LA YAAB : David Alaba >> Laacib oradkiisa laga qeeyliyey oo hadana 4-Qaran ay isku qabsadeen balse hada Dalkii iyo Qarankii qaatay oo looga Caleemo saaray Abaalmarinta Xiddiga Sanadka 2011 >> Ku biiri Aqoontaada Sport (Halkaan ka Daawo Wacdarihiisa iyo Goolashii ugu dambeeyey ee uu u dhaliyey Kooxda Fc Bayern Munchen).
(Barnaamishka LA YAAB SPORT+ Ku Biiri Aqoontaada Sport) . Maslaxa Ciyaaraha Kubada cagta ma ahan wax ku cusub in Laacibiin caan ah ay ka duqoobaan halka Laacibiin cusub ay ku soo biiraan Kooxaha ugu caansan Horyaalada Yurub. Hadaba waa kuma David Alaba???
David Olatukunbo Alaba wuxuu ku dhashay 24-kii Bishii Juun Sanadkii 1992-kii Magaalada Vienna ee Caasimada dalka Austria. David Alaba Aabihiis waa Neyjeeriyaan, Hooyadiisna waa Filipiiniyaan. >> ( Seine Mutter stammt von den Philippinen, sein Vater aus Nigeria >> is an Austrian international footballer who plays for Bayern Munich. He plays as a left or central midfielder).
Laacibkaan Da´da yar oo Caalamka ka yaabsaday waa Xiddig ay iska dhaleen Qaarado ama Qoowmiyado kala duwan (Asia & Africa) Wuxuuna ku dhashay Qaarada Yurub gaar ahaan dalka Austria oo hada uu u safto Qarankooda (ÖFB).
Arinta ugu yaabka badan wexeey tahay Laacibkaan da´da yar marka uu kooxdiisa Fc Bayern Munchen iyo Qaranka Austria u ciyaaraayo Bareega ma qabto waxaana si weeyn looga qeeyliyey Oradkiisa faraha badan isaga oo inta badan Kubada ka dafo Xiddigaha ka soo hor jeedo.
Halmar oo qura ayaa Xiddigaan intii uu Juunyarka ahaa waxaa isku qabsatay 4-Qaran oo mid kaste uu Xaq ku leeyahay : Waa Germany oo Juunyarka Fc Bayern Munchen uu ka tirsanaa weliba doonayey inuu Qarankooda 21-Jirada ku biiro si uu ugu sii gudbo Xulka waa weeynka ee (DFB).
Qaranka Nigeria oo aabihiis iyo isagaba asal ahaan ka soo jeedaan weey ku dhegnaayeen. Qaranka Filipiin oo Ciyaaraha Kubada cagta aan wax sidaas ah ugu wanaagsan wexeey u soo dirsadeen Qoraalo ay kaga codsanayaan Laacib David Alaba inuu u safto kulamada Koobabka Qaarada Asia maadaama Hooyadiis iyo dhiigiisa kala bar yahay Filibiinees.
Warkaan iyo Hunguri weeyninkaan waxaa ka war helay Xiriirka Kubada cagta ee dalka Austria oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan (ÖFB). Qaranka Austria oo xa u lahaa Xiddigaan mucjisada ah maadaama uu Dalkooda ku dhashay wexeey si deg deg ah ugu dareen isaga oo aad u da´yar Xulka Qaranka Waa weeyka.
Intaas ka dib maxaa dhacay? Laacib David Alaba oo lagu sheegay Ciyaaryahan aad u Nasiib badan waxa uu jabiyey 3-Iskoor oo muhiim ah weliba Taariikh mudan. 14-kii Bishii Oktoobar Sanadkii 2009-ka waxaa lagu soo daray Qaranka dalka Austria isaga oo 17-sano iyo 112 Maalmood jir ah.
6-dii Bishii Maarso sanadkii 2010-ka waxaa David Alaba la soo safay Horyaalka Bundesligaha dalka Germany isaga oo 17-sano iyo 256-Maalin jir ah.
Nasiibka Ciyaaryahan David Alaba oo weli xaawli ku socda ma dhamaan ee Koobka Horyaalada Yurub ee The Uefa Champions League ayaa la soo safay 9-kii Bishii Maarso Sanadkii 2010-ka xili uu ahaa 17-sano 259-maalmood jir.
Mucjisadaan cusub Aabihiis waxaa lagu magacaabaa George Alaba waana Fanaan sameeya Heesaha loo yaqaan Dj-ga. Walaashiis Rose Alaba oo 17-sano Jir ah hada ayeey noqotay Fanaanad qaada Heesaha Pop-ka wexeeyna ka mid tahay Gabdhaha Popstars Girlgroup.
Laacib David Alaba waxa uu horay ugu soo ciyaaray intii uu yaraa Kooxaha kala ah SV Aspern, 22 Wiener Gemeindebezirk, Donaustadt, FK Austria Wien, Hoffenheim iyo hada oo uu u safto kooxda Fc Bayer Munich.
Laacibkaan waxaa aad u Jecleeystay oo mar kasta amaana Laacibiinta kala ah Arjen Robben, Frank Bilal Ribery, Bastian Schweinsteiger, Mario Gomez iyo Thomas Müller oo dhamaantood u wada Ciyaara kooxda Fc Bayern München.
Ugu dambeeyntii Laacib David Alaba oo ka Ciyaari kara Qadka Dhexe iyo Dhanka Difaaca ayaa hada waxa uu Nasiib u yeeshay inuu ku Guuleeysto abaal marinta Laacibka sanadka 2011 ee dalka Austria wuxuuna Tartankaan kaga guuleeystay Ciyaartooy fara badan oo isaga la tar tameeysay (Hoos kala soco Cadeenta Natiijadaan oo maanta dhacday).
Halkaan ka Daawo sidoo kale Kulankii ugu dambeeyey ee Horyalka Germany isaga oo Gool kooxdiisa u saxiixay mid kalena u baasay Laacibka Qaranka Germany Toni Kroos (Fc Bayern Munchen Vs Fc Köln 3-0 waa Weeraryahan Lukas Podolsky kooxda uu u Ciyaaro : Daawo >> http://www.youtube.com/watch?v=6FhcdhACf2M .
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com
Ergebnis der Wahl zum Fußballer des Jahres
| 1. |
David Alaba (Bayern München) |
21 |
| 2. |
Nacer Barazite (Austria Wien) |
20 |
| 3. |
Martin Harnik (VfB Stuttgart) |
13 |
| 4. |
Patrik Jezek (Admira) |
9 |
| 5. |
Christian Fuchs (Schalke) |
8 |
| 6. |
Marc Janko (Twente Enschede) |
5 |
| . |
Imre Szabics (Sturm |
5 |
| 8. |
Zlatko Junuzovic (Austria Wien) |
3 |
| . |
Manuel Weber (Sturm) |
3 |
| 10. |
Julian Baumgartlinger (Mainz) |
1 |
| . |
Patrick Bürger (Mattersburg) |
1 |
| . |
Oliver Glasner (Ried/Karriereende) |
1 |
David Alaba ist Österreichs Fußballer des Jahres 2011. Der 19-jährige Mittelfeldspieler des FC Bayern München gewann die von der APA mit Vertretern der zehn Bundesliga-Clubs durchgeführte Wahl. Alaba gewann dabei nicht nur mit dem knappsten Vorsprung, sondern ist auch der jüngste Spieler, der seit Beginn der Vergabe 1984 diese Auszeichnung erhielt.