Macalinka Fc Chelsea Carlo Ancelotti oo Didier Drogba ku eedeeyey in uu xiliyadii ugu dambeeyey Xooga saaray Ciyaarta Basketball-ka Iyo Drogba oo ku faanay in Premier League looga fadhiyo cidii celin leheed isaga iyo Fernando Torres . ( Halkaan ka Daawo Didier Drogba Qaabka uu Basketball-ka u ciyaaro)
Macalinka kooxda Fc Chelsea Carlo Ancelotti ayaa si kulul oo gambasho la heeyn u eedeeyey Weeraryahanka Qaranka Ivory Coast iyo kooxda Fc Chelsea DidierYvesDrogba . Tababare Carlo Ancelotti oo u dhashay dalka Talyaaniga ayaa waxaa ka muuqday is badal ku yimid Taageeradii iyo kalsoonidii uu u hayey Didier Drogba xili uu u waramayey Skysport. Carlo Ancelotti oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii diiday in sanadkaan kooxda Fc Chelsea iska iibiso Laacib Drogba ayaa Canaanta iyo hadalka waxa uu ku bilaabay sidan :" Didier Drogba waa Laacib Naadiga Chelsea wax weeyn u soo taray balse maalmihii ugu dambeeyey waxa uu la soo baxay Ficil aanan u bogin oo laga yaabo inaan aniga iyo isaga ku kala dhimano waana Ciyaarta Basketball-ka oo wakhtigii uu dheeli jiray badsaday taas oo laga yaabo in is badal weeyn uu uga yimaado Tababarka ciyaarta kubada Cagta.
Didier Yves Drogba oo Ciyaarta Basketball-ka Isbuucii hal mar ciyaari jiray ayaa hada waxaa lagu eedeeyey inuu ka dhigtay Isbuucii 3-jeer wexeeyna taas u cuntami weeysay dhamaan Maamulka kooxda Fc Chelsea & Macalin Carlo Ancelotti oo inta badan isku dayo in Drogba Chelsea eeysan iska sii deeynin ama iska iibin.
Skysport oo markiisa Qadka soo galiyey Didier Drogba ayaa waxaa isna wax laga weey diiyey Eeda loo heeysto iyo sida eey wax u jiraan wuxuuna ku jawaabay sidan : "
Macalin Carlo Ancelotti Respect ayaan u hayaa waxa uu yiraahdane waa sax oo beryahaan Hobby-geeyga waxaa jiitay Ciyaarta Basketball-ka waana ka raali galinayaa Maamulka Fc Chelsea & Taageerayaasha kooxda oo ka xumaaday sida aan ugu mashquulay ciyaarista iyo xayeeysiinta Ciyaarta Basketball-ka !!
Skysport ayaa Didier Yves Drogba waxa uu weey diiyey Awooda kooxda Chelsea oo hoos u dhacday waxa u sabab ah iyo Rajada eey ka qabaan qaadista Horyaalka Ingiriiska wuxuuna ku jawaabay isaga oo wax eed ah aan dusha ka saarin Macalin Carlo Ancelotti sidan :" Horyaalka England Premier League 2010/2011 anaga ayaa iska leh oo qaadi doona laakiin waxaan u sheegayaa kooxaha kale ee ku riyoonaya ama u Hanqal taagaya Premier League ineey qaadaan sanadkaan waxaa looga fadhiyaa ineey diyaarsadaan cidii na celin laheeyd Aniga iyo Fernando Torres !!!
Hadalka Drogba ayaa waxaa loo fasirtay Faan mana ahan markii ugu horeeysay oo Ciyaaryahan caan ah uu Hanjabaad hawada u soo mariyo kooxaha kale waxaana ugu dambeeysay Xiddigihii Faanka ama hanjabaada kooxaha kale hawada u soo mariyey ciyaartooy eey ka mid ahaayeen Carlos Tevez iyo Emmanuel Adebayor oo xiligaas sheegay in kooxda Man City cidii agteeda soo marta eey qararamsan doonaan taas oo been noqotay maadaama eey waayeen hal koob oo eey Jeebka gashtaan ama ku qanciyaan Maamulka & Naadiga kooxda Man City oo abaar koob la aaneed eey daris la noqotay.
Laacib Drogba ayaa mararka qaar waxaa ciyaarta Basketball-ka u raaca xiliyada eey Firaaqada leeyihiin Ciyaartooyda kala ah Frank Lambard & Peter Cech oo iyagana lagu tiriyo Rag dhaa dheer. Weeraryahan Didier Drogba oo Taageerayaasha kooxda Fc Chelsea ugu yeeraan Big-Dopple Drogba ayaa xiliyadii ugu dambeeysay waxa uu Lacago la la yaabay ka helay Shirkado Mareykan ah oo ka socday The National Basketball Association (NBA) iyo Tv-ga ESPN NBA oo dhamaantood ka sii beec mushtaray Mucjisada Ciyaaryahan caan ku ah Ciyaarta kubada cagta uu si weeyn u jeclaaday wakhtina u siiyey inuu Ciyaaro Basketball-ka oo inta badan eeysan Balwad u laheeyn Ciyaartooyda Kubada cagta ee Caalamka.