New, Deg Deg : David Beckham oo 14 Shaqaale ka Ceeyriyey Gurigiisa weeyn ee Beckingham & Shaqaalaha kale oo loo ogolaaday ineey sii wataan Shaqadooda.
Former England captain iyo Laacibkii weeynaa ee Kooxaha Man Utd, Real Madrid, Ac Milan David Beckham oo hada u Ciyaara Kooxda LA Galaxy ee Cariga Mareykanka ayaa wax yar ka hor wareeysi uu siiyey Telefinshinka Sky-Sport isagoo cadeeyey in Shaqaalihii Gurigiisa oo dhamaa 28-qof uu Shaqadii ka ceeyriyey 14 ka mid ah.
Mister Beckham ayaa ku eedeeyey Shaqaalahaan 14-ka qof ah qawda maqashii waxna ha u qaban isaga oo sheegay in uu wax badan u dul qaatay balse hada wixii ka biloowdo uu dulqaadkii ka dhamaaday.
Shaqaalahaan ayaa waxa eey xaq weeyn ku leeyihiin David Beckham maadaama eey u soo Shaqeenayeen mudo ka badan 12-Sanadood xiligaas oo Mister Beckham u Ciyaarayey Naadiga weeyn ee Man Utd.
David Beckham oo Gurigiisa Caanka ah lagu magacaabo Beckingham ayaa waxa uu ka kooban yahay qeeybaha kala duwan ee Dadka Taajiriinta ah lagu yaqaan sida, Beeraha, Dabaasha,Sportiga iyo Qeeyb weeyn oo Maktabad Bugaagta Football-ka lagu qoro ah.
Shaqaalaha oo awal 28-Qof ahaa ayaa waxaa hada Beckingham ku hartay oo loo ogolaaday in eey Shaqadooda horay u sii wataan 14-shaqsi oo uu Mister Beckham ku Tilmaamay Dad Shaqadooda Daacad u ah halka Shaqaalaha la ceeyriyey eey ku tilmaameen kuwa uu Beckham reebtay Dad Ruufiyaanin ah.
Shaqaalaha la ceeyriyey oo u waramayey Sky-Sport ayaa sheegay in sawiro laga qaaday iyaga oo aan shaqeeneyn ama Mashquul aheeyn loo gudbiyey Taajir David Beckham taas oo sababtay in uu Gurigiisa ku xiro Kaamero wax Jaajuusta oo aan la arki karin ka dibna iskaga tagay wexeyna arinkaas ku eedeeyeen Shaqaalaha uu hada David Beckham Guriga ku reebtay.
Arinkaan & shaqaaqadaan cusub ayaa Maanta Tv-ga Sky-Sport caan ka noqotay ka dib markii la wada wareeystay Shaqaalaha la ceeriyey, Kuwa loo ogolaaday in eey shaqadooda sii wataan iyo weliba Sky-Sport oo Live u wacay David Beckham.
ugu dambeentii Shaqaalaha eey Seefta Mister Beckham la tagtay oo Shaqada laga ceeyriyey ayaa waxaa ka mid noqday Nin lagu eedeyey in uu har iyo habeenba inta Qol soo xirto telefoon ku hadli jiray waana Qoraagiisii weeynaa ee Bugaagta Sportiga u soo saari jiray dhanka kalena ahaa soo saaraha Websat-kiisa & Webmaster-ka www.http://www.davidbeckham.com/.
Ogeeysiin Bahda ku xiran Xiriiriye: Waxaa goor dhaw soo socda Barnaamishyada La Yaab: & ku biiri Aqoontaada Sport oo maanta aad u xiiso badan. La Yaab ayaanu ku soo qaadaneeynaa maanta Ciyaaryahan Dunida caan ka ah oo Bisha Ramadaan uusan Soonka dhaafin halka uu Saadana Tukan iyo Wareysi uu arinkaas ka yiri. Barnaamishka Ku biiri Aqoontaada Sport ayaanu ku soo qaadaneeyna: Laacib ama Weeraryahan Caan ah oo Mootada ugu qaalisan Dunida gatay isaga oo gaari qaali ah leh iyo arinkaas oo laga wareeystay...Warar kaas oo dhan waxaa ku socdo Tarjumis filo Goor dhaw !!