(25) Liiska Xiddigaha Farxada ee inta badan Garoomada uga baxa iyaga oo Qoslaya ama Faraxsan, Laacibiintaan waxaa yar ama aan la arag Dhibka eey u geeystaan Xiddigaha kale (Akhri Kooxaha eey u saftaan & Qaramada eey u dhasheen >> Qeeybtii 2-aad Baro Dhaqamada Laacibiinta Caalamka) !!
Nobody is Perfect: Ma jiro Qof sax sanaan karo 100% balse waxaa xaqiiqo ah in Qofka Beniaadamka ah uu meel uun Cilad ka leeyahay sida kaaga cad Laacibiinta Caalamka Hab-dhaqameedkooda.
Horay waxaan idinkugu soo bandhignay Qeeybtii 1-aad ee Barnaamishkaan Baro Laacibiinta Caalamka hab dhaqameedkooda 25 ka mid ah Xiddigaha buuqa badan ee inta badan Xanaaqa iyo Qeeylada la dhex yimaada Garoomada Caalamiga ah.
Maanta waxaad ka Bogan doontaan Qeeybtii 2-aad Barnaamishka Baro Laacibiinta Caalamka Hab-dhaqameedkooda 25 Ciyaaryahan oo lagu sheegay Xiddigaha ugu Kaftanka iyo Qosolka badan Maslaxa Ciyaaraha kubada Cagta.
Laacibiintaan waxaa aad u yar dhibkooda wexeeyna Garoomada la soo galaan ama uga baxaan Qosol & Farxad soo jiita Mujtamaca Ciyaaraha kubada Cagta jecel. Ciyaartooydaan qaar ka mid ah maba hadlaan oo wexeey u dhasheen Aamusnaanta balse marka laga daba geeyo ama laga Xanaajiyo cid kaa fur fureeyso ma jirto.
Arinta ugu Yaabka badan wexeey tahay mararka qaar waxaa ka dhaca Garoomada dhexdooda Jilaafo iyo Balaayo kale oo loo geeysto Laacibiintaan balse kama Jawaabaan Falkaas lagula kacay wexeeyna inta badan Dhulka ka soo kacaan iyaga oo Qoslaya ka dibna yaabkaas waxa uu Aalabiitaraha Ciyaarta hayey ku qasbaa inuu Jaalle ama Rooso ka daba geeyo Xiddigii Jilaafada geeystay !!
HALKAAN KA AKHRISO LIISKA CIYAARTOOYDA FARXADA IYO KAFTANKA FARAHA BADAN U DHALATAY :
1-Alessandro Del Piero, Juventus & Qaranka Italy.
2-Philipp Lahm, Fc Bayern Munchen & Qaranka Germany.
3-Frank James Lampard , Fc Chelsea & Qaranka Englaand.
4-Gonzalo Gerardo Higuain, Real Madrid & Qaranka Argentina.
5-Andres Iniesta Lujan, Fc Barcelona & Qaranka Spain.
6- Claudio Miguel Pizarro,Werder Bremen & Qaranka Peru.
7-Mesut Mustafa Özil, Real Madrid & Qaranka Germany.
8-Andrea Pirlo, Juventus & Qaranka Italy.
9-Habi Alonso Olano, Real Madrid & Qaranka Spain.
10-Samir Bin Nasri, Man City & Qaranka France.
11-Samuel Eto'o Fils , Anzhi Makhachkala & Qaranka Cameroon.
12-Ricardo Izecson dos Santos Leite kaka , Real Madrid & Qaranka Brazil.
13-Salomon Armand Magloire Kalou, Fc Chelsea & Qaranka Ivory Coast.
14-Frank Bilal Ribery, Fc Bayern Munchen & Qaranka France.
15-Javier Chicharito Hernandez, Man Utd & Qaranka Mexico.
16-Torsten Frings, Werder Bremen & Qaranka Germany.
17-Arda Turan, Atletico de Madrid & Qaranka Turkiga.
18-Robin Van Persie, Fc Arsenal & Qaranka Holland.
19-Eric-Sylvain Bilal Abidal, Fc Barcelona & Qaranka France.
20- Alex Rodrigo Dias da Costa, Fc Chelsea & Qaranka Brazil.
21-Sergio Busquets Burgos, Fc Barcelona & Qaranka Spain.
22- Robson de Souza Robinho , Ac Milan & Qaranka Brazil.
23-Gnegneri Yaya Toure, Man City & Qaranka Ivory Coast.
24-Diego Forlan Corazo, Inter Milan & Qaranka Uruguay.
25-Rafael Ferdinand Van der Vaart, Tottenham & Qaranka Holland.
