 |
Dardaaran1 |
 |

Dardaaran 1 waa Hees cusub oo loo qaaday Bulshada & Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Champions League ku xiran waxaana heestaan eey taabaneeysaa dhinacyo badan oo dhanka Sportiga iyo Nabada ah waana markii ugu horeeysay oo hees nuucaan ah la sameeyo Taariikhda. Waa markii ugu horeeysay ebid oo Taariikhda Soomaaliyeed la maqlo ama la soo saaro Hees cusub oo ku aadan koobka weeyn ee Uefa Champions League oo Somaali badan eey aad u taageerto ama u daawato. Heestaan oo la magac baxday DARDAARAN 1 ayaa waxaa soo saaray Kooxda xiliyadaan dambe heesaha cusub soo saaristooda looga bartay ee Walaalaha Sii Sii Somband. Kooxdaan ayaa waxaa Weeraryahan ama horboodo u ah Tifaatiraha www.xiriiriye.com Omar Sii Sii oo ah shaqsi garoomada kubada cagta aan laga weeyn weliba Naftiisa uu ciyaaro Ciyaarta Kubada cagta. Heestaan oo Murtideeda dhinacyo badan oo Sportiga iyo Dhibaatada dalka taal taabaneeyso ayaa waxaa ka mid ah oo dhalinyarada lagula dardaarmay sidan: Diyaar ahaaw aan Da´daalno, Da´yarteena Darbo barno, Dalkeena aan Daacad u noqono, Darsin Goolal ah Deriskeena aan u dhiibno (oo loola jeedo mustaqbalka dhaw wadamada Jabuuti , Itoobiya iyo Kenya) . Karti yeelo Kubada dheela, Qarankaaga kor u qaad, Kaftan maahan Ciyaaraha, Ka imoow Qarbudaada, Kaalay Koorno waa tanaa, Laacibiin Aan noqono, Qarankeena kor u qaadno, Dunida la qabsano. Qarankeena Somalia Qac & Qubaa Qoorta qabtay, Qalalaasaa Qiiq ka keenay. Qaaradaha ka reebay, Qar ka tuuray 90-kii, Qadar Alle waa dhacay, Qarnigaan aan qiimeeyno, Qaaradaha la qabsano, Qalbigeena Kheeyr u sheegno. Heesta Dardaaran 1 ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay oo la magacaabay Kooxaha waa weeyn ee Somaalidu aadka u Taageeraan dhanka Horyaalada iyo Champions League waxaana ka mid ah Kooxaha Real Madrid, Barcelona, Juventus, Chelsea, Manchester Utd, Arsenal, Liverpool, Milan, Roma, Inter, Valencia, Lyon, iyo Bayern Munchen. Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa waxa eey Heestaan cusub ugu baaqeeysaa ineeysan Ciyaaraha iyo Sportiga ku ekeen taageero oo kaliyah balse laga doonayo in Mustaqbalka dhaw eey Qarankooda hooyo wax taraan weliba Maslaxa Ciyaaraha Champions League isa soo taagaan. Ugu dambeentii kooxda Walaalaha Sii Sii Somband ayaa horay waxa eey u soo saareen Heeso cusub oo Qurunka & Qasaaraha Qabiilku leeyahay. Duliga & Daryeel xumida uu Dagaalka sokeeye leeyahay waxaana u dambeeyey Heeso kale oo u badnaa Jaceeyl & Dhaanto oo eey si weeyn uga heleen dhalinta iyo Bulshada soomaaliyeed. Halkaan ka Daawo Heesta cusub oo la magac baxday Dardaaran 1: http://www.youtube.com/watch?v=pfsBjYQZmfg. http://www.xiriiriye.com/ xiriiriyesports@hotmail.com
|