeeyeen Xasuuqa boqolaal Shacab aan hubeeysneeyn ah . Dhanka kale Midawga dalalka Africa ayaa soo jeediyey ineey Ciidamo u diraan dalka Liibiya.
Halkaan ka Daawo Kiiska Qadaafi iyo kooxdiisa lagu soo oogay http://www.youtube.com/watch?v=D5JtrqRoMcI .
Maxkamada Dambiyada Caalamka oo Liiskeeda noqday mid aan dhamaan & Soomaali Mustaqbalka dhaw laga xaadirin doono (Halkaan ka Daawo haweeneey Wasiir ka eheed Ruwanda oo lagu soo eedeyey ineey Shacab badan Madaxa ka jartay). Waxaa hubaal ah in Maxkamada Dambiyada Dagaalaka ee Caalamka eey u qarsoon yihiin Magacyada Shaqsiyaad badan oo Soomaali ah kuwaas oo loo heeysta Xasuuqii ka dhacay dalka ka soo biloow Sanadkii 1991-dii ilaa Maanta oo lagu jiro 2011-ka.
Dadka ama Kiiska Magacyada u qarsoon Maxkamada Dambiyada Dagaalka ee Caalamka inta badan waa Top Secret iyo lama sheegaan, maxaa yeelay dadka Kiisaskaan loo heeysto waxaa la qabtaa ama gacanta lagu dhigaa iyaga oo waxba ogeeyn ama dalal kale Safar ku jooga.
Haweeneeydii ugu dambeeysay ee la saaray Maxkamada Dambiyada Dagaalka ayaa wexeey u dhalatay dalka Ruwaanda waxaana lagu soo eedeeyey ineey masuul ka eheed Xasuuqa loo geeystay Shacab aad u tiro badan ka dibna Madaxyadoodii oo Qolfaaf noqday Miis lagu sharaxay. Haweeneeydaan oo Wasiir ka eheed Dalkaas ayaa waxeey ka qeeyb qaadatay dagaalkii Qabaailada Tutsiga iyo Huutuuga.
Halkaan ka Daawo xasuuqa loo heeysto Ex-Wasiiradaan : http://www.youtube.com/watch?v=I6lDQ-JZjKc