FIIRO GAAR AH : Xiddigahaan qaar uma saftaan xiligaan Qaramadooda laakiin Qaranka waxaan kala jeednaa > u dhashay iyo > u soo Ciyaaray.
HOOS KALA SOCO QEEYBTII 1-AAD EE BARNAAMISHKA BARO HAB DHAQAMEEDKA LAACIBIINTA CAALAMKA KUWOODA BUUQA IYO XANAAQA BADAN:
Liiska 25-ka Magac ee Xiddigaha ugu Dabeecada kulul Maslaxaha Ciyaaraha kubada Cagta iyo Kooxaha eey u saftaan , Saxaafada Caalamka qaar ayaa Laacibiintaan u taqaan Ciyaartooyda Madax Faluuqa ee Xanaaqa dhaw !!
Maslaxa Ciyaaraha kubada cagta waxaa caan ka ah Laacibiinta lagu tiriyo ineey Xanaaq dhaw yihiin kuwaas oo inta badan ilaawa ineey dhex joogaan Garoon caalami ah . Ciyaartooydaan hadii laga gar daran yahay waxaa si deg deg ah isku taabto Fiilooyinkooda Xanaaqa wexeeyna inta badan ka Jawaabaan dhibkii loo geeystay ama Sabaaxadii la la kacay (Jilaafo,Faol) .
Xiddigahaan mararka qaar iyaga ayaa Gardarada bilaaba ama Majaxaabiya Ciyaartooy kale balse waxaa la yaab noqotay ma laga yaabo ineey qirtaan dhibka eey geeysteen wexeeyna ku adkeeystaan in laga qaldanaa. Laacibiintaan marka eey xanaaqaan Roosada iyo Jaalaha weey iloobaan inta badan waxaana Qatar gala Alabiitarayaasha xiliyadaas dhex dhexaadinta wada.
Hadaba maxaad kala socotaa Liiska Ciyaartooyda Maslaxa Ciyaaraha kubada Cagta ugu Dabeecada kulul ama Xanaaqa badan oo uu soo bandhigay Jaraaidka FANLAGE ? (Hoos ka Aqriso magacyada Xiddigahaan iyo kooxaha eey u Ciyaaraan) !!
1-Ivan Gennaro Gattuso ,Ac Milan & Qaranka Italy.
2-Wayne Mark Rooney,Man Utd & Qaranka England.
3- Emmanuel Eboue, Galatasaray Istanbul & Qaranka Ivory Coast.
4-Mark Peter Gertruda Andreas van Bommel, Ac Milan & Qaranka Holland.
5-Peter James Crouch,Stoke City & Qaranka England.
6-Mark Matarazzi, Inter Milan & Qaranka Italy.
7-Nigel De Jong, Man City & Qaranka Holland.
8-Sergio Ramos Garcia, Real Madrid & Qaranka Spain.
9-Zlatan Ibrahimovic, Ac Milan & Qaranka Sweden.
10-Mario Balotelli Barwuah, Man City & Qaranka Italy.
11-Luis Alberto Suarez Diaz, Fc Liverpool & Qaranka Uruguay.
12-Thomas Müller,Fc Bayern Munchen & Qaranka Germany.
13-David Villa Sanchez, Fc Barcelona & Qaranka Spain.
14-Lucimar Ferreira da Silva, Inter Milan & Qaranka Brazil.
15-Sheyi Emmanuel Adebayor, Tottenham & Qaranka Togo.
16-Arjen Robben ,Fc Bayern Munchen & Qaranka Holland.
17-Kevin-Prince Boateng, Ac Milan & Qaranka Ghaana.
18-Carlos Alberto Tevez, Man City & Qaranka Argentina.
19-Francesco Totti, As Roma & Qaranka Italy.
20-Michael Ballack,Bayer Leverkusen & Qaranka Germany.
21-Philippe Mexes, Ac Milan & Qaranka France.
22-Nemanja Vidic, Man Utd & Qaranka Serbia.
23-Daniele De Rossi ,As Roma & Qaranka Italy.
24- Felipe Melo, Galatasray Istanbul & Qaranka Brazil.
25-Arturo Erasmo Vidal Pardo, Juventus & Qaranka Chile.
FIIRO GAAR AH : Xiddigahaan qaar uma saftaan xiligaan Qaramadooda laakiin Qaranka waxaan kala jeednaa > u dhashay iyo > u soo Ciyaaray. 5 ka mid ah Xiddigahaan Xanaaqa badan wexeey u saftaan Naadiga Ac Milan sida war bixinta ku cad.
By.Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii) www.Xiriiriye.com,
Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka .
omarinnho@hotmail.com .