Bayern München oo la saarnaa ilaa dhamaadkii Ciyaarta ayaa waxaa ka fujiyey Xiddigihii World Cup 2010 wacdaraha ka soo dhigay sida Thomas Müller oo Gool dhalinta World Cup soo qaaday iyo Miro klose.
Müller ayaa daqiiqadii 75-aad ka naxsaday kooxda Schalke ka dib markii uu gool kiisii 1-aad ka dhaliyey waxaana daqiiqadii 81-aad sii raacsaday oo kooxda Schalke iyo Raul-kii eey soo gateen dhawaan isa sii daba dhigay Miro Klose oo Ciyaarta 2-0 ka dhigay.
Kooxda Baayer ayaa waxa uu Koobkaan u noqonayaa kiisii 3-aad maadaama eey horay u soo qaaday Horyaalka, Cup-ka , iyo hada oo eey qaadeen Super-Cup-ka waxaana dhaafay oo faro cidiyo leh uga badbaaday Uefa Champions League oo Inter 2-0 iskaga reebtay.
Deco oo Chelsea ka huleelay aadayna Kooxda Fluminense.
Laacibka qadka dhexe ee Qaranka Portugal iyo Naadiga Fc Chelsea ayaa waxa uu u wareegay Kooxda Taageerayasha fara badan ku leh dalka Brazil ee Fluminense Rio de Janeiro.
Maalinta Isniinta ee beri ah ayaa waxaa lagu war geliyey dhamaan taageerayasha kooxda Fluminense Rio de Janeiro eey ka soo qeeyb galaan soo dhaweeynta Deco oo garoonka kooxdaas dhexdiisa lagu sameeyn doono.
Fc Chelsea & Macalin Ancelloti ayaa wado qorshe ah ineey iska diraan Laacibkii 32-sano jir ka weenaado wexeeyna sidan camal iskaga fasaxeen laacib Michael Ballack oo Chelsea aad u jeclaa kuna sheegay Nasiib kiisii dunida kii ugu wanaagsanaa maxaa yeelay 11-Final oo uu Ballack yimid ma aanun qaadin wax koob ah marka hada laga reebo Chelsea oo bog iyo Farxad cusub u furtay Ballack waxaa uu la qaaday 2-Fa Cup-ka ah iyo hal Horyaal, sidoo kale waxa uu la yimid hal mar Champions League finale xiligaas oo Man Utd rigooreyaal uga qaaday fc Chelsea Caasimada Moscow ee wadanka Ruushka.