Barnaamishka ILA QOSOL SPORT EE XIRIIRIYE ayaanu waxaanu idinkugu heeynaa Xayeeysiin ama Show uu sameeyey Weeraryahanka Qaranka England iyo kooxda Man Utd Wayne Rooney. Inta badan Ciyaartooyda caalamka ayaa sameeya xayeeysiino kala duwan balse midaan oo xambaarsan Qosol gooni ah ayaa waxaa muuqaal kaan kaga daawan doontaan Wayne Rooney oo Darbadiisa Dabaq dhoor biyaano ka sameeysan dhulka la dhigaayo iyo weliba isaga oo Qeeybta 2-aad ee Video-gaan Darbo kale dhulka la seexiinaayo ninka u duubaayey Camera.
Dhanka kale kooxda kubada cagta ee Fc Arsenal ayaa markii ugu horeeysay inta Taariikhda la ogyahay wexeey garaacday kooxda ayaamahaan dambe kacsaneed ee Fc Barcelona. Kooxda Barcelona oo goolka ku hor martay ayaa waxaa u saxiixay Weeraryahan David Villa daqiiqadii 26-aad ee ciyaarta qeeybteedii hore.
Ciyaartaan oo eheed mid aad u kulul oo weliba saxaafada Sportiga ee caalamka ugu magac dareen Fiinaalihii yaraa ayaa qeeybtii labaad markii la isku soo laabtay waxaa Gool aad u qurux badan u saxiixay kooxda Fc Arsenal Xiddiga Qaranka Holland Van Persie daqiiqadii 78-aad waxaana daqiiqado yar ka dib raacsaday goolkii 2-aad oo Fc Barcelona awoodeeda ciyaareed tusay Xiddiga Qaranka Russia & kooxda Fc Arsenal Andrei Sergeyevich Arshavin .
Tore: Van Persie (78.), Arschawin (83.) bzw. Villa (26.)
Arsenal: Szczesny - Eboue, Koscielny, Djourou, Clichy - Song (68./Arschawin), Wilshere - Walcott (77./Bendtner), Fàbregas, Nasri - Van Persie
Barcelona: Valdes - Daniel Alves, Pique, Abidal, Maxwell - Xavi Hernandez, Busquets, Iniesta (89./Adriano) - Pedro Rodriguez, Messi, Villa (68./Keita)
Ala biitaraha ciyaarta hayey ayaa waxaa lagu magacaabaa Rizzoli wuxuuna u dhashay dalka Talyaaniga. Garoonka kooxda Arsenal ee Emirates Stadium ayaa waxaa soo xaadirtay Taageerayaal kor u dhaafaya 59.900 .
Kooxda As Roma ee dalka Talyaaniga ayaa wexeey raacday wadadii xalay la marsiiyey kooxda Ac Milan. Roma ayaa gurigeeda waxaa ku dubatay kooxda heeysata Horyaalka dalka Ukrain ee Schachtjor Donezk. As Roma oo ku ciyaareeysay garoonkeeda weeyn ee Olympia-Staduim ayaa waxaa 2-3 dhabarka u saartay Donezk waxaana goolasha u kala dhaliyey labada kooxdood ciyaartooyda kala ah :
Roma >> Perrotta (28.), Menez (61.) Donezk >> Jadson (29.), Douglas Costa (36.), Luiz Adriano (41.). Is araga wajiga 2-aad ee kooxahaaan ayaa lagu wadaa inuu dhacdo 8-da bisha maarso ee fooda inagu soo heeyso.
Filo Goor Dhaw Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News ! iyo Barnaamishka La Yaab oo eey Tarjumis balaaran ku socoto maadaama uu xambaarsan yahay Qiso aad u xiiso badan oo wadata Sawiro iyo video-Daawasho ah !
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com