WORLD SPORT NEWS : Kooxaha magaalada Manchester oo quusiyey Xiddigihii ka socday London,* Man City oo faro cidiyo leh uga baxsatay Tottenham iyo Danny Welbeck oo Madax Xanuun ku riday Taageerayaasha The Gunners Fc Arsenal.
Kooxda Manchester United ayaa waxa ay noqotay mid ma harto ah oo bursi daran ku heeysa Dariskeeda Manchester City oo xili Ciyaareedkaan isku kooleeysay hogaanka Horyaalka dalka Ingiriiska ee The Premier League.
Man Utd wexeey jabisay Iskoor cusub maxaa yeelay 2 kulan oo hal Horyaal gudihiis ah wexeey 10-3 Goals uga badiyeen kooxda Fc Arsenal oo ay si aad ah isku neceb yihiin. Kulankii hore ee ka dhacay Garoonka Man Utd waxaa Fc Arsenal looga soo badiyey 8-2, Ciyaartii 2-aad ee ka dhacday Garoonka The Gunners waxaa mar kale lagu quusiyey 1-2 (Isku dar Goolasha The Red Devils waa 10-3).
Laacibiinta Fc Arsenal oo ku balamay ineey ManU Shayaadiinta Cas Cas ka aarsan doonaan ayaa Riyadaas waxaa Daaqada kala baxay Xiddiga markii uu yaraa Faqriga ku soo koray balse hada isku badalay Taajirka waa Laacib Antonio Valencia oo Daaqiqadii 45-aad Fc Arsenal gool ka xareeyey.
Fc Arsenal sidaas kuma quusan oo waxaa weerar Cir iyo Dhul ah soo qaaday Laacibiinteeda oo diidanaa ineey Man Utd la hoyato Iskoorkaan cusub waxaana Daqiiqadii 71-aad Goolkiisii 19-aad ee xili Ciyaareedkaan u saxiixay Fc Arsenal Laacibka Qaranka Reer Holland Robin Van Persie .
Fc Arsenal oo ugu yaraan Bareejo dooneeysay maadaama halgan xoogan ay ugu jiraan sidii ay boos uga heli lahaayeen Koobka Uefa Champions League ayaa waxaa mar kale Taageerayaasha kooxdaas Madax xanuun daran ku riday Xiddiga asal ahaan ka soo jeeda dalka Ghana waa Ciyaaryahan Danny Welbeck oo Daqiiqadii 81-aad Man Utd Goolkii guusha u saxiixay.
Ciyaartaan waxaa dhaawac uga maqnaa Fc Arsenal Laacibkooda Thierry Henry oo xilyadii hore Laf dhuun gashay ku noqon jiray kooxda The Red Devils Shayaadiinta Cas Cas (Manchester United ).
*** Dhanka kale waxaa faro Cidiyo leh ku baxsatay kooxda Manchester City oo Rigoore uu u dhaliyey Dhamaadkii Ciyaarta The Bad Boy Mario Balotelli . Man City oo ku ciyaareeysay Garoonkeeda Etihad wexeey 3-2 ku suuldaartay kooxda maalmahaan kacsan ee Tottenham Hotspur.
Goolasha kooxda Manchester City waxaa u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Samir Nasri Daqiiqadii 56-aad, Joleon Lescott Daqiiqadii 59-aad iyo dhamaadkii Ciyaarta oo uu Rigoore dhaliyey The Bad Boy Mario Balotelli Daqiiqadii 95-aad. Goolasha kooxda Tottenham waxaa kala dhaliyey Jermain Defoe Daqiiqadii 60-aad iyo Xiddiga oradka badan ee Horyaalka Ingiriiska looga yaqaan Shimbirtii Baalaha waa Laacib Gareth Bale Daqiiqadii 65-aad.
*** Macalinka kooxda Tottenham Mr Harry Redknapp oo ah Shaqsi iska afgaaban waxa uu Dacwad ka dhan ah Mario Balotelli u gudbiyey Xiriirka Kubada cagta ee dalka Ingiiriska. Mario Balotelli ayaa lagu heeystaa inuu si qalad ah ku Haraantiyey Ciyaaryahan Scott Parker oo dhulka laga soo qaaday.
