Laacibka qaranka Ivory Coast iyo naadiga Fc Chelsea ayaa bahda Sportiga taageerta iyo Dadka Aragiisa yaqaan ka yaabsaday.
Drogba ayaa waxaa lagu arkay Wadamo dhoor ah isaga oo waardiye la´aan dhex socda meelaha dadku u badan yihiin ee suuqyada Caalamka.
Drogba oo lagu arkay Wadamada Biljemka, Senegal, South Africa, France iyo Masar ayaa Dadka yaqaan ka yaabsaday markii Su´aal nin ka hor yimid uu weeydiiyey inuu yahay Didier Drogba ama indhiisa eey been u sheegeen.
Ninka suaashaan weey diiyey Drogba oo kula kulmay dalka Belguim magaalada Gent Drogba oo Dukaan ka adeeganayaa ayaa intaas ka dib qoslay oo yiri Sorry Player . Warkaan ayaa waxaa maanta soo daayey Telefishinka Canal Plus ee laga leeyahay France.
Tv-ga ayaa ku soo gaba gabeeyey in Didier Drogba uusan ka mid aheyn Ciyaartooyda isla weeyn ee Bulshada iska qar qarisa.