Saxaafada dalka Ingiriiska oo Ciyaaryahan Mario Balotelli ugu yeerto Italian Bad Boy wexeey maanta inta badan daba dhigteen Mario Balotelli iyaga oo Ciwaan uga dhigay Dhibkii uu u geeystay Ciyaaryahan Scott Parker sidan (Ledley King The Bad Boy Mario Balotelli is Back).
Xilgii uu dhibka geeysanayey Mario Balotelli Alabiitarihii Ciyaarta hayey waxa uu ahaa Howard Webb oo iminka sheegay inuusan haba yaraatee arkin ficilka uu ku kacay Bad Boy Mario Balotelli. Macalinka kooxda Tottenham Mr Harry Redknapp wuxuu ku eedeey Ciyaaryahan Mario Balotelli inuu ficilkaas si ula kac ah ula beegsaday Dhibane Ciyaaryahan Scott Parker.
*** Kooxda Fc Chelsea oo Bareejo 0-0 ah la soo gashay Naadiga Norwich Ciy wexeey markii ugu horeeysay maamulka kooxdaas ku kacsan yihiin Weeraryahanka Reer Spain Fernando Torres oo kulankaan ku qubeeystay ama qasaariyey fursado Qaali ah.
Fernando Torres oo si aan caadi aheeyn Korantada uga dansantahay Gool uu kooxdiisa u dhaliyo waxaa ugu dambeeysay 19-kii Bishii Oktoobar sanadkii 2011 xiligaas oo uu 2 Gool ka dhaliyey kooxda Genk oo ka dhisan horyaalka dalka Beljem-ka wuxuuna ahaa kulan ka tirsan koobka Champions League oo dhex maray kooxaha Fc Chelsea Vs Genk.
Weeraryahan Fernando Torres oo la ogsoon yahay sida uu qatar u ahaa wexeey dad badan la yaabsan yihiin oo is weeydiinayaan Fernando Torres oo 15 kulan oo xiriir ah Garoomada ka baxay isaga oo aan dhalin wax Goolal ah (Yaab xagee laga heeystaa?).
FIIRO GAAR AH : Horyaalka dalka Ingiriiska ee The Premier League waxaad moodaa ineey iskugu soo hareen hanashadiisa kooxaha Reer Manchester ee kala ah Man City iyo Man Utd maxaa yeelay Tottenham oo daba bursaneeysay Man Utd & Man City waxaa iminka laga kor maray 8-Dhibcood oo nadiif ah halka Man City ay 3 Dhibcood kaga horeeyso dariskeeda Man Utd.
KOOXAHA AYAA ISBUUCAAN QAABKAAN KU KALA BAXAY :
SABDI :
Norwich
Chelsea
0:0
Everton
Blackburn
1:1
Fulham
Newcastle
5:2
Queens Park Rangers
Wigan
3:1
Stoke
West Bromwich
1:2
Sunderland
Swansea
2:0
Wolverhampton
Aston Villa
2:3
Bolton
Liverpool
3:1
AXAD :
Manchester City
Tottenham
3:2
Arsenal
Manchester United
1:2
HORYAALKA INGIRIISKA WAXAA LOO KALA HOREEYAA SIDA TAN:
1.
Manchester City
22
17
3
2
60:18
54
2.
Manchester United
22
16
3
3
54:21
51
3.
Tottenham Hotspur
22
14
4
4
41:24
46
4.
Chelsea
22
12
5
5
40:25
41
5.
Arsenal
22
11
3
8
39:33
36
6.
Newcastle United
22
10
6
6
32:30
36
7.
Liverpool
22
9
8
5
25:21
35
8.
Stoke City
22
8
6
8
23:33
30
9.
Norwich City
22
7
8
7
32:36
29
10.
Sunderland
22
7
6
9
29:24
27
11.
Aston Villa
22
6
9
7
26:29
27
12.
Fulham
22
6
8
8
28:31
26
13.
Swansea City
22
6
8
8
23:27
26
14.
Everton
22
7
5
10
22:26
26
15.
West Bromwich Albion
22
7
4
11
22:31
25
16.
Queens Park Rangers
22
5
5
12
22:37
20
17.
Bolton Wanderers
22
6
1
15
28:47
19
18.
Blackburn Rovers
22
4
6
12
33:45
18
19.
Wolverhampton Wanderers
22
4
6
12
25:40
18
20.
Wigan Athletic
22
3
6
13
19:45
15
FILO GOOR DHAW WARAR TOP NEWS AH IYO FAAQIDAADA HORYAALADA TALYAANIGA & SPAIN